{"id":15707,"date":"2013-06-16T13:49:55","date_gmt":"2013-06-16T10:49:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15707"},"modified":"2013-06-17T02:16:10","modified_gmt":"2013-06-16T23:16:10","slug":"shabelaha-dhexe-oo-walli-xisado-ka-taagan-yahay-iyo-maamulka-gobolka-oo-ku-eedeyay-dagaaladas-inay-al-shabab-ka-dambeeyan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/06\/shabelaha-dhexe-oo-walli-xisado-ka-taagan-yahay-iyo-maamulka-gobolka-oo-ku-eedeyay-dagaaladas-inay-al-shabab-ka-dambeeyan\/","title":{"rendered":"Shabelaha Dhexe oo Walli xisado ka taagan yahay iyo Maamulka Gobolka oo ku eedeyay dagaaladas inay AL SHabab ka dambeeyan."},"content":{"rendered":"<p>Xiisado ayaa ka taagan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaannada ku dhow-dhow kaddib dagaal u dhexeeyay ciidamada maamulka gobolkaas iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray duleedka degmada Jowhar.<br \/>\nMaamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay in xoogag tabaacsan Al-shabaab ay qayb ka ahaayeen dagaalladii shalay dhacay tuulooyin hoos-taga degmada Jowhar, halkaasoo ciidamada dowladda ay ku baxeen markii dil loo geystay dad xoolo dhaqato ahaa.<br \/>\nAfhayeenka maamulka shabeellada dhexe, Daa&#8217;uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in Al-Shabaab ay lasoo sabteen beelo deggen tuulooyin hoos taga degmada Jowhar, kuwaasoo shalay dagaal la galay ciidamada dowladda oo doonayay inay soo qabtaan kooxo dil u geystay dad xoolo dhaqato ahaa.<br \/>\nSidoo kale, afhayeenku wuxuu beeniyay in dagaalkii shalay duleedka Jowhar ka dhacay inuu ahaa mid u dhexeeyay ciidammo beeleed iyo kuwa dowladda Soomaaliya, laakiinse ay dagaalkaas ku lug lahaayeen Al-shabaab oo lasoo saftay dadka deegaankaas ku nool.<br \/>\n&#8220;Ciidamadii shalay nala dagaalamay waxay ahaayeen xoogagga Al-shabaab, waayo ciidammo gaadii dagaal haysta ma joogaan gobolka, waxaan hubnaa in Al-shabaab ay kusoo hoos-dhuunteen dadkaas, ayna ahaayeen kooxihii la dagaalamay ciidamada dowladda.&#8221; ayuu yiri afhayeenka maamulka.<br \/>\nDhanka kale, Cismaan Xasan Cali oo ah nabaddoon u hadlay beelihii shalay la dagaalamay ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay markii maamulka gobolka uu damcay inuu deegaannadooda ka barakiciyo iyaguna ay falkaas ka hortageen.<br \/>\n\u201cAnnagu ma nihin Al-shabaab ee waxaan nahay dadka deegaanka, horay ayaan Al-shabaab ula dagaalannay, waxaana ka horjeednaa falalka guracan ee maamulka gobolku ku doonayo inuu deegaannadeenna ku boobo,\u201d ayuu yiri nabaddoonka.<br \/>\nSidoo kale, nabadddoonku wuxuu sheegay in dagaalkii shalay ay ku dhinteen sagaal ruux oo labada dhinac ah ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan welina ay taagan tahay xiisaddii dagaalka sababtay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xiisado ayaa ka taagan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaannada ku dhow-dhow kaddib dagaal u dhexeeyay ciidamada maamulka gobolkaas iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray duleedka degmada Jowhar. Maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay in xoogag tabaacsan Al-shabaab ay qayb ka ahaayeen dagaalladii shalay dhacay tuulooyin hoos-taga degmada Jowhar, halkaasoo ciidamada dowladda ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15707","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15707","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15707"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15707\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15733,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15707\/revisions\/15733"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15707"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15707"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15707"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}