{"id":16535,"date":"2013-07-20T13:55:58","date_gmt":"2013-07-20T10:55:58","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16535"},"modified":"2013-07-20T15:25:17","modified_gmt":"2013-07-20T12:25:17","slug":"kolonyo-ciidamada-siere-lione-oo-qarax-waxyeelo-ay-kasoo-gaartay-lagula-eegtay-kismaayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/kolonyo-ciidamada-siere-lione-oo-qarax-waxyeelo-ay-kasoo-gaartay-lagula-eegtay-kismaayo\/","title":{"rendered":"Kolonyo Ciidamada Siere Lione oo Qarax waxyeelo ay kasoo gaartay lagula eegtay Kismaayo."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/Siere-Lione.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/Siere-Lione.jpeg\" alt=\"Siere Lione\" width=\"274\" height=\"184\" class=\"alignleft size-full wp-image-16555\" \/><\/a>Qarax xoogan oo khasaare geystay ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose kaasoo lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Siere-leone ee qeybta ka ah AMISOM.<br \/>\nWararku waxay sheegayaan in qaraxan oo noociisu ahaa miino dhulka lagu aasay oo meel fog laga hagayey uu ka dhacay agagaarka isbitaalka guud ee Kismaayo.<br \/>\n\u201cQaraxu waxaa uu dhacay xili ay halkaas marayeen gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana qaraxu uu haleelay gaari tow ah qaac badana ayaa ka baxay dab ayaana qabsaday\u201d sidaa waxaa yiri goob jooge ku dhowaa halka uu qaraxaas ka dhacay oo magaciisa ka gaabsaday.<br \/>\nQaraxa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM kuwaasoo bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey qaraxaas oo goobta ka baxsaday.<br \/>\nLama oga illaa hadda khasaaraha nafeed ee ciidamada Siere-leone ka soo gaaray qaraxaas hase ahaatee ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaas, qaar kalena wey ku dhaawacmeen kuwasoo la sheegay iney dhamaantood ahaayeen shacab ku dhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.<br \/>\nMa jiro war ku saabsan qaraxan oo ka soo baxay maamulka Kismaayo iyo ciidamada AMISOM, hase ahaatee isgaarsiinta magaaladaas ayaa muddo kooban hawada laga saaray, waxaana mudooyinkan badanayey qaraxyada noocan ah ee Kismaayo lagula eegto ciidamada AMISOM.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qarax xoogan oo khasaare geystay ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose kaasoo lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Siere-leone ee qeybta ka ah AMISOM. Wararku waxay sheegayaan in qaraxan oo noociisu ahaa miino dhulka lagu aasay oo meel fog laga hagayey uu ka dhacay agagaarka isbitaalka guud ee Kismaayo. \u201cQaraxu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16535","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16535","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16535"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16535\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16561,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16535\/revisions\/16561"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16535"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16535"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16535"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}