{"id":16642,"date":"2013-07-22T14:22:03","date_gmt":"2013-07-22T11:22:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16642"},"modified":"2013-07-22T14:33:42","modified_gmt":"2013-07-22T11:33:42","slug":"rag-lala-xiririnayo-dilka-macalin-xsan-cilmi-ciyow-oo-baladweyne-lagu-xeray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/rag-lala-xiririnayo-dilka-macalin-xsan-cilmi-ciyow-oo-baladweyne-lagu-xeray\/","title":{"rendered":"Rag lala xiririnayo dilka Macalin Xsan Cilmi Ciyow oo Baladweyne lagu xeray."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/Baladweyne1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/Baladweyne1.jpg\" alt=\"Baladweyne\" width=\"640\" height=\"480\" class=\"alignleft size-full wp-image-16653\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/Baladweyne1.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/Baladweyne1-300x225.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a>Saraakiisha Booliska magaalada B\/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalo ay ka wadeen magaaladaas 24-kii saac ee ugu dambeeyey kuwaasoo lagu baadi goobayey kooxihii ka dambeeyey dilkii habeen hore loogu geystay B\/weyne gudoomiye ku-xigeenkii maxkamada magaaladaas marxuum Macalin Xasan Cilmi Ciyow.<br \/>\nTaliyaha Booliska B\/weyne Cali dhuux Cabdi-Mahadalle ayaa sheegay in howlgaladaas ay ku soo qabteen qiyaastii 10 qof oo uu xusay in si weyn loogu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen dilka masuulkaas kuwaasoo uu xusay iney baaritaano adag ku socdaan.<br \/>\n \u201cBeledweyne waa is taqaanaa, xaafad xaafad ayey iskugu xiran tahay, qofkii ku soo kordha waa nalagu soo wargeliyaa shacabka ayey wada shaqeyn buuxda naga dhexeysaa kuwa hada aan soo xirnayna tilmaamo ay bixiyeen ayaa lagu soo qabqabtay\u201d ayuu intaa ku daray taliyaha.<br \/>\nIsagoo hadalkiisa sii wata ayuu taliye Mahadalle sheegay in raggan ay soo xirxireen haddii aysan geysan dilkaas ay ugu yaraan wax ka abaabuleen ama ka og yihin xogta ku saabsan cidii geysatay, wuxuuna xusay in qaarkood ay ka heleen warbixino muhiim ah oo bilow u noqon kara raadka kooxihii dilka geystay.<br \/>\nKooxo hubeysan ayaa habeen hore waxay dil ugu geysteen xaafada Irid-aamin oo ka tirsan magaalada Baladweyne guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada, Macalin Xassan Cilmi Ciyow xili ka rawaxay xafiiskiisa kuna sii jeeday hoygiisa.<br \/>\nCiidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa wali ka wada xaafaddaha magaalada howlgal ballaaran oo sida ay sheegeen saraakiisha lagu baadi-goobayo kooxihii ka danbeeyay dilka mas&#8217;uulka ka tirsanaa maxkamadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saraakiisha Booliska magaalada B\/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalo ay ka wadeen magaaladaas 24-kii saac ee ugu dambeeyey kuwaasoo lagu baadi goobayey kooxihii ka dambeeyey dilkii habeen hore loogu geystay B\/weyne gudoomiye ku-xigeenkii maxkamada magaaladaas marxuum Macalin Xasan Cilmi Ciyow. Taliyaha Booliska B\/weyne Cali dhuux Cabdi-Mahadalle ayaa sheegay in howlgaladaas ay ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16642","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16642","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16642"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16642\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16662,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16642\/revisions\/16662"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16642"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16642"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16642"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}