{"id":16819,"date":"2013-07-28T15:27:16","date_gmt":"2013-07-28T12:27:16","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16819"},"modified":"2013-07-28T15:27:16","modified_gmt":"2013-07-28T12:27:16","slug":"nicholas-kay-oo-cambaareeyay-weerarkii-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/nicholas-kay-oo-cambaareeyay-weerarkii-turkiga\/","title":{"rendered":"Nicholas Kay oo cambaareeyay weerarkii Turkiga."},"content":{"rendered":"<p>Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay  ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen shaqaale Turki ah oo ka howlgalla safaaradda Turkigu ay ku leedahay Muqdisho.<br \/>\nWarsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa lagu sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan falkaasi lagu weeraray hoyga ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkiga ee ka dhashay dhimashada iyo dhaawaca.<br \/>\nWarsaxaafadeedka ayaa lagu yir, Tani waxa ay qayb ka tahay weeraro argagixisonimo ah oo ay Al-shabaab qaadaysay inta lagu gudo jiro bishan Ramadan<br \/>\nWakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa yiri \u201cWaxaan dowladda Turkiga uga tacsiyadeyneynaa weerarkaasi lagu qaaday hoyga ay shaqaalahooda ku sugnaayeen, sidoo kale dadkii noloshooda ku waayay iyo kuwii ku dhaawacmay intaba, Turkiga waxa ay si geesinimo leh uga shaqeynayeen gudaha dalka sanadihii ugu dambeeyay oo ay caawinayeen shacabka Soomaaliyeed\u201d<br \/>\nNicholas Kay ayaa hoosta ka xariiqay in ay si kulul u cambaareynayaan falalka argagixisonimo oo ay Soomaaliya ka wadaan Al shabaab, waxaana uu intaa ku daray in Qaramada Midoobay iyo Hay\u2019adaha kale ee saaxiibka la ah aysan dhaq jalaq u siin doonin falalka ay Al shabaab, ayna sii wadayaan caawinta shacabka Soomaaliyeed iyo sidii horumar loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen shaqaale Turki ah oo ka howlgalla safaaradda Turkigu ay ku leedahay Muqdisho. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa lagu sheegay in ay si kulul [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16819","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16819","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16819"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16819\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16829,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16819\/revisions\/16829"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16819"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16819"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16819"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}