{"id":15189,"date":"2013-05-28T13:30:34","date_gmt":"2013-05-28T10:30:34","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15189"},"modified":"2013-05-28T14:20:28","modified_gmt":"2013-05-28T11:20:28","slug":"dagaalo-iyo-duqeymo-xoogan-oo-xalay-ka-dhacay-duleedyada-magaalooyinka-kismaayo-iyo-garbahaarey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/05\/dagaalo-iyo-duqeymo-xoogan-oo-xalay-ka-dhacay-duleedyada-magaalooyinka-kismaayo-iyo-garbahaarey\/","title":{"rendered":"Dagaalo iyo duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay duleedyada magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/dagal-shabab.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/dagal-shabab.jpeg\" alt=\"dagal shabab\" width=\"278\" height=\"181\" class=\"alignleft size-full wp-image-15207\" \/><\/a>Dagaalo iyo duqeymo xoogan ayaa xalay ka kala dhacay degaano ku yaala duleedyada magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey ee gobolada Jubada hoose Gedo ka dib markii ay weerareen xoogaga Al-shabaab.<br \/>\nWararku waxay sheegayaan in dagaalka hore uu ka dhacay duleedka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ka dib markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay halkaas ku lahaayeen ciidamada dowlada.<br \/>\nDagaalka oo socday muddo kooban ayaa markii uu qaboobay ka dib xoogaga Al-shabaab waxay madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalada Garbahaarey kuwaasoo khal khal xoogan ku abuuray shacabka magaaladaas.<br \/>\nIllaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab iyo duqeynta ka dambeysay ee loo geystay magaalada Garbahaarey, mana jiro war ku saabsan arrimahaas oo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac.<br \/>\nDhinaca kale, dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa isla xalay saqdii dhexe waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka dayuuradaha Kismaayo oo magaalada ka baxsan qiyaastii 15-km iyadoo duqeyntaas ka dibna uu meel ku dhow Airporka dagaal ku dhexmaray ciidamada Kenya iyo xoogaga Al-shabaab kaasoo socday muddo saacad ku dhow.<br \/>\nLama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ku soo aaday xili garoonka dayuuradaha Kismaayo ay ku sugnaayeen wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia oo halkaas ku xaniban ka dib markii maamulka Axmed Madoobe iyo ciidamada Kenya ay u diideen iney galaan magaalada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dagaalo iyo duqeymo xoogan ayaa xalay ka kala dhacay degaano ku yaala duleedyada magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey ee gobolada Jubada hoose Gedo ka dib markii ay weerareen xoogaga Al-shabaab. Wararku waxay sheegayaan in dagaalka hore uu ka dhacay duleedka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ka dib markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15189","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15189","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15189"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15189\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15208,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15189\/revisions\/15208"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15189"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15189"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15189"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}