{"id":15357,"date":"2013-06-03T22:39:14","date_gmt":"2013-06-03T19:39:14","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15357"},"modified":"2013-06-04T03:19:44","modified_gmt":"2013-06-04T00:19:44","slug":"danjire-csalaan-xaajidowlada-south-africa-waxaan-ugu-baaqeynaa-iney-si-deg-deg-ah-wax-kaga-qabato-soomaalida-ku-dhibaateysan-dalkooda-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/06\/danjire-csalaan-xaajidowlada-south-africa-waxaan-ugu-baaqeynaa-iney-si-deg-deg-ah-wax-kaga-qabato-soomaalida-ku-dhibaateysan-dalkooda-2\/","title":{"rendered":"&#8220;Danjire C\/salaan Xaaji&#8221;Dowlada South Africa Waxaan Ugu Baaqeynaa Iney Si Deg Deg Ah Wax Kaga Qabato Soomaalida Ku Dhibaateysan Dalkooda."},"content":{"rendered":"<p>Ambasitor C\/salaan Xaaji Axmed Liibaan Kusimaha<br \/>\nXoghayaha Joogtada ah ee<br \/>\nWasaaradda Arrimaha Dibadda<br \/>\niyo Iskaashiga Caalamiga Shir Jaraa&#8217;id Uu Maanta Ku Qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda South<br \/>\nAfrika inay ka shaqeyso<br \/>\nbadbaadada nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Sidoo Kale Danjire Cabdisalaam waxa uu<br \/>\nxusay in dowladda Soomaaliya ay<br \/>\nwafdi u diri doonto wadankaasi ,<br \/>\nsi wax looga qabto<br \/>\ndhibaatooyinka loo geysto Soomaalida.<\/p>\n<p>War-Saxaafadeed:-<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda<br \/>\niyo Iskaashiga Caalamiga ee<br \/>\nSoomaaliya , waxa ay aad uga<br \/>\nxun tahay dhacdooyinka<br \/>\nmurugada leh ee lagu dilay , laguna dhaawacay<br \/>\nmuwaadiniinteena,<br \/>\nhantidoodana lagu boobay intii<br \/>\nay socdeen rabshado is xig-xiga<br \/>\noo ka dhacay Magaalooyinka<br \/>\nPretoria,Diepsloot iyo deegaanka<br \/>\nBooysens Park oo ka tirsan Port<br \/>\nElizabeth ee dalka South Africa .<\/p>\n<p>Wasaaraddu , waxa ay ka muujineysaa dareen naxdin leh<br \/>\nfalka dhagaxa loo adeegsaday ee<br \/>\nlagu silac dilay 29 \u2013kii May muwaadin Soomaaliyeed oo aan<br \/>\nwaxba galabsan, goobtiisa<br \/>\nganacsigana lagu boobay , si la<br \/>\nmid ah waxaa isla deegaanka<br \/>\nBooysens Park ee Magaalada Port<br \/>\nElizabeth oo dhacdadani<br \/>\nargagaxa leh ay ka dhacday lagu<br \/>\nboobay dhammaan rugaha ganacsi ee Soomaalida.<\/p>\n<p>Wasaaraddu , waxa ay dib u xusuusineysaa shacabka iyo<br \/>\ndowladda South Africa taageeradii gumeysi diidka<br \/>\nahaa,taa badalkeeda aaney maanta fileyn Soomaaliya in<br \/>\ndadkeeda lagu gumaado wadankaasi oo loola bareero dil ,<br \/>\nkufsi, boob iyo barakicin ,<br \/>\nwaxaan u aragnaa nasiib darro ,<br \/>\nqalbigeenuna wuxuu tiiraanyada<br \/>\nla wadaagayaa qoysaska iyo<br \/>\ndhibanayaasha Soomaaliyeed ,<br \/>\nsidaas darteed , Wasaaraddu<br \/>\nwaxa ay ku dhawaaqeysaa<br \/>\nqodobadan :<\/p>\n<p>1- Waxaanu garab taaganahay<br \/>\nmuwaadiniinteena ku dhibaateysan dalka South Africa.<\/p>\n<p>2- Waxaanu ka codsaneynaa<br \/>\ndowladda iyo shacabka South<br \/>\nAfrica inay is garab- taagan dadka Soomaalida ah ee<br \/>\nwadankooda ku nool , ayna xil<br \/>\niska saaraan badbaadada<br \/>\nnaftooda iyo hantidooda.<\/p>\n<p>3- Waxaanu ugu baaqeynaa<br \/>\ndowladda South Africa inay<br \/>\ngacan bir ah ku qabato<br \/>\ndhammaan dambiilayaasha<br \/>\ncaadeystay falalka<br \/>\nbani\u2019aadanimada ka baxsan ee fuleynimada leh ,kana dhanka ah dadka Soomaalida ah , ayna<br \/>\nhorgeyso maxkamad , si loogu<br \/>\nxukumo ciqaabta dambiga ay<br \/>\ngaleen.<\/p>\n<p>4- Waxaanu ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool South Africa inay xushmeeyaan<br \/>\nsharciyada kala duwan ee ka jira<br \/>\ndalka South Afrika.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ambasitor C\/salaan Xaaji Axmed Liibaan Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Shir Jaraa&#8217;id Uu Maanta Ku Qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda South Afrika inay ka shaqeyso badbaadada nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed. Sidoo Kale Danjire Cabdisalaam waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay wafdi u diri [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15357","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15357","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15357"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15357\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15373,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15357\/revisions\/15373"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15357"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15357"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15357"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}