{"id":16158,"date":"2013-07-07T23:10:31","date_gmt":"2013-07-07T20:10:31","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16158"},"modified":"2013-07-07T23:19:17","modified_gmt":"2013-07-07T20:19:17","slug":"16158","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/16158\/","title":{"rendered":"&#8220;Dowlada Mareykanka Iyo Q.M&#8221; Xasan Daahir, Ilaa Uu Ka Tanaasulo Fikirkiisa Shabaabnimo Ma Cafineyno."},"content":{"rendered":"<p>Qaramada<br \/>\nMidoobay ayaa ka hadashay<br \/>\narrinka Sheekh Xasan Daahir<br \/>\nAweys oo dhawaan loo soo<br \/>\ngacangeliyey dowladda<br \/>\nSoomaaliya ka dib markii uu ka<br \/>\nsoo goostay Xarakada Al-shabaab oo uu horay ugu biiray<br \/>\nisaga iyo ururkii uu hogaamin<br \/>\njiray ee Xisbul Islaami waxayna sii<br \/>\ndeynta Xasan Daahir ay ku xirtay<br \/>\nQaramada Midoobay shuruudo Dhowr Ah.<\/p>\n<p>Nicholos Kay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa isagoo ku<br \/>\nsugan magaalada London ee<br \/>\ndalka Ingiriiska ka hadlay arrinka<br \/>\nXasan Daahir wuxuuna sheegay<br \/>\nin xayiraad dhanka duulimaadka<br \/>\nah ay Qaramada Midoobay iyo<br \/>\nMareykanka ay saareen Xasan<br \/>\nDaahir, loona baahanyahay in si<br \/>\ntaasi meesha looga saaro uu ka<br \/>\ntanaasulo fikirkii Al-shabaabnimo<br \/>\nama xagjireed ee uu horay u<br \/>\naaminsanaa.<\/p>\n<p>Sidoo Kale Danjire Kay ayaa sheegay in<br \/>\nSheekh Xasan Daahir oo ka mid<br \/>\nahaa xubnaha sarsare ee Al-shabaab horayna uu u ahaa<br \/>\nhogaamiyaha Xisbul Islaam uu<br \/>\nyahay hogaamiye xag-jir ah<br \/>\nmarka loo eego xubnaha kale ee<br \/>\nay ka wada tirsanaayeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta<br \/>\ndowladda Soomaaliya, wuxuuna<br \/>\nsheegay in Xasan Daahir aan la<br \/>\ncafin karin illaa iyo inta uu ka<br \/>\ntanaasulayo fikirkiisii Al-shabaabnimo, isla markaasna uu<br \/>\nka cadeynayo in dowladda<br \/>\nSoomaaliya uu la shaqeynayo<br \/>\namaba uu taageersanyahay,<br \/>\nhaddii uu doono yuusan la<br \/>\nshaqeynine.<\/p>\n<p>\u201cQaramada Midoobay iyo<br \/>\nMareykanka waxay xayiraad<br \/>\ndhinaca duulimaadka ah horay u<br \/>\nsaareen Sheekh Xasan Daahir iyo<br \/>\nxubno kale oo ka tirsan Al-<br \/>\nshabaab, waxaana keliya oo lagu<br \/>\ncafin karaa Xasan Daahir inuu ka<br \/>\ntanaasulo falalkii uu horay ugu<br \/>\njiray iyo inuu cadeeyo fikirka uu<br \/>\nAl-shabaab ka aaminsan yahay,<br \/>\nhaddii uu diido inuu cadeeyo<br \/>\nmowqifkiisa Al-shabaabnimo<br \/>\ninuu ka tanaasulay cafis ma heli<br \/>\ndoono\u201d ayuu yiri ayuu yiri danjire<br \/>\nNicholas Kay.<\/p>\n<p>Hadalka Ka Soo Yeeray Danjire Nicholas Kay ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo<br \/>\nmas\u2019uuliyiinta dowladda<br \/>\nSoomaaliya ay horay u sheegeen<br \/>\ninay u baahanyihiin fursad yar si<br \/>\ngo\u2019aan looga gaaro arrinta<br \/>\nSheekh Xasan Daahir oo ay<br \/>\ngacanta ku hayaan, inkastoo uu<br \/>\nMuqdisho ka dhacay dibadbaxyo<br \/>\nlooga soo horjeedo xariga<br \/>\nwadaad Diimeedka, waxaana xusid<br \/>\nmudan in Sheekh Xasan Daahir<br \/>\nuu bishii hore ka soo goostay<br \/>\ndegmada Baraawe oo ay ka<br \/>\ntaliso Al-shabaab, ka dib markii<br \/>\nciidamo taageerayaashiisa ah iyo<br \/>\nkuwa Al-shabaab Ka Tirsanaa Ay Kala Firxadeen Qaarkoodna Gacanta Lagu Dhigay Islamarkaana La Dilay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay arrinka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan loo soo gacangeliyey dowladda Soomaaliya ka dib markii uu ka soo goostay Xarakada Al-shabaab oo uu horay ugu biiray isaga iyo ururkii uu hogaamin jiray ee Xisbul Islaami waxayna sii deynta Xasan Daahir ay ku xirtay Qaramada Midoobay shuruudo Dhowr Ah. Nicholos Kay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16158","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16158","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16158"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16158\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16165,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16158\/revisions\/16165"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16158"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16158"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16158"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}