{"id":15211,"date":"2013-05-29T13:17:08","date_gmt":"2013-05-29T10:17:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15211"},"modified":"2013-05-29T13:17:41","modified_gmt":"2013-05-29T10:17:41","slug":"howlgal-dad-badan-lagu-soo-xirxiray-oo-xalay-saqdii-dhexe-laga-sameeyey-degmada-xamar-jajab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/05\/howlgal-dad-badan-lagu-soo-xirxiray-oo-xalay-saqdii-dhexe-laga-sameeyey-degmada-xamar-jajab\/","title":{"rendered":"Howlgal dad badan lagu soo xirxiray oo xalay saqdii dhexe laga sameeyey degmada Xamar jajab."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/holw.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/holw.jpeg\" alt=\"holw\" width=\"259\" height=\"194\" class=\"alignleft size-full wp-image-15221\" \/><\/a>Ciidamada nabad sugida Somalia ayaa xalay saqdii dhexe illaa waaberigii saaka howlgalo balaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.<br \/>\nGoob joogayaal ayaa sheegaya in howlgalka laga sameeyey xaafadaha u dhexeeya afarta isgoys ee buundada Xamar-jabab, Ambulatooriyada Ceelgaab, Suuq yaraha iyo halka loo yaqaano Israac.<br \/>\n \u201cLaga soo bilaabo Buundada Baraako Cabdow, Ambulatooriyo Ceelgaab, Suuq yaraha illaa Israac oo dekeda dhinaceeda ah waxaa taagnaa gaadiidka qafilan ee ciidamada, Luuq walbana askari hubeysan ayaa ka soo jeeday xaafadahana guri guri ayaa loo baaray\u201d sidaas waxa yiri goob jooge ku sugan degmada Xamar jajab.<br \/>\nGoob joogayaal kale ayaa sheegay in ciidamadu ay saaka gaadiid shabaqlayaal ah oo laamiyada taagnaa ku gureen dhalinyaro fara badan oo looga shakisan yahay iney falal amaan daro ku lug leeyihiin kuwaasoo ay ku soo qabqabteen howlgaladii xalay.<br \/>\nMa jiro war ku saabsan howlgaladan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowlada hase ahaatee waxay ku soo aadayaan xilli habeenadii ugu dambeeyey ay degmadaas ku soo badanayeen qaraxyo inta badan loo adeegsado bambooyinka gacanta oo lagu weeraro goobaha ay joogaan ciidamada iyo maamulka degmada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada nabad sugida Somalia ayaa xalay saqdii dhexe illaa waaberigii saaka howlgalo balaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegaya in howlgalka laga sameeyey xaafadaha u dhexeeya afarta isgoys ee buundada Xamar-jabab, Ambulatooriyada Ceelgaab, Suuq yaraha iyo halka loo yaqaano Israac. \u201cLaga soo bilaabo Buundada Baraako [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15211","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15211","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15211"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15211\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15225,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15211\/revisions\/15225"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15211"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15211"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15211"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}