{"id":16087,"date":"2013-07-03T22:21:40","date_gmt":"2013-07-03T19:21:40","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16087"},"modified":"2013-07-03T22:21:40","modified_gmt":"2013-07-03T19:21:40","slug":"madaxweynaha-somalia-oo-sheegay-in-xasan-daahir-todobaad-gudihiis-loo-duulinayo-sadex-dal-midkood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/madaxweynaha-somalia-oo-sheegay-in-xasan-daahir-todobaad-gudihiis-loo-duulinayo-sadex-dal-midkood\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Xasan Daahir todobaad gudihiis loo duulinayo sadex dal midkood."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaal ka socday beesha Habar Gidir ayaa ayaa kulan socday shalay galab illaa xalay ku qaatay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Kulankan oo uu dalbaday madaxweynaha Somalia ayaa looga hadlaayey arinta ku saabsan Xasan Daahir Aweys oo ku jira mid ka mid ah xabsiyada ciidamada Nabadsugida dowlada iyo dhibaato dhowr habeen ka hor loo geystay waxgaradkii beesha Habar gidir ee ka keenay degmada Cadaado oo iyagu sheegay in looga baxay balan ay la galeen dowlada.<br \/>\nMadaxweynaha ayaa ka raali galiyay Nabadoonada beesha Habar Gidir xad gudubkii loo geystay xiligii ay garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ka soo dajiyeen hogaamiye Xasan Daahir Aweys kaasoo ay kula kaceen ciidamo ka tirsan nabad sugida dowlada.<br \/>\nSidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha uu la kulmay inuu isago qaadanayo shaqsi ahaan masuuliyada dhibaatada loo geystay oo uu xusay iney aad uga xun yihiin, taasoo la sheegay in odayaasha ka qeyb galay kulankaas ay si wanaagsan ugu qanceen.<br \/>\nQaar ka mid ah xubnaha ka qeyb galay kulankaas ayaa xusay in madaxweynuhu u sheegay Xasan Daahir inuusan aheyn maxbuus hase ahaatee ay amaankiisa sugayeen markii ay la wareegayeen.<br \/>\n\u201cMadaxweynuhu wuxuu noo sheegay in Xasan Daahir uu wanaagsan yahay aysan jirin cid ku xad gudubtay ama dhibaato u geysatay, aana booqan karno xiligii aan doono eheladiisana ay booqan karaan\u201d ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii beesha Habar gidir ee madaxweynaha la kulmay.<br \/>\nMadaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale kulankaas ka sheegay in Xasan Daahir Aweys todobaad gudihiis ah loo duulin doono sadex dal midkood oo isaguna uu ogol yahay inuu ku noolaado kuwaasoo kala ah Norwey, Qadar iyo Turkiga.<br \/>\nWararka ayaa sheegaya in safiirka Turkiga u fadhiya Somalia oo Xasan Daahir ku booqday xabsiga ay dowladu u xilsaartay inuu la soo tashado dowladaha Qadar, Norweyn iyo dowladiisa Turkiga ayna keenaan go\u2019aan mideysan oo sadexdaas dal midkood uu magangelyo ku siinayo Shiikh Xasan Daahir Aweys.<br \/>\nNin la dhashay Xasan Daahir oo la yiraahdo Cubeyd Daahir Aweys ayaa la sheegay in loo xilsaaray inuu si hoose ula socdo xaalada Shiikh Xasan Daahir iyo caafimaadkiisa inta laga dhoofinayo dalka.<br \/>\nIlo dibolomaasiyadeed ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay iska deysay qorshe markii hore ay ku talo gashay oo ahaa in Xasan Daahir ay maxkamadeyso, kadib markii xiisad kulul ay ka dhalatay xarigiisa taasoo ay ka baqday iney abuurto khal khal dhinaca amaanka ah, iyadoo ka dibna go\u2019aansatay in Xasan Daahir ay iska fogeyso oo la geeyo dal kale si uusan arrimaha gudaha saameyn ugu yeelan.<br \/>\nOdayaasha ka qeyb galay kulanka madaxweynaha ayaa magacaabay guddi shan xubnood ka kooban oo dowlada kala shaqeeya arinta Xasan Daahir Aweys iyo sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa.<br \/>\nDad ka careysan Xariga Shiikh Daahir Aweys oo isku abaabulay qaabil ayaa maalmo ka hor ka dhigay qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho dibad-baxyo rabshado watay, arintaaso dowlada ku abuurtay dareen feejignaan leh oo ku saabsan in arintu ay yeelato waji qabiil.<br \/>\nXasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa labo todobaad ka hor ka soo baxsaday degmada Baraawe ka dib markii uu khilaaf gaaray heer gacan ka ah uu dhexmaray saraakiil ka tirsan kooxdaas oo isagu uu ka mid ahaa iyo hogaamiyaha Al-shabaab.<br \/>\nIsagoo la socda dooni uu kaga soo baxsaday degmada Baraawe ayaa Xasan Daahir iyo saraakiil la socotay waxay ka degeen xeebaha gobolka Mudug, waxaana gacanta ku dhigay maamulka Ximan &#038; Xeeb oo ugu dambeyntii ku wareejiyey dowlada Somalia oo uu hadda gacanta ugu jiro<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Odayaal ka socday beesha Habar Gidir ayaa ayaa kulan socday shalay galab illaa xalay ku qaatay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo uu dalbaday madaxweynaha Somalia ayaa looga hadlaayey arinta ku saabsan Xasan Daahir Aweys oo ku jira mid ka mid ah xabsiyada ciidamada Nabadsugida dowlada iyo dhibaato [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16087","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16087","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16087"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16087\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16087"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16087"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16087"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}