{"id":16815,"date":"2013-07-28T15:28:04","date_gmt":"2013-07-28T12:28:04","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16815"},"modified":"2013-07-28T15:28:04","modified_gmt":"2013-07-28T12:28:04","slug":"dr-saacid-oo-booqday-xaruntii-turkiga-ee-shalay-qaraxa-ismiidaaminta-lagu-weeraray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/dr-saacid-oo-booqday-xaruntii-turkiga-ee-shalay-qaraxa-ismiidaaminta-lagu-weeraray\/","title":{"rendered":"Dr Saacid oo Booqday Xaruntii Turkiga ee shalay qaraxa ismiidaaminta lagu weeraray."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/saacid6.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/saacid6.jpg\" alt=\"saacid6\" width=\"800\" height=\"533\" class=\"alignleft size-full wp-image-16823\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/saacid6.jpg 800w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/saacid6-300x199.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/a>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon \u201cSaacid\u201d ayaa saaka booqday xaruntii shalay kooxaha nabadiidku ay la beegsadeen qaraxa taasoo ay deganaayeen shaqaale u dhashay dalka Turkiga oo howlo samafal caafimaad ugu fidin jiray shacabka Soomaaliyeed.<br \/>\nRa\u2019iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Maaliyadda, waxayna kormeereen goobta qaraxu kad hacay, iyaga oo u kuurgalay baaxada saameynta qaraxa, waxayna warbixin ka dhegeysteen shaqaale Turki ah oo iyagu goob joog ahaa xilligii qaraxa.<br \/>\nBooqashada kadib, ayaa waxaa shir jaraa\u2019id ku wada qabtay dhismaha shaqaalaha Turkida, Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kamaludin Kani Torun.<br \/>\n\u201cWaxaan aad uga tacsiyadeynayaa dhibaatadii halkan ka dhacday, waana cambaareyneynaa falkaan fuleynimo\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Saacid oo sidoo kale tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ardaygii Soomaaliyeed ee qaraxa ku dhintay.<br \/>\n\u201cDawlada iyo shacabka Turkiga ma ilaawi doono kaalmadii ay shacabka Soomaaliyeed u fidiyeen iyo waqtigii adkaa ee ay garab istaageen ummadda Soomaaliyeed\u201d ayuu mar kale yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay xoojin doonto sugida amniga dalka, si qaab nabadeed ay ugu fulaan howlaha gargaarka iyo dib u dhiska ah ee ay dalka ka wadaan shaqaalaha Turkida.<br \/>\nSafiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya Kamaludin Kani Torum ayaa isna sheegay in dawladda Turkiga ay sii wadi doonto isla markaana laban laabeyso taageerada dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonaan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah dalka.<br \/>\nRa\u2019iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kormeeray dayactir ay shaqaalaha Turkigu ka wadaan wadada isku xirta Garoonka Aadan-cadde iyo isgoyska KM4, waxaana Ra\u2019iisul Wasaaruhu uu carabka ku adkeeyey in dawladda Turkigu ay uga mahadcelinayaan kaalinta horumarineed ee ay ka wadaan dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon \u201cSaacid\u201d ayaa saaka booqday xaruntii shalay kooxaha nabadiidku ay la beegsadeen qaraxa taasoo ay deganaayeen shaqaale u dhashay dalka Turkiga oo howlo samafal caafimaad ugu fidin jiray shacabka Soomaaliyeed. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Maaliyadda, waxayna kormeereen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16815","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16815","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16815"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16815\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16830,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16815\/revisions\/16830"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16815"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16815"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16815"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}