{"id":16795,"date":"2013-07-27T14:56:19","date_gmt":"2013-07-27T11:56:19","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16795"},"modified":"2013-07-27T15:02:52","modified_gmt":"2013-07-27T12:02:52","slug":"faahfaahin-gaarigii-saaka-ku-qarxay-isgoyska-sanca-iyo-masuul-ka-tirsan-dowlada-oo-ku-dhaawacmay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/faahfaahin-gaarigii-saaka-ku-qarxay-isgoyska-sanca-iyo-masuul-ka-tirsan-dowlada-oo-ku-dhaawacmay\/","title":{"rendered":"Gaarigii saakay ku qarxay isgoyska Sanca iyo masuul ka tirsan dowlada oo ku dhaawacmay."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/togasho1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/togasho1.jpg\" alt=\"togasho1\" width=\"640\" height=\"480\" class=\"alignleft size-full wp-image-16803\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/togasho1.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/togasho1-300x225.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a>Waxa soo baxaya faahfaahin ku saabsan gaari miineysan oo saaka ku qarxay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.<br \/>\nWararku ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa mid si qarsoodi ah loogu xiray gaari uu laha khasnajiga wasaarada howlaha guud ee guriyeynta ee xukuumada Somalia oo magaciisa la yiraahdo Jabriil Maxamuud Iimaan si loogu qaarajiyo.<br \/>\n\u201cGaarigu oo noociisu ahaa Garib waxaa watay khasnajiga wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta Jabriil Maxamuud Iimaan oo ka yimid gurigiisa oo ku yaala degaanka Siisii ee degmada Yaaqshiid, waxaana isagoo ku soo jeeda xarunta wasaarada uu gaariga kula qarxay isgoyska Sanca\u201d sidaa waxaa yiri masuul ka tirsan wasaaradaas oo goor dhow la hadlay warbaahinta.<br \/>\nWararku waxay sheegayaan in Jabriil Maxamuud Iimaan uu ka dhaawac fudud oo gubniin ah ka soo gaaray wejiga iyo meelo kale oo jirkiisa ka mid ah, hase ahaatee uu qaraxaas ku geeriyooday nin ay saaxiibo ahaayeen oo gaariga la saarnaa.<br \/>\nGoob joogayaal ayaa sheegaya in Jabriil uu ka booday gaariga markii uu qarxay isagoo dhaawacyo qaba hase ahaatee ninka saaxiibkii ahaa ee la socday uu dhamaantiis ku gubtay gaariga qarxay halkaasna uu ku geeriyooday.<br \/>\nWararka naga soo gaaraya xarunta wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta ee xukuumada Somalia ayaa sheegaya in goor dhow halkaas uu gaaray khasnajiga wasaarada howlaha guud ee guriyeynta Jabriil Maxamuud Iimaan oo dhaawacyo qaba hase ahaatee lugihiisa ku socda, iyadoo wax yar ka dibna loo sii gudbiyey isbitaalada Muqdisho.<br \/>\nSaraakiisha amaanka dowlada iyo maamulka degmada Yaaqshiid ayaan ka hadlin weerarkan illaa hadda.<br \/>\nQaraxyada lagu soo xiro gaadiidka ay wataan madaxda dowlada ayaa mudooyinkan ku soo badanayey Muqdisho, Maalmo ka hor ayeyna aheyd markii gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka uu ku qarxay degmada X\/weyne ee magaalada Muqdisho inkastoo ay ka badbaadeen, waxaana ku dhintay hal ruux 7 kalena wey ku dhaawacmeen horeyna waxaa qarax kuwan la mid ah loogu qaarajiyey Maxamed Ibraahim Garweyne oo ka mid ahaa wasiir iyo xildhibaan ka soo noqday dowladii hore ee KMG aheyd.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxa soo baxaya faahfaahin ku saabsan gaari miineysan oo saaka ku qarxay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararku ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa mid si qarsoodi ah loogu xiray gaari uu laha khasnajiga wasaarada howlaha guud ee guriyeynta ee xukuumada Somalia oo magaciisa la yiraahdo Jabriil [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16795","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16795","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16795"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16795\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16807,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16795\/revisions\/16807"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16795"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16795"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16795"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}