{"id":15313,"date":"2013-06-01T14:25:06","date_gmt":"2013-06-01T11:25:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15313"},"modified":"2013-06-01T14:31:20","modified_gmt":"2013-06-01T11:31:20","slug":"faahfaahin-ku-saabsan-dagaalo-khasaare-badan-geystay-oo-ka-dhacay-gobolka-shhoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/06\/faahfaahin-ku-saabsan-dagaalo-khasaare-badan-geystay-oo-ka-dhacay-gobolka-shhoose\/","title":{"rendered":"Faahfaahin ku saabsan dagaalo khasaare badan geystay oo ka dhacay gobolka Sh\/hoose."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/06\/Amisom.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/06\/Amisom.jpeg\" alt=\"Amisom\" width=\"289\" height=\"174\" class=\"alignleft size-full wp-image-15330\" \/><\/a>Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan dagaal khasaare badan geystay oo shalay Casar-gaabkii ka dhacay degaaano ka tirsan gobolka Sh\/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo AMISOM oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga taabacsan ay wadada u galeen kolonyo ay wateen ciidamada dowlada iyo AMISOM oo marayey degaano u dhexeeya Yaaqbiri-weyne iyo Wanle weyn.<\/p>\n<p>Wararku waxay sheegayaan in labada dhinac uu halkaas ku dhexmaray dagaal aad u culus oo faraha laga goobtay kaasoo soconayey muddo ka badan, kaasoo geystay khasaarooyin kala gedisan.<\/p>\n<p>Goon joogayaal ayaa sheegay iney arkeen gaari looga gubay dagaalkaas ciidamada AMISOM oo goobta ku holcaya ka dib markii gantaal lagu dhuftay, iyadoo weerarkani lagu tilmaamay inuu ahaa mid Al-shabaab ay si weyn u soo abaaushay.<\/p>\n<p>Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku guuleysteen, wuxuuna xusay inay gaari dagaal ka gubeen ciidamada AMISOM, askar badana ay ka laayeen.<\/p>\n<p>Qoraal ka soo baxay AMISOM ayey ku sheegtay inay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaaday ciidamo ka tirsan kuwooda oo dayactir ka waday jidka isku xira Muqdisho iyo Buur-hakaba ayna gacanta ku dhigeen dhaawacyada qaar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday<\/p>\n<p>Ma sheegin AMISOM khasaare ka soo gaaray dagaalka, iyadoo Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti uu sheegay inay sii wadi doonaan howgallada ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin.<\/p>\n<p>Ugu yaraan 10 ruux oo isugu jira labada dhinac ayaa dagaalkaas ku geeriyooday tiro kale oo intaa ka badana wey ku dhaawacmeen dagaalkaas inta laga warqabo, waxaana<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan dagaal khasaare badan geystay oo shalay Casar-gaabkii ka dhacay degaaano ka tirsan gobolka Sh\/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo AMISOM oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-Shabaab. Dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga taabacsan ay wadada u galeen kolonyo ay wateen ciidamada dowlada iyo AMISOM oo marayey degaano u dhexeeya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15313","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15313","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15313"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15313\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15333,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15313\/revisions\/15333"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15313"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15313"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15313"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}