{"id":16025,"date":"2013-07-02T03:50:06","date_gmt":"2013-07-02T00:50:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=16025"},"modified":"2013-07-02T03:57:14","modified_gmt":"2013-07-02T00:57:14","slug":"ciil-mooge-oo-wacad-ku-marey-in-uu-cunaha-shacabka-ka-furfuro-shirkadaha-isgaarsiinta-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/07\/ciil-mooge-oo-wacad-ku-marey-in-uu-cunaha-shacabka-ka-furfuro-shirkadaha-isgaarsiinta-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Ciil mooge oo wacad ku marey in uu cunaha shacabka ka furfuro shirkadaha isgaarsiinta soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Shirkan oo ka dhacey markii ugu horeysey magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta ayaa waxaa lagaga hadley sidii sharciga loo marin lahaa shirkadaha isgaarsiinta soomaaliya kuwaasoo muddo ku dhaw 23 sano ku shaqeysanayey furaha soomaaliya ee 252 iyadoo aysan jirin dawlad la xisaabtanta iyo canshuur ay bixiyaan.<\/p>\n<p>Wasiirka warfaafinta  boostada iyo isgaarsiinta cabdulaahi ciilmooge xirsi ayaa sheegey in shirkadaha isgaarsiinta soomaalidu ay dadaaleen maantana ay lagama maarmaan tahey in la helo sharci iyo ruqso qaran oo ay shirkadaha isgaarsiintu ku shaqeystaan,dhawaana barlamaanku meelmarin doono hindise sharciyeed isgaarsiinta khuseeya.<\/p>\n<p>Qaar kamid ah madaxda shirkadaha isgaarsiinta oo ka qeybgaley shirka ayaa ku doodey in ay jiraan meelo dawladu aysan xukumin taasna ay sharciga ka hor imaneyso,iyagoo malaha sii doonaya in ay si gaar ah ugu shaqeystaan wax qaranku wada leeyey iyadoo waliba mar hore debedda la dhigey agoon iyo dad maati ah oo ku jirey dhisme dawladeed,taas oo lamid noqoneysa miskiinka ayaa misko la fuulo leh.<\/p>\n<p>Shirkan ka dhacey dubai ee shirkadaha isgaarsiinta loogu sheegey waxa lala damacsanyahey ayaa kusoo beegmaya xili shirkadaha isgaarsiintu aysan wax tartan ahi u dhaxeyn oo ay shacabka u heshiiyeen iyagoon wax naxariis ah muujin,cid ay canshuur siiyaana aysan jirin,marka laga reebo shirkada hormuud oo macaamiisheeda usoo celisa wax aan sidaas usii buureyn oo baqtiyanasiib ah inta badana ay la haraan kuwa loo xilsaaro celinta lacagahaas,aan u qalmin quud la bixiyo in lagu ilhaaneysto shacab gaaraya 4.700.000 soomaali ah ayaana isticmaasha adeega telfonada dalkeena sida warbixinta lagu sheegey.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirkan oo ka dhacey markii ugu horeysey magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta ayaa waxaa lagaga hadley sidii sharciga loo marin lahaa shirkadaha isgaarsiinta soomaaliya kuwaasoo muddo ku dhaw 23 sano ku shaqeysanayey furaha soomaaliya ee 252 iyadoo aysan jirin dawlad la xisaabtanta iyo canshuur ay bixiyaan. Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta cabdulaahi ciilmooge xirsi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16025","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16025","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16025"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16025\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16036,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16025\/revisions\/16036"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16025"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16025"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16025"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}