{"id":15116,"date":"2013-05-26T10:33:23","date_gmt":"2013-05-26T07:33:23","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=15116"},"modified":"2013-05-26T14:40:34","modified_gmt":"2013-05-26T11:40:34","slug":"qarax-qasaaro-gaystay-oo-xalay-ka-dhacay-degmada-hodan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/05\/qarax-qasaaro-gaystay-oo-xalay-ka-dhacay-degmada-hodan\/","title":{"rendered":"Qarax Qasaaro Gaystay oo xalay ka dhacay Degmada Hodan."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Qarax.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/05\/Qarax.jpeg\" alt=\"Qarax\" width=\"184\" height=\"191\" class=\"alignleft size-full wp-image-15125\" \/><\/a>Qarax ayaa xalay fiidnimadii waxaa uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska Al-Baraka oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir kaasoo lala beegsaday fariisin ay isgoyskaasi ku leeyihiin ciidamada dowlada Somalia.<br \/>\nQaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa lala waayey goobtii lagu weeraray ee ay joogeen ciidamada dowlada, waxaana uu ku habsaday guri ay degan yihiin dad shacab ah oo halkaas ku dhowaa.<br \/>\nGoob joogayaalka tirsan dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen labo caruur ah oo ay dhaleen qoys ku noolaa gurigaas uu ku dhacay bamka kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka.<br \/>\nCiidamada dowlada ee ku sugnaa goobtaas ayaa la sheegay iney qaraxaas ka dib ku dhaqaaqeen howlgal balaaran oo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey bamkaas la soo tuuray oo baxsaday.<br \/>\nKooxo hubeysan ayaa xiliyo u badan habeenkii bambooyin ku weerara ciidamada dowlada ee ilaalada ka haya isgoysyada ku yaala magaalada Muqdisho kuwaasoo khasaarooyin kala duwan u geysta askar iyo dad shacab ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qarax ayaa xalay fiidnimadii waxaa uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska Al-Baraka oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir kaasoo lala beegsaday fariisin ay isgoyskaasi ku leeyihiin ciidamada dowlada Somalia. Qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed ayaa lala waayey goobtii lagu weeraray ee ay joogeen ciidamada dowlada, waxaana uu ku habsaday guri ay degan yihiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-15116","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15116","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15116"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15116\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15132,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15116\/revisions\/15132"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15116"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15116"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15116"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}