{"id":16853,"date":"2013-07-29T16:49:50","date_gmt":"2013-07-29T13:49:50","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16853"},"modified":"2013-07-29T16:49:50","modified_gmt":"2013-07-29T13:49:50","slug":"isku-socodka-dadka-gaadiidka-iyo-ganacsiga-qeybo-ka-mid-ah-magaalada-jowhar-oo-hakad-la-geliyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/isku-socodka-dadka-gaadiidka-iyo-ganacsiga-qeybo-ka-mid-ah-magaalada-jowhar-oo-hakad-la-geliyey\/","title":{"rendered":"Isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga qeybo ka mid ah magaalada Jowhar oo hakad la geliyey."},"content":{"rendered":"<p>Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa aroornimadii hore howlgalo kula jarmaaday xaafado ka mid ah magaalada Jowhar ee gobolka Sh\/dhexe.<br \/>\nWararka ayaa sheegaya in boqolaal ka tirsan ciidamada dowlada iyo AMISOM oo ku qalabeysan gaadiidka dagaalka iyo kuwa Gaashaaman ay go\u2019doomiyeen xaafada Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.<br \/>\noob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamadu ay joojiyeen socodka, dadka, gaadiidka iyo ganacsigii ka jiray xaafadaaas ayna wadaan howlgalo baaritaan ah oo ay ku galayaan guryaha iyagoo raadinaya hub, waxyaabaha qarxa iyo dad amni daro lagu tuhmayo.<br \/>\nLama oga sababta ciidamada iskaashanaya ay u beegsadeen xaafada Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar hase ahaatee waxaa uu daba socdaa kulan todobaadkii hore ka dhacay magaalada oo ay iskugu yimaadeen maamulka gobolka, iyo saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowlada. Kulankaas oo looga hadlayey sugida amaanka Jowhar, waxaana lagu go\u2019aamiyey in la xoojiyo amaanka, lagana sameeyo xaafadaha magaalada howlgalo hubka, waxyaabaha qarxa lagu raadinayo, mana jiro war ku saabsan howlgalkan oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada.<br \/>\nXoogaga Al-shabaab ayaa mararka qaarkood qaraxyo iyo weeraro toos ah ka geysta gudaha iyo hareeraha magaalada Jowhar kuwasoo ay la beegsadaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee fariisimaha ku leh magaaladaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa aroornimadii hore howlgalo kula jarmaaday xaafado ka mid ah magaalada Jowhar ee gobolka Sh\/dhexe. Wararka ayaa sheegaya in boqolaal ka tirsan ciidamada dowlada iyo AMISOM oo ku qalabeysan gaadiidka dagaalka iyo kuwa Gaashaaman ay go\u2019doomiyeen xaafada Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar. oob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamadu ay joojiyeen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16853","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16853","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16853"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16853\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16853"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16853"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16853"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}