{"id":16741,"date":"2013-07-24T14:35:03","date_gmt":"2013-07-24T11:35:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16741"},"modified":"2013-07-24T14:35:03","modified_gmt":"2013-07-24T11:35:03","slug":"sargaal-ka-tirsan-hayadda-pdrc-oo-xalay-lagu-dillay-galkacyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/sargaal-ka-tirsan-hayadda-pdrc-oo-xalay-lagu-dillay-galkacyo\/","title":{"rendered":"Sargaal ka tirsan Hay\u2019adda PDRC oo xalay lagu dillay Galkacyo."},"content":{"rendered":"<p>Sarkaal ka tirsanaa heyadda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa xalay fiidnimadii lagu toogtay woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.<br \/>\nC\/naasir Maxamed Cilmi oo ahaa madaxii maamulka iyo dhaqaalaha ugu qaabilsanaa xafiiska heyadda PDRC ee gobolka Mudug ayaa waxaa wadada u galay kooxo bastoolado ku hubeysan, xili uu ka soo baxay masaajidka Imaamu Shaafici oo uu ku soo tukaday salaada taraawiixda, kaasoo ku yaala xaafada Garsoor, kuna sii jeeday hoygiisa.<br \/>\nKooxaha dilka geystay ayaa deg deg uga baxsaday goobtaas, iyadoo ciidamada maamulka Puntland oo wax yar dib soo gaarayna ay sameeyeen baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey dilkaas inkastoo aysan ku guuleysan, mana jiro war illaa hadda ay ka soo saareen.<br \/>\nWaa sarkaalkii labaad ee ka tirsan heyadda PDRC ee lagu dilo woqooyiga Gaalkacyo, iyadoo 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2011 sidan oo kale lagu dilay isla magaalada Gaalkacyo sarkaalkii Hay\u2019adda ugu sareeyey gobolka Mudug Marxuum C\/qaadir Yaasiin Xaaji Jaamac.<br \/>\nWoqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu gacanta ku hayo maamulka Puntland ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyey ka dhacayey dilal badan oo loo geystay, dad kala duwan oo isugu jira qeybaha bulshada kuwasoo ay ku jireen illaa afar weriye oo uu ugu dambeeyey marxuum Liibaan Qaranoo todobaadyo ka hor halkaas lagu dilay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sarkaal ka tirsanaa heyadda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa xalay fiidnimadii lagu toogtay woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday. C\/naasir Maxamed Cilmi oo ahaa madaxii maamulka iyo dhaqaalaha ugu qaabilsanaa xafiiska heyadda PDRC ee gobolka Mudug ayaa waxaa wadada u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16741","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16741","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16741"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16741\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16742,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16741\/revisions\/16742"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16741"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16741"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16741"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}