{"id":16675,"date":"2013-07-23T12:22:08","date_gmt":"2013-07-23T09:22:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16675"},"modified":"2013-07-23T12:29:18","modified_gmt":"2013-07-23T09:29:18","slug":"qarax-dhimasho-iyo-dhaawac-sababay-oo-saaka-ka-dhacay-guri-ku-yaala-degmada-wadajir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/qarax-dhimasho-iyo-dhaawac-sababay-oo-saaka-ka-dhacay-guri-ku-yaala-degmada-wadajir\/","title":{"rendered":"Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo saaka ka dhacay guri ku yaala degmada Wadajir."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/qarax-miino2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/qarax-miino2.jpg\" alt=\"qarax-miino2\" width=\"512\" height=\"340\" class=\"alignleft size-full wp-image-16687\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/qarax-miino2.jpg 512w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/qarax-miino2-300x199.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 512px) 100vw, 512px\" \/><\/a>Qarax xoogan oo daryankiisa laga maqlayey meelo badan ayaa saaka waaberigii hore ka dhacay guri la aaminsan yahay in lagu diyaarinayey oo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.<br \/>\nSida ay wararku sheegayaan qaraxan ayaa ka dhacay guri aan wax badan ka fogeyn xerada Xalane oo hadda ah taliska dhexe ee ciidamada AMISOM, waxaana dad goob joogayaal ahi sheegeen in ugu yaraan labo ruux ay qaraxaas ku dhinteen, qof kalena uu ku dhaawacmay.<br \/>\nGudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Wadajir Macalin Max\u2019uud Saney oo ka mid ahaa masuuliyiin iyo ciidamo gurigaas gaaray ayaa sheegay in labada ruux ee geeriyootay ay ahaayeen kuwii qaraxaas diyaarinayey, uuna weli socdo baaritaan.<br \/>\n\u201cIn labada qof ee dhimatay ay qaraxa diyaarinayeen waxaa cadeynaya waxaan isla gurigaas ka helnay, hub kala nooc ah oo isugu jira qoryo fudud, bambooyin, rasaas, bastoolado iyo miinooyin kale oo aan qarxin\u201d ayuu yiri Macalin Maxuud Saney oo ka jawaabayey su\u2019aal la weydiiyey oo aheyd waxa cadeynaya in labada qof ee dhintay ay ahaayeen kuwii qaraxaas diyaarinayey.<br \/>\nGoob joogayaal ka mid ahaa dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxaas uu burbur xoogan u geystay qeybo ka mid ah gurigaas, ayna goobtaas ku sugan yihiin ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowlada oo gurigaas ka wada baaritaano kala duwan.<br \/>\nMaahan markii ugu horeysay ee qarax noocan ah uu ka dhaco guryo lagu farsameynayey qaraxyo, waxaana guryo ku yaala meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho horey uga dhacay qaraxyo noocan ah oo ay ku dhinteen intooda badan dadkii diyaarinayey.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qarax xoogan oo daryankiisa laga maqlayey meelo badan ayaa saaka waaberigii hore ka dhacay guri la aaminsan yahay in lagu diyaarinayey oo ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan qaraxan ayaa ka dhacay guri aan wax badan ka fogeyn xerada Xalane oo hadda ah taliska dhexe ee ciidamada AMISOM, waxaana dad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16675","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16675","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16675"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16675\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16691,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16675\/revisions\/16691"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16675"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16675"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16675"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}