{"id":15705,"date":"2013-06-16T13:49:33","date_gmt":"2013-06-16T10:49:33","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15705"},"modified":"2013-06-17T02:23:06","modified_gmt":"2013-06-16T23:23:06","slug":"al-shababka-galgadud-oo-degmo-u-magacabay-wabxo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/06\/al-shababka-galgadud-oo-degmo-u-magacabay-wabxo\/","title":{"rendered":"Al Shababka Galgadud oo Degmo u magacabay Wabxo."},"content":{"rendered":"<p>Xarakada Al-shabaab ayaa degmo cusub u magacowday deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud, waxaana mas\u2019uul u hadlay uu ku goodiyay inay weerar ku yihiin degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo gacan-saar la leh dowladda Soomaaliya.<br \/>\nMadaxa siyaasada iyo gobolada Al-shabaab, Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ka hadlay munaasabadda lagu magacaabay degmada cusub ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka go\u2019an tahay inay sii waddo dagaallada ay kula jirto kuwa kasoo horjeeda oo ay ku jirto Ahlusunna.<br \/>\n\u201cWaa in shacabka ku nool Wabxo ay u diyaar-garoobaan dagaal cadwoga looga saarayo degmada Guriceel, waayo degmada ugu dhow ee Wabxo waa Guriceel, cadow ayaana gacanta ku haya,\u201d ayuu yiri Sheekh Xuseen Fiidoow.<br \/>\nSidoo kale, mas\u2019uulku wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan joojinayn dagaal inta uu hirgalayo hadafkooda oo ah inay dalka oo dhan kusoo rogaan xukun Islaami ah, wuxuuna ku boorriyay dagaalyahannadooda inay u adkeystaan dhibaatooyinka kasoo gaaraya dagaallada.<br \/>\nDeegaanka Wabxo ee ay Al-shabaab u magacowday degmada ayaa waxay u dhexeysaa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.<br \/>\nWaa markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay degmo u magacowdo deegaan ka tirsan bartamaha Soomaaliya oo ay kula dagaalamayso ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa caawinaya iyo Ahlusunna oo ah koox diimeed gooni-u-taagan, balse xiriir xooggan uu kala dhexeeyo dowladda.<br \/>\nMa jiro hadal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ay kaga hadleen go\u2019aanka Al-shabaab degmo ugu magacowday deegaanka Wabxo, waxaana weli ay ka taliso Al-shabaab deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xarakada Al-shabaab ayaa degmo cusub u magacowday deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud, waxaana mas\u2019uul u hadlay uu ku goodiyay inay weerar ku yihiin degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo gacan-saar la leh dowladda Soomaaliya. Madaxa siyaasada iyo gobolada Al-shabaab, Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ka hadlay munaasabadda lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15705","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15705","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15705"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15705\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15735,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15705\/revisions\/15735"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15705"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15705"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15705"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}