{"id":15554,"date":"2013-06-10T17:20:12","date_gmt":"2013-06-10T14:20:12","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15554"},"modified":"2013-06-10T17:27:08","modified_gmt":"2013-06-10T14:27:08","slug":"jabhadda-raaskambooni-oo-dagaalkii-kismaayo-kaga-geeriyooday-sar-sare","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/06\/jabhadda-raaskambooni-oo-dagaalkii-kismaayo-kaga-geeriyooday-sar-sare\/","title":{"rendered":"Jabhadda Raaskambooni oo dagaalkii Kismaayo kaga geeriyooday Sar Sare."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/06\/raas-kamboni.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/06\/raas-kamboni.jpeg\" alt=\"raas kamboni\" width=\"272\" height=\"186\" class=\"alignleft size-full wp-image-15571\" \/><\/a>Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxaa halkaasi shalay ku dhintay Mid kamid ah saraakiisha uga sareysay Ciidanka Raaskambooni ee uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.<br \/>\nSarkaalkan dhintay ayaa lagu magcaaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Cawil isagoo ahaa Madaxa Sirdoonka Ciidanka Raaskanbooni waxaana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dagaal maalin ka hor Kismaayo ku dhaxmaray Ciidanka Raaskambooni iyo Ciidan kale oo daacad u ah Iftiin Xasan Baasto.<br \/>\nSarkaalkan ayaa la sheegay in dedaal dheer ka dib ugu dambeyn uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray dagaalka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Axmed Madoobe oo magacooda ka gaabsaday.<br \/>\nDhinaca kale Wararka Kismaayo aan ka heleyno ayaa sheegaya in shalay halkaasi lagu gubay Gaari uu leeyahay Masuul ka tirsanaa Maamulkii KMG ee Kismaayo, waxaana Gaariga Masuulkan gubay Kooxda Raaskambooni.<br \/>\nMaxamed Nuur Gacmadheere oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo ayaa gaarigiisa waxaa lagu hor gubay Saldhiga Kismaayo iyadoo warar kale oo aan la xaqiijina ay sheegayaan in Masuulkan la xiray uu xabsiga ku jiro.<br \/>\nIlo wareedyo ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya in Sababaha gaariga Masuulkan loo gubay ay tahay inuu ku heyb ama qabiil yahay IftIin Xasan Baasto oo ka mid ah Madaxweynayaasha Kismaayo ku sugan Dagaal culusna kula jira Kooxda Raaskambooni.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxaa halkaasi shalay ku dhintay Mid kamid ah saraakiisha uga sareysay Ciidanka Raaskambooni ee uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe. Sarkaalkan dhintay ayaa lagu magcaaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Cawil isagoo ahaa Madaxa Sirdoonka Ciidanka Raaskanbooni waxaana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dagaal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15554","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15554","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15554"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15554\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15561,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15554\/revisions\/15561"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15554"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15554"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15554"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}