{"id":16883,"date":"2013-08-07T00:02:46","date_gmt":"2013-08-06T21:02:46","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16883"},"modified":"2013-08-08T23:04:32","modified_gmt":"2013-08-08T20:04:32","slug":"sanad-guurada-15-aad-ee-xmjs-oo-maanta-laga-xusay-gudaha-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/08\/sanad-guurada-15-aad-ee-xmjs-oo-maanta-laga-xusay-gudaha-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"X.M.J.S Oo Maanta 15-Sanno Jirsatay,Iyo Munaasabad Loogu Dabaaldagayey Oo Lagu Qabtay Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>Munaasabad lagu xusayey<br \/>\nsanadguuradii 15aad ee ka soo<br \/>\nwareegtay aasaaskii xisbiga<br \/>\nmidnimada Jamhuuriga<br \/>\nSoomaaliyeed oo ku beegan<br \/>\nmaanta oo taariikhdu tahay 6-da<br \/>\nbisha Agoosto ayaa lagu qabtay<br \/>\nxarunta xisbigaas ee magaalada<br \/>\nMuqdisho.<\/p>\n<p>Waxaa munaasabadaas ka qeyb<br \/>\ngalay Masuuliyiin ka tirsan<br \/>\nguddiga fulinta golaha dhexe iyo<br \/>\nhogaanka XMJS, sidoo kale<br \/>\nwaxaa ka qeyb galay<br \/>\nmunaasabadan marti sharaf kale<br \/>\noo lagu casuumay, iyadoo<br \/>\nfantisiyihii iyo suugaantii lagu<br \/>\nmaamuusayey sanadguurada<br \/>\nxisbiga loo joojiyey sanadkan<br \/>\nxurmada bisha barakeysan ee<br \/>\nRamadaan awgeed.<\/p>\n<p>Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga<br \/>\nMJS Cali Maxed Nuux (Timajilic)<br \/>\noo khudbad ka jeediyey<br \/>\nmunaasabadaas ayaa ku<br \/>\ndheeraaday taariikhdii,<br \/>\nwaxqabadkii xisbigaas iyo<br \/>\nmarxaladihi kala duwanaa ee uu<br \/>\nsoo maray isagoo xusay in<br \/>\nxisbigu uusan aheyn mid qabiil,<br \/>\nkana mid aheyn kooxaha<br \/>\nhubeysan ee dalka ka jira ama<br \/>\nsoo maray.<\/p>\n<p>\u201cMaanta taariikhdu waa 6-da<br \/>\nbisha Agoosto waxay ku beegan<br \/>\ntahay sanadguuradii 15aad ee<br \/>\nka soo wareegtay asaaska<br \/>\nxisbiga midnimada Jamhuuriga<br \/>\nSoomaaliyed, anigoo ku hadlaya<br \/>\nmagaca gudoomiyaha xisbiga<br \/>\niyo keygaba waxaan hambalyo u<br \/>\ndirayaa dhamaan shacabka<br \/>\nSoomaaliyed gaar ahaan<br \/>\ntaageerayaasha xisbiga ee kala<br \/>\njooga gudaha iyo dibeda dalka<br \/>\nwaxaana ALLE uga baryayaa<br \/>\ninuu sanadkan kiisa kale ku<br \/>\ngaarsiiyo barwaaqo nabad iyo<br \/>\nguul\u201d ayuu yiri Mudane Timajilic.<\/p>\n<p>Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga<br \/>\nMJS Cali Maxed Nuux (Timajilic)<br \/>\nayaa sheegay in xisbigala<br \/>\naasaasay 14 sano ka hor ka dib<br \/>\nmarkii madaxda xisbiga ay<br \/>\narkeen baahida loo qabo xisbi<br \/>\nnoocan ah, sababo la xiriira<br \/>\nduruufaha adag ee dalka ka jiray<br \/>\nawgeed, isagoo xusay in<br \/>\nujedooyinkii loo aasaasay ay<br \/>\nwax badan ka qabsoomeen<br \/>\nkuwa kalena ay tiigsanayaan<br \/>\nmustaqbalka sidii ay ku gaari<br \/>\nlahaayeen.<\/p>\n<p>\u201cUjeedooyinka iyo hadafka<br \/>\nxisbiga midnimada Jamhuuriga<br \/>\nSoomaaliyeed ayaa waxaa ka<br \/>\nmid ah in xukunka loo maro<br \/>\ndoorasho xalaal ah oo ah hal qof<br \/>\niyo hal cod lana joojiyo qabiilka<br \/>\niyo qoriga la daba ordayo oo<br \/>\nsiyaasiyiinta qaar ay moodeen<br \/>\niney wax ku noqon karaan hase<br \/>\nahaatee lagu hungoobay\u201d ayuu<br \/>\nyiri Cali Maxed Nuux (Timajilic).<\/p>\n<p>\u201c15 sano ka dib lama<br \/>\ngurguuran, lama fariisin lama<br \/>\nistaagin waxaana sabab u ah<br \/>\nSoomaalida iyo nidaamyadii<br \/>\ndalka soo maray ee qabiilku ku<br \/>\nxoognaa, lana dhinac maray<br \/>\nnidaamka xisbiyada kaasoo<br \/>\nhaddii ay dadku qaataan wax<br \/>\nbadan ay ka faaiidi lahaayeen,<br \/>\nhase ahaatee waxaan weli ku<br \/>\ntaaganahay wadadeena\u201d ayuu<br \/>\nintaa ku daray Timajilic.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha ayaa ka hadlay<br \/>\nxaalada dalka gaar ahaan<br \/>\nmagaalaada Muqdisho oo<br \/>\nsheegay amaanka uu faraha ka<br \/>\nbaxay ayna hareeyeen dilal,<br \/>\nqaraxyo iyo weeraro kale,<br \/>\nisagoo ku eedeeyey dowlada<br \/>\nmadaxweyne Xasan Shiikh halkii<br \/>\nsano ee ay jirtay ineysan wax la<br \/>\ntaaban karo qabanin.<\/p>\n<p>\u201cMuddadii halka sano aheyd ee<br \/>\nay jirtay dowlada Xasan Shiikh<br \/>\ndhaxalkii Dowlada KMG ay uga<br \/>\ntagtay iney wax naaqusaan<br \/>\nmooyee waxba kuma kordhin,<br \/>\namniga wey ku fashilantay,<br \/>\nMaaliyada waad maqasheen in<br \/>\nhanti badan laga lunsaday<br \/>\nBankiga dhexe, sidoo kale<br \/>\nsiyaasada dibeda\u201d ayuu intaa ku<br \/>\ndaray Timajlilic.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, gudoomiyaha ayaa<br \/>\nwax lala yaabo ku tilmaaamay in<br \/>\ndowlada Somalia ay ka dalbato<br \/>\ndowladaha ciidamadu ka<br \/>\njoogaan dalka iney u gacan<br \/>\ngeliyaan gobolada dalka ka dib<br \/>\nkulankii ka dhacay magaalada<br \/>\nKambala maalin ka hor.<\/p>\n<p>\u201cWaxaanu ka xunahay in<br \/>\ndowlada ay sidii ay beesha<br \/>\ncaalamka uga codsan jirtayba in<br \/>\nmaanta ay codsato in gacanta<br \/>\nloo geliyo gobolada dalka<br \/>\nqaarkood sida Kismaayo iyadoo<br \/>\narintaas lagu go\u2019aamiyey shirkii<br \/>\nka dhacay maalmo ka hor<br \/>\nmagaalada Kambala ee ay iskugu<br \/>\nyimaadeen madaxda dalalka<br \/>\nciidamadu ka joogaan Somalia\u201d<br \/>\nayuu intaa ku daray<br \/>\ngudoomiyaha.<\/p>\n<p>Timajilic ayaa nasiib daro ku<br \/>\ntilmaamay in amaanka Muqdisho<br \/>\nuu faraha baxay habeen iyo<br \/>\nmaalina ka dhacaan 20-meeyo<br \/>\nqarax, dhinaca kalena ay is<br \/>\nfaham la\u2019aan ka jirto dalalka<br \/>\nderiska qaarkood iyo dowlada<br \/>\nSomalia.<\/p>\n<p>\u201cBaarlamanka mudadii bisha<br \/>\naheyd ee kalfadhiga aan caadiga<br \/>\naheyn uu yeelanayey xeerarkii<br \/>\nqaarna waa celiyeen qaarna waa<br \/>\nansixiyeen, waxaa ka mid ahaa<br \/>\nsharciga axsaabta dalka oo aan<br \/>\nu aragno inuu yahay in laga<br \/>\nordaayo axsaabta dalka,<br \/>\nwaxaana soo jeedinaynaa in<br \/>\nsharcigaas lagala tashado<br \/>\naxsaabta dalka, sida<br \/>\nwarbaahintaba loogala tashaday<br \/>\nsharciga saxaafada\u201d ayuu intaa<br \/>\nku daray gudoomiye Timajlic.<\/p>\n<p>Xisbiga midnimada jamhuuriga<br \/>\nSoomaaliyed oo maanta u dabaal<br \/>\ndegay sanadguuradiisii 15aad<br \/>\nayaa ah xisbigii ugu horeeyey ee<br \/>\ndalka laga sameeyey kaasoo ka<br \/>\nmid ah asxaabta siyaasadeed ee<br \/>\nka jirta dalka, waana mid ka<br \/>\nhufan, qori, iyo qabiil, aaminsana<br \/>\nin xukunka dalka lagu gaaro,<br \/>\ndimoqraadiyad, shacabkuna ay<br \/>\nsi xor ah u doortaan madaxdii<br \/>\nhogaamin laheyd.<\/p>\n<p>Waxaa xusid mudan in<br \/>\nmunaasabado kale oo tan la mid<br \/>\nah ay ka dhaceen qaar ka mid ah<br \/>\nmagaalooyinka gobolada dalka<br \/>\niyo dibeda waxaana khudbado<br \/>\nka jeediyey wakiilada xisbiga ee<br \/>\nmagaalooyinkaas jooga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad lagu xusayey sanadguuradii 15aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 6-da bisha Agoosto ayaa lagu qabtay xarunta xisbigaas ee magaalada Muqdisho. Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan guddiga fulinta golaha dhexe iyo hogaanka XMJS, sidoo kale waxaa ka qeyb galay munaasabadan marti [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16883","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16883","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16883"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16883\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16942,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16883\/revisions\/16942"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16883"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16883"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16883"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}