{"id":15212,"date":"2013-05-29T13:19:13","date_gmt":"2013-05-29T10:19:13","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15212"},"modified":"2013-05-29T13:20:56","modified_gmt":"2013-05-29T10:20:56","slug":"maraykanka-oo-xaqiijiyey-in-mid-ka-mid-ah-dayuuradihiisa-drones-ka-ay-ku-burburtay-koonfurta-somalia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/05\/maraykanka-oo-xaqiijiyey-in-mid-ka-mid-ah-dayuuradihiisa-drones-ka-ay-ku-burburtay-koonfurta-somalia\/","title":{"rendered":"Maraykanka oo xaqiijiyey in mid ka mid ah dayuuradihiisa Drones-ka ay ku burburtay koonfurta Somalia."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Drone.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Drone.jpg\" alt=\"Drone\" width=\"600\" height=\"450\" class=\"alignleft size-full wp-image-15227\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Drone.jpg 600w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Drone-300x225.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 600px) 100vw, 600px\" \/><\/a>Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in mid ka mid ah dayuuradaheeda wax basaasa ee duuliye la\u2019aanta ah ay ku burburtay maalintii shalay degaano ku yaala koonfurta Somalia.<br \/>\nSaraakiil ka tirsan waaxda difaaca Maraykanka oo magacooda ka gaabsaday ayaa u xaqiijiyey wakaalada wararka ee AFP in dayuurad nooceedu yahay RBA oo kuwa wax basaasa ah ay ku dhacday degaano u dhexeeya Marka iyo Baraawe.<br \/>\n \u201cWeli ma heyno sababta keentay in dayuuradaas ay dhacdo hase ahaatee waxaan wadnaa baaritaano arintaas ku saabsan\u201d ayuu yiri sarkaal ka tirsan Pentagonka Maraykanka oo cadeeyey inuusan kala sheegi karin iney iskeed u burburtay dayuuradaas iyo in la soo riday.<br \/>\nShalay barqadii ayey aheyd markii dayuurad yar oo aan duuliye laheyn ay ku soo dhacday degaan ku yaala duleedka degmada Buulo mareer ee gobolka Sh\/hoose, waxaana burburka dayuuradaas gacanta ku dhigay Al-Shabaab oo degaankaas ka taliya.<br \/>\nAfhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al-Shabaab Shiikh C\/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay xalay in baaritaan ay dayuuradaas ku sameeyeen ka dib ay ogaadeen iney aheyd nooc duqeymaha qarsoon iyo basaasnimo labadaba loo adeegsado ayna ku xirnaayeen gantaalo qarxay markii ay soo dhacday iyo kaamirooyin.<br \/>\nBogga Xarakada Al-Shabaab ay ku leedahay Twitterka ayaa la soo dhigay sawiro muujinaya burburka dayuuradaas iyo haraaga qaar ka mid ah qalabkii ay ka sameysneyd.<br \/>\nDayuurado badan oo nooca Drones-ka ah ayaa horey ugu soo dhacay degaano ku yaala koonfurta iyo bartamaha Somalia oo ay ku jirto magaalada Muqdisho, waxaana inta badan dayuuradahan laga howlgeliyaa degaanada ay joogaan Al-shabaab.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in mid ka mid ah dayuuradaheeda wax basaasa ee duuliye la\u2019aanta ah ay ku burburtay maalintii shalay degaano ku yaala koonfurta Somalia. Saraakiil ka tirsan waaxda difaaca Maraykanka oo magacooda ka gaabsaday ayaa u xaqiijiyey wakaalada wararka ee AFP in dayuurad nooceedu yahay RBA oo kuwa wax basaasa ah ay ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15212","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15212","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15212"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15212\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15229,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15212\/revisions\/15229"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15212"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15212"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15212"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}