{"id":15627,"date":"2013-06-12T12:18:25","date_gmt":"2013-06-12T09:18:25","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15627"},"modified":"2013-06-12T14:26:22","modified_gmt":"2013-06-12T11:26:22","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kulan-ujeedkiisa-la-ogayn-xalane-kula-leh-midowga-yurub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/06\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kulan-ujeedkiisa-la-ogayn-xalane-kula-leh-midowga-yurub\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan ujeedkiisa la ogayn Xalane kula leh Midowga Yurub."},"content":{"rendered":"<p>Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho safiiro ka socda qaar kamid ah dalalka midowga Yurub ay kazoo dageen halkaas.<\/p>\n<p>Safiiradan ka socda Midowga Yurub iyo beesha caalamka ayaa waxaa safarkooda ku wehliya danjiraha Somalia u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Amerika) iyo xubno kale.<\/p>\n<p>Wafdigan ayaa waxaa loo gelbiyey xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane oo ku taala agagaarka garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana daqiiqado ka hor halkaas gaaray sida aan wararka ku heleyno qaar ka mid ah madaxda sare ee dowlada Somalia oo uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Shiikh.<\/p>\n<p>Kulan ay yeelanayaan labada dhinac ayaa halkaas ka socda kaasoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha looga hadlayo maadaama saxaafada dibeda looga saaray, balse waxaa loo maleynayaa in lagu lafa gurayo arrimo ku saabsan taageerada dowlada Somalia la siinayo, gaar ahaan dhinacyada siyaasada, amniga iyo dib u dhiska dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho safiiro ka socda qaar kamid ah dalalka midowga Yurub ay kazoo dageen halkaas. Safiiradan ka socda Midowga Yurub iyo beesha caalamka ayaa waxaa safarkooda ku wehliya danjiraha Somalia u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Amerika) iyo xubno [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15627","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15627","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15627"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15627\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15638,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15627\/revisions\/15638"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15627"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15627"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15627"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}