{"id":15210,"date":"2013-05-29T11:49:34","date_gmt":"2013-05-29T08:49:34","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15210"},"modified":"2013-05-29T13:17:45","modified_gmt":"2013-05-29T10:17:45","slug":"khasaare-baaxad-leh-oo-ka-dhashay-dab-xalay-qabsaday-suuq-ku-yaala-bartamaha-degmada-bxaawo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/05\/khasaare-baaxad-leh-oo-ka-dhashay-dab-xalay-qabsaday-suuq-ku-yaala-bartamaha-degmada-bxaawo\/","title":{"rendered":"Khasaare baaxad leh oo ka dhashay dab xalay qabsaday Suuq ku yaala bartamaha degmada B\/xaawo."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/dab.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/dab.jpg\" alt=\"dab\" width=\"540\" height=\"303\" class=\"alignleft size-full wp-image-15217\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/dab.jpg 540w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/dab-300x168.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 540px) 100vw, 540px\" \/><\/a>Dab aad u xoogan oo soconayey muddo saacado ah ayaa xalay qabsaday Suuqa ganacsiga degmada B\/xaawo ee gobolka Gedo, kaasoo baabi\u2019iyey, dhulkana la simay hantidii tiilay goobo badan oo ganacsi.<br \/>\nGoob joogayaal ku sugan degmada B\/xaawo ayaa sheegay in dabkaasi oo bilowday abaarihii 9:00-kii fiidnimo ee xalay uu ku faafay bakhaaro waaweyn iyo dukaamo kale oo ku yaala bartamaha degmadaas.<br \/>\nCiidamada maamulka dowlada ee degmada B\/Xaawo ayaa sugayey amaanka suuqa uu dabku ka kacay, si uusan boob uga dhicin, iyadoo dadweyne fara badan, ganacsato iyo maamulka degmada ay la tacaalayeen deminta dabkaas iyagoo adeegsanayey ciid iyo biyo.<br \/>\n \u201cDedaal badan ka dib ugu dambeyn saacadu markii ay aheyd 1:30 daqiiqo saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu guuleystay in dabkaas xoogiisa la demiyo\u201d ayuu yiri goob jooge ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa ku sheegay Xasan Malaay.<br \/>\nIllaa hadda si rasmi ah looma oga waxyaabaha rasmiga ah ee dhaliyey dabkan inkastoo dadweynaha degmada B\/xaawo ay isla dhexmarayeen warar sheegaya inuu ka bilowday maqaayad cuntada fudud laga cuno oo ku taala Suuqa degmadaas.<br \/>\nDabka ayaa la sheegay inuu cagta mariyey dhul balaaran, isagoo ugu yaraan malafsaday 10 bakhaar oo waaweyn iyo sandaqado fara badan, kuwasoo ay ku jireen hanti fara badan oo isugu jirta badeecado kala duwan iyo lacago cadaan ah oo weli cadadooda aan la heynin.<br \/>\nMa jiro war ku saabsan khasaaraha dabkan oo ka soo baxay maamulka degmada iyo ganacsatada ku hanti beelay dabkaas oo lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee suuqa degmadaas ka kaca 20-kii sano ee u dambeeyey, iyadoo degmadaas ay xiriir ganacsi oo balaaran la leedahay gobolka woqooyi bari Kenya iyo gobolada kale ee Somalia.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dab aad u xoogan oo soconayey muddo saacado ah ayaa xalay qabsaday Suuqa ganacsiga degmada B\/xaawo ee gobolka Gedo, kaasoo baabi\u2019iyey, dhulkana la simay hantidii tiilay goobo badan oo ganacsi. Goob joogayaal ku sugan degmada B\/xaawo ayaa sheegay in dabkaasi oo bilowday abaarihii 9:00-kii fiidnimo ee xalay uu ku faafay bakhaaro waaweyn iyo dukaamo kale [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15210","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15210","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15210"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15210\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15226,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15210\/revisions\/15226"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15210"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15210"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15210"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}