{"id":16679,"date":"2013-07-23T12:21:46","date_gmt":"2013-07-23T09:21:46","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16679"},"modified":"2013-07-23T12:26:22","modified_gmt":"2013-07-23T09:26:22","slug":"meydka-haweeney-la-isugu-daray-kufsi-iyo-dil-oo-laga-helay-duleedka-magaalada-jowhar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/meydka-haweeney-la-isugu-daray-kufsi-iyo-dil-oo-laga-helay-duleedka-magaalada-jowhar\/","title":{"rendered":"Meydka haweeney la isugu daray kufsi iyo dil oo laga helay duleedka magaalada Jowhar."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/meyd.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/meyd.jpg\" alt=\"meyd\" width=\"450\" height=\"337\" class=\"alignleft size-full wp-image-16684\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/meyd.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/meyd-300x224.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a>Xalay fiidnimadii ayaa meydka haweeney la kufsaday ka dibna toorey lagu dilay waxaa laga helay degaano howd ah oo ku yaala duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Sh\/dhexe.<br \/>\nHaweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Mako Jiid ayaa shalay ka soo baxday tuulo ku taala hareeraha Jowhar iyadoo ka soo adeeg doonatay magaalada, waxaana la waayey shalay markii ay dib u laabaneysay sida uu sheegay nin ay ehelo dhow yihiin oo lagu magacaabo Toxob Muuse.<br \/>\n \u201cMarkii ay ka soo baxday Jowhar oo ay jidka ku soo jirtay wey i soo wacday waxayna ii sheegtay iney baqeyso oo uu daba socdo nin aysan garaneynin, iyadoo mareysa meel howd ah, intaas ka dibna telefankeeda hawada ayuu ka baxay, waxaan arintan ku wargelinay maamulka\u201d ayuu intaa ku daray Toxob Muuse oo saxaafada la hadlayey.<br \/>\nWaxaa uu xusay in baadi goob badan ka dib ay xalay haweeneydaas oo meyd ah ka heleen meel geed ah hoostiis ah, iyadoo la kufsaday ka dibna dhowr meelood toorey looga dhuftay si arxan daro ah, isagoo xusay in goobta ay u muuqatay meel lagu la isku jiid jiiday oo lagu hardamay.<br \/>\n \u201cCiidamada Maamulka ayaa intaas ka dib baaritaan sameeyey waxayna raaceen raadka qof geedkaas ka baxay oo ku dhamaaday beer halkaas ku dhoweyd, waxayna soo xireen nin beertaas keligiis joogay oo si weyn loogu tuhunsan yahay inuu falkaas sameeyey baaritaan ayaana ku socda\u201d ayuu mar kale yiri Toxob Muuse<br \/>\nFalkan arxan darada ah ee dilka iyo kufsiga la iskugu daray haweeneydan ayaa waxaa uu naxdin iyo argagax ku noqday dadweynaha ku dhaqan magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda oo xalay illaa saaka si weyn u hadal haya, mana jiro war ku saabsan falkan oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh\/dhexe iyo kan magaalada Jowhar.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xalay fiidnimadii ayaa meydka haweeney la kufsaday ka dibna toorey lagu dilay waxaa laga helay degaano howd ah oo ku yaala duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Sh\/dhexe. Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Mako Jiid ayaa shalay ka soo baxday tuulo ku taala hareeraha Jowhar iyadoo ka soo adeeg doonatay magaalada, waxaana la waayey shalay markii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16679","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16679","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16679"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16679\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16686,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16679\/revisions\/16686"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16679"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16679"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16679"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}