{"id":16909,"date":"2013-08-04T17:47:42","date_gmt":"2013-08-04T14:47:42","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16909"},"modified":"2013-08-04T17:47:42","modified_gmt":"2013-08-04T14:47:42","slug":"puntland-oo-ka-soo-horjeesatay-heshiis-dhexmaray-dowlada-somalia-iyo-shirkad-ilaalisa-baddaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/08\/puntland-oo-ka-soo-horjeesatay-heshiis-dhexmaray-dowlada-somalia-iyo-shirkad-ilaalisa-baddaha\/","title":{"rendered":"Puntland oo ka soo horjeesatay heshiis dhexmaray dowlada Somalia iyo shirkad ilaalisa baddaha."},"content":{"rendered":"<p>Maamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay heshiis dowlada Somalia la gashay dhowaan shirkad laga leeyahay dalka Holand oo ilaalisa badaha taasoo lagu magacaaabo Atlantic Marine and Offshore Group.<br \/>\nWar-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka gaadiidka Badda, Dekkadaha iyo la dagaalanka Burcad badeeda ee Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa lagu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn heshiiskii bishii Luulyo dhexmaray dowlada iyo Shirkada Hollandeska ah.<br \/>\nPuntland ayaa ku tilmaantay heshiiskaas mid ka hor imaanaya heshiisyadii horey u dhexmaray xukuumada Federaala iyo maamul gobaleedyada ee ku aadanaa illaalinta madax banaanida, dhulka iyo biyaha Soomaaliya, uusan khuseynin iyada heshiiskaas.<br \/>\nWar saxaafadeedkan ayaa lagu xusay in Puntland ay sii wadi doonto inay illaashato biyaheeda, isla markaana ka hortagi doonto wax walba oo ay u aragto inay ka horimaaneyso madax banaanida, amniga iyo khayraadka degaanadaas.<br \/>\n \u201cMaamulka Puntland wuxuu u madax banaan yahay illaalinta badda Soomaaliya qeybta uu ka maamulo iyo waliba wax walba oo la xariira ka hortagida qashinka lagu tuuro iyo waliba dhanka Kalluumeysiga sharci darada ah iyo burcad badeeda\u201d ayuu lagu yiri war saxaaafadeedkaas.<br \/>\nWar-saxaafadeedkan oo Puntland tilmaan uga bixinayey sidii dal ka madax banaan Somalia ayaa ku soo aadaya xili madaxweyne Faroole uu mudooyinkan siyaasad khalafsan kula dhaqmayey dowlada Somalia, uuna sii kordhiyey handadaada iyo hadalada isla weydina ku dhisan ee uu isticmaalayo dowlada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay heshiis dowlada Somalia la gashay dhowaan shirkad laga leeyahay dalka Holand oo ilaalisa badaha taasoo lagu magacaaabo Atlantic Marine and Offshore Group. War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka gaadiidka Badda, Dekkadaha iyo la dagaalanka Burcad badeeda ee Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa lagu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16909","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16909","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16909"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16909\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16917,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16909\/revisions\/16917"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16909"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16909"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16909"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}