{"id":15191,"date":"2013-05-28T11:19:04","date_gmt":"2013-05-28T08:19:04","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15191"},"modified":"2013-05-28T14:04:01","modified_gmt":"2013-05-28T11:04:01","slug":"madaxweynaha-somalia-iyo-wafdigiisa-oo-ku-soo-laabtay-muqdisho-kana-hadlay-arrimaha-jubooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/05\/madaxweynaha-somalia-iyo-wafdigiisa-oo-ku-soo-laabtay-muqdisho-kana-hadlay-arrimaha-jubooyinka\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa oo ku soo laabtay Muqdisho kana hadlay arrimaha Jubooyinka."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Xasan-Shekh.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Xasan-Shekh.jpg\" alt=\"Xasan Shekh\" width=\"466\" height=\"350\" class=\"alignleft size-full wp-image-15192\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Xasan-Shekh.jpg 466w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Xasan-Shekh-300x225.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 466px) 100vw, 466px\" \/><\/a>Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa goor dhow oo barqadii ah ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo dhameysteen socdaal dhowr cisho qaatay oo ay ku tageen magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.<br \/>\nWafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka raisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibeda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyin ay ka mid ahaayeen raisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo qeybaha bulshada.<br \/>\nXasan Shiikh Max\u2019uud Madaxweynaha Somalia oo shir jaraaid ku qabtay garoonka Aadan cadde ayaa sheegay in magaalada Addis Ababa ay kaga soo qeyb galeen shirar ay isugu yimaadeen madaxda IGAD iyo kuwa Midowga Afrika kuwaasoo uu sheegay in looga hadlay qodobo ay ka mid aheyd xaalada Somalia.<br \/>\n \u201cShirkii madaxda IGAD waxa ka soo baxay qodobo ku saabsan ariimaha Jubooyinka oo ay ka mid yihiin in dowlada Somalia oo kaliya ay xaq u leedahay iney hormuud ka noqoto maamul sameynta Jubaland iyo in shirweyne arinta Jubooyinka looga hadlayo dowladu qabato, guul ayeyna ku soo dhamaadeen shirarkaas\u201d ayuu yiri madaxweynaha.<br \/>\nSidoo kale, Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka jubooyinka ay u madax banaan yihiin iney sameystaan maamulka ay doonayaan si ay uga mid noqdaan federaalka, doorka dowladana uu noqon doono iney arintaas u fududeeyaan si loo waafajiyo dastuurka dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa goor dhow oo barqadii ah ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo dhameysteen socdaal dhowr cisho qaatay oo ay ku tageen magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya. Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka raisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibeda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15191","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15191","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15191"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15191\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15198,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15191\/revisions\/15198"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15191"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15191"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15191"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}