{"id":15708,"date":"2013-06-16T12:50:06","date_gmt":"2013-06-16T09:50:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15708"},"modified":"2013-06-17T02:35:05","modified_gmt":"2013-06-16T23:35:05","slug":"ciidamo-gadooday-oo-muddo-kooban-xiray-qaar-ka-mid-ah-jidadka-waaweyn-ee-magaalada-kismaayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/06\/ciidamo-gadooday-oo-muddo-kooban-xiray-qaar-ka-mid-ah-jidadka-waaweyn-ee-magaalada-kismaayo\/","title":{"rendered":"Ciidamo gadooday oo muddo kooban xiray qaar ka mid ah jidadka waaweyn ee magaalada Kismaayo."},"content":{"rendered":"<p>Ciidamo gadoodsan ayaa maanta muddo kooban xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada.<br \/>\nWararku waxay sheegayaan in ciidamadan oo ku xareysnaa warshadii hore ee Hilibka Kismaayo ay xireen wadada isgoyska Somalistar iyagoo amar ku bixiyey in la xiro goobaha ganacsiga, waxaana dib loo celinayey gaadiidka.<br \/>\nGoob joogayaal ayaa sheegaya in markii ciidamadan ay wadada u xirneyd ku dhowaad hal saac uu halkaas ugu yimid Jen. C\/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ah madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland garabka Axmed Madoobe.<br \/>\nCiidamada ayaa lagu qanciyey iney wadada furaan, lana wada hadlo, waxaana warshadii hilibka ka socda kulan dhexmaraya Jen. Fartaag iyo saraakiisha gadooday ee halkaas ku xareysnaa, illaa hadda ma cadda waxyaabaha keenay gadoodkaas.<br \/>\nGanacsiga wadada Somalistar iyo socodka gaadiidka ayaa caadi ku soo laabtay ka dib markii ka tageen ciidamadii saaka xiray.<br \/>\nDhinaca kale, ciidamo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay iney weerar ku qaadeen guri uu degenaa sarkaal ka tirsan ciidamo taabacsan dowlada oo ku sugan Kismaayo, hase ahaatee ilaalada sarkaalka ayaa iska caabin sameeyey, faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay hase ahaatee waxaa jirta xiisad u dhexeysa labada dhinac sida ay wararku nagu soo gaarayaan. <\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamo gadoodsan ayaa maanta muddo kooban xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada. Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan oo ku xareysnaa warshadii hore ee Hilibka Kismaayo ay xireen wadada isgoyska Somalistar iyagoo amar ku bixiyey in la xiro goobaha ganacsiga, waxaana dib loo celinayey gaadiidka. Goob joogayaal ayaa sheegaya in markii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15708","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15708","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15708"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15708\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15736,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15708\/revisions\/15736"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15708"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15708"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15708"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}