{"id":16712,"date":"2013-07-23T17:16:39","date_gmt":"2013-07-23T14:16:39","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16712"},"modified":"2013-07-23T17:17:26","modified_gmt":"2013-07-23T14:17:26","slug":"dowladda-somalia-oo-war-kazoo-saartay-warbixinta-guddiga-qaramada-midoobay-ee-arrimaha-somaliawarsaxaafadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/dowladda-somalia-oo-war-kazoo-saartay-warbixinta-guddiga-qaramada-midoobay-ee-arrimaha-somaliawarsaxaafadeed\/","title":{"rendered":"Dowladda Somalia oo war kasoo saartay Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia+Warsaxaafadeed."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/logo-somalia.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/logo-somalia.jpg\" alt=\"logo-somalia\" width=\"484\" height=\"427\" class=\"alignleft size-full wp-image-16714\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/logo-somalia.jpg 484w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/logo-somalia-300x264.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 484px) 100vw, 484px\" \/><\/a>Muqdisho, 23 July 2013 \u2013 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wallaac ka muujisey warbixintii ay dhowaan guddiga dabagalka Xayiraadka Hubka Soomaaliya iyo Eretria oo khaladaad fara badan oo qaarkood iska horimaanaya iyo arrimo aan sax aheyn ay key jireen, kuna baaqay in wadatashi lala sameeyo dowladda iyo in la abuuro guddi dhex-dhexaadin ah oo la horgeeyo arrimaha qaldan inta aan warbixinta la shaacin.<br \/>\nAf-hayeenka Madaxtooyada Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa yiri \u201c Warbixintan waxaa ku jira arrimo fara badan oo tixgelin u baahan. Waxaan ku faraxsannahay aqoonsiga guddiga QM ee ah in Dowladdu ay si fiican ula shaqeysey, tan oo tusaysa sida ay nooga go\u2019antahay furufrnaanta. Hase yeeshee waxaan aad iyo aad uga xunnahay Guddigan QM inuu ku guuldarreystey inuu dowladda kala hadlo warbixintooda iyo go\u2019aanaddooda si aan u gudbino jawaabaheeena ka hor inta aan la baahin warbixinta.<br \/>\n \u201cWaxaa muuqata in warbixinta lagu saleeyey xan, sheekooyinka fadhi ku dirirka, iyo ku tiri-ku-teen, kuwaas oo dhaliyey inay soo baxdo warbixin aan dhex-dhexaad aheyn oo eedeyn aan sal iyo baar toona laheyn ku fadhisa loo baahiyey caalamka oo dhan.<br \/>\n \u201cWarbixinta sida guracan lagu keenay waxey tuseysaa oo caddeyneysaa sida Guddigan QM uu ugu guuldareystay inuu u fahmo xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta. Warbxintan waxey qatar ku tahay nabadda iyo xasilinta dalka.<br \/>\n\u201cDowladda Federaalka waxey codsaneysaa in Golaha Ammaanka ee QM ay sameeyaan inay dhacdo wadatashi laga yeesho warbixinta iyo inay sameeyaan guddi dhexdhexaad ah oo warbixinnada mustaqbalka tixgeliya jawaabaha dowladda iyo in warbixinnada khaladka ah laga saaro warbixinada inta aan la daabicin.<br \/>\n \u201cTani waxey muhiim u tahay nabadda iyo xasilinta dalka iyo sumcadda QM si warbixinnada mustaqbalka ay u noqdaan kuwa ku dhisan xaqiiqda oo la hubiyey isla markaana dhex-dhexaad ah.<br \/>\n\u201cWaxaan ku faraxsannahay in warbixintu ay xoogga saartay kooxaha Al-Shabaab oo khatar ku ah dalka iyo qaswadayaasha kale. Kuwaan oo khatar nagu wada ah una baahan inaan ciribtirno.<br \/>\n\u201cWaxaana ku faraxsannahay in burcad-badeedu ay yaraatay, waxaana ka wallaacsanahay dambiilayaasha oo kordhay. Waxaana noo taalla shaqo badan oo aan ummadda u abuureyno shaqooyin iyo nolol si looga fogaado falalka dambiyada ah.<br \/>\n\u201cIn lagu tilmaamo Bankiga Dhexe mid si shaqsi ama gaar ah loo isticmaalo oo habka \u201cFadlan\u201d ka ah loo isticmaalo, waa mid aan sax aheyn oo sharaf ka dhac ku ah Soomaalida sida aadka ah u shaqeysata oo duruufo adag ku shaqeeya si dalku uu dib ugu dhismo.<br \/>\n\u201cHabka ay ugu yeereyn \u201cFadlan\u201d oo shaqsiyaad wax lagu siiyo ma aha mid jira oo xaqiiqada ayaa ah in si sharci ah ay ku baxaan lacagaha oo wasaaradaha iyo hay\u2019adaha dowladda ku baxa oo aan heysan nidaamka caalamka oo ay tahay in hay\u2019adahu ay shaqsiyaad loogu tala galay u soo qaadaan lacagahooda.<br \/>\n\u201c Haddii ay guddigan QM imaan lahaayeen Muqdisho oo ay si dhab ah u fiirin lahaayeen sida lacagaha loo xareeyo iyo nidaamka lagu bixiyo waxey arki lahaayeen sida sharciga ah ee uu Bankiga u shaqeeyo.<br \/>\n \u201cWaxaan bilownay nidaamka iyo shuruucdii haggaajinta dhaqaalaha, oo aan la shaqeynaa hayadaha Bankiga Adduunka iyo hay\u2019adda lacagta Adduunka (IMF).<br \/>\n \u201cWaxaan ku dadaalnaa inaan horumar weyn ka sameyno maamulka iyo maareynta maaliyadda, oo bilihii la soo dhaafay waxaan ku guuleysanay:<br \/>\n    Inaan maamulkii iyo maareynta maaliyadda haggaajiney oo aan la shaqeynaa Bankiga Adduunka iyo IMF;<br \/>\n    Waxaan dhameystirnay sharcigii maaliyadda oo hadda Baarlamaanka hoyaalla;<br \/>\n    Waxaan daabacnay miisaaniyadii oo aan si dhab ah ugu dhaqannaa;<br \/>\n    Waxaan dhowaan sameyneynaa Guddigii Maamulka Bankiga<br \/>\n    Waxaan u yeerannay Hanti-Dhowr caalami ah si ay u baaraan xisaabaadkeenna;<br \/>\n    Bankiga oo aan casriyeyney oo aan u sameyney habkii Swift Code-ka, iyo nidaamkii guud;<br \/>\n \u201c Madaxweynahu aad buu uga hadlay sida aan loogu dulqaadan karin musuqmaasuq, waxaana sameyn doonnaa baaritaanno la xiriira falalka musuqmaasuqa oo aan tallaabo ka qaadi doono cid allaale iyo ciddii ay ku caddaato.<br \/>\n\u201cMa dafireyno inay jiraan caqabdo dhanka khibradda ah, hase yeeshee waa naga go\u2019antahay inaan sii dedejino horumarka dhanka maaliyadda. Hay\u2019adahu waa mihiim, waana inaan sii dhisnaa hay\u2019ado lagu kalsoonaan karo.<\/p>\n<p>\u201cMa aha in la is tuso in sanad gudihiisa wax walba lagu bedeli karo, waqti beyna qaadaneysaa inaan isbedel dhab ah la nimaadno oo horumarka aan sameyneyno waa mid soo soconaya.<\/p>\n<p>&#8211;       DHAMAAD \u2013<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, 23 July 2013 \u2013 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wallaac ka muujisey warbixintii ay dhowaan guddiga dabagalka Xayiraadka Hubka Soomaaliya iyo Eretria oo khaladaad fara badan oo qaarkood iska horimaanaya iyo arrimo aan sax aheyn ay key jireen, kuna baaqay in wadatashi lala sameeyo dowladda iyo in la abuuro guddi dhex-dhexaadin ah oo la horgeeyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16712","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16712","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16712"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16712\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16718,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16712\/revisions\/16718"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16712"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16712"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16712"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}