{"id":16474,"date":"2013-07-18T15:06:12","date_gmt":"2013-07-18T12:06:12","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16474"},"modified":"2013-07-18T15:06:12","modified_gmt":"2013-07-18T12:06:12","slug":"warar-dheeraad-oo-kasoo-baxaya-dagaal-culus-oo-ka-dhacay-aw-diinle-oo-ka-tirsan-gobolka-bay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/warar-dheeraad-oo-kasoo-baxaya-dagaal-culus-oo-ka-dhacay-aw-diinle-oo-ka-tirsan-gobolka-bay\/","title":{"rendered":"Warar Dheeraad oo kasoo baxaya Dagaal Culus oo ka dhacay Aw Diinle oo ka tirsan gobolka Bay."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/dagaal.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/dagaal.jpg\" alt=\"dagaal\" width=\"512\" height=\"332\" class=\"alignleft size-full wp-image-16478\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/dagaal.jpg 512w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/07\/dagaal-300x194.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 512px) 100vw, 512px\" \/><\/a>Waxaa kasoo baxaya Faahfaahin dheeraad dagaalo culus oo xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Ow-diinle oo ku yaala duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.<br \/>\nDad goob joogayal ah ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmadaas oo ay joogeen ciidamada dowlada iyagoo labo jiho ka soo galay.<br \/>\nGuddoomiyaha degmada Ow-diinle, oo lagu magacaabo Maxamed Shiikh C\/llaahi oo la hadlay Saxaafadda  ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerar ay Al-shabaab ku soo qaaday, ayna iyagu ku sugan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay isagoo xusay in dhinacooda uusan wax khasaare ah soo gaarin, balse ay dagaalka ku dileen labo ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, todoba kalena ka dhaawaceen.<br \/>\n \u201cAl Shabab ayaa weerar ku soo qaaday deegaanka xalay  Fiidkii 10:30 habeenimo waxayna beegsadeen saldhigga, balse waa iska dhicinay,\u201d ayuu yiri gudoomiyaha Ow-diinle.<br \/>\nAl-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay inay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen dagaalkii xalay ay ku qaadeen degaanka Aw-Diinle sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro kale, iyagoo xusay iney sii wadi doonaan weerarada noocan ah.<br \/>\nWarar madax banaan oo sheegaya in dagaalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan shan ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawaca in ka badan toban kale.<br \/>\nSi kastaba Xaalada degaanka Aw-diinle ayaa maanta degan waxaana gacanta ku haya ciidamada dowlada Somalia, iyadoo dagaalkii xalayna uu ku soo aaadayo xili Al-shabaab ay sheegtay iney bisha Ramadaan kordhineyso weerarada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa kasoo baxaya Faahfaahin dheeraad dagaalo culus oo xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Ow-diinle oo ku yaala duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Dad goob joogayal ah ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmadaas oo ay joogeen ciidamada dowlada iyagoo labo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16474","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16474","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16474"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16474\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16483,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16474\/revisions\/16483"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16474"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16474"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16474"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}