{"id":14957,"date":"2013-05-19T22:55:09","date_gmt":"2013-05-19T19:55:09","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14957"},"modified":"2013-05-20T00:15:11","modified_gmt":"2013-05-19T21:15:11","slug":"hogaanka-al-shabaab-oo-jawaab-kulul-ka-bixiyey-hadal-dhawaan-ka-soo-yeeray-sh-xasan-daahir-aweys","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/05\/hogaanka-al-shabaab-oo-jawaab-kulul-ka-bixiyey-hadal-dhawaan-ka-soo-yeeray-sh-xasan-daahir-aweys\/","title":{"rendered":"Hogaanka Al-Shabaab Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Dhawaan Ka Soo Yeeray Sh.Xasan Daahir Aweys"},"content":{"rendered":"<p>Bayaan ka soo<br \/>\nbaxay maanta qeybta<br \/>\nwarfaafinta u qaabilsan<br \/>\nXarakadda Al-Shabab ayaa<br \/>\nlaguna baahiyay warbaahinta<br \/>\nShabab ayaa waxaa lagu<br \/>\nsheegay in maalmahaan ay<br \/>\nShababka dhexdiisa kasoo<br \/>\nbaxayaan dad lagu sheega<br \/>\nBayaan ka soo baxay maanta<br \/>\nqeybta warfaafinta u qaabilsan<br \/>\nXarakadda Al-Shabab ayaa laguna<br \/>\nbaahiyay warbaahinta Shabab<br \/>\nayaa waxaa lagu sheegay in<br \/>\nmaalmahaan ay Shababka<br \/>\ndhexdiisa kasoo baxayaan dad<br \/>\nlagu sheegay inay kala<br \/>\njajabninayaan Al-Shabab.<\/p>\n<p>Bayaanka Al-Shabab kasoo baxay<br \/>\nayaa looga hadlay qoraallo<br \/>\ndhowr ah oo maalmihii lasoo<br \/>\ndhaafay baraha intenet,ka lagu<br \/>\narkay kuwaasi oo lagu sheegayay<br \/>\ninuu jiro khilaaf ka dhex taagan<br \/>\nhogaanka Al-Shabab isla<br \/>\nmarkaana Jihaadka Soomaaliya<br \/>\nsida bayaanka lagu yiri uu<br \/>\nburbur halis ugu jiro sababo ku<br \/>\naadan dhibaatooyin ka taagan<br \/>\ngudaha safka Mujaahidiinta sida<br \/>\nwarkaan lagu qoray.<\/p>\n<p>Warkaan Al-Shabab kasooo<br \/>\nbaxay oo cinwaan looga dhigay<br \/>\nMuslimiinta oo looga digayo<br \/>\ndabinta Dhagar-wadayaasha\u201d<br \/>\nayaa waxaa lagu sheegay in<br \/>\nwaayahaan ay Shabab dhexdiisa<br \/>\nkasoo baxeen wax uu bayaanku<br \/>\nugu yeeray kooxo ujeedkeedu<br \/>\nyahay kala dhantaalista<br \/>\ndagaalada ay Shababku<br \/>\nSoomaaliya ka wadaan iyo bur<br \/>\nburinta maamulada Al-Shabab ee<br \/>\nqeybo k a mid ah dalka ka jira.<\/p>\n<p>Al-Shabab waxay bayaankooda<br \/>\nmaanta ku yiraahdeen \u201c waxaa<br \/>\njira dhagar-qabayal dhantaalaya<br \/>\nsafka Jihaadka oo meel kaga<br \/>\ndhacaya hoogaanka<br \/>\nMujaahidiinta xumayana<br \/>\nxilkasnimada madaxda,<br \/>\nsiyaasaddooda iyo xittaa<br \/>\nIslaamnimadooda iyo<br \/>\nJihaadkooda.<br \/>\n\u201cMuddooyinkii u danbeeyay<br \/>\nwaxaa aragnay codka qaar ka<br \/>\nmid ah fitnawadayaasha oo sare<br \/>\nu soo baxay, kuwaas oo Umadda<br \/>\nkhilaaf kala dhex dhigaya si<br \/>\nmidnimadoodii loo waayo, oo<br \/>\nmeesha uu ka baxo Jamacii iyo<br \/>\nJamaacadii, inagoo og in<br \/>\ndiinteedu ay reebtay kala tagga<br \/>\niyo furqada Ayaa lagu yiri<br \/>\nbayaankaan Al-Shabab kasoo<br \/>\nbaxay.<\/p>\n<p>Xubnaha Al-Shabab iyo xubnaha<br \/>\naan Soomaalida aheyn ee Shabab<br \/>\nla jooga ayay ugu baaqayaan<br \/>\ninaysan dhag jalaq u siin<br \/>\nhadalada kasoo baxaya xubnaha<br \/>\nkale ee hadalada waxaana lagu<br \/>\nyiri \u201c\u201cWaxba yaan la dhaawicin<br \/>\nkalsoonida aad ku qabtaan<br \/>\nhogaanadiina<br \/>\nAl-Shabab waxaa ay bayaanka ay<br \/>\nsoo saareen sidoo kale ku<br \/>\nsheegeen in cid kasta oo khilaaf<br \/>\nka dhex sameysa dhexdooda ay<br \/>\nu aqoonsan yihiin kuwa u<br \/>\nshaqeynaya cadawga shirqoolna<br \/>\nay wadaan sida ku qoran<br \/>\nbayaankaan.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan baraarujineynaa in<br \/>\nqoraalladii lagu baahiyay<br \/>\nbogagga qaar ee suurad<br \/>\nxumeynaya Jihaadka Soomaaliya<br \/>\niney ahaayeen kuwo aad<br \/>\nxaqiiqada uga fog, oo been<br \/>\nabuurro laga buuxiyay ka dibna<br \/>\nloo adeegsaday xogaha qaar si<br \/>\naan xaqiiqada aheyn, waxey<br \/>\naheyd Xaqaa\u2019iqda oo lagu<br \/>\ndaboolayo xiqdi, uur-ku qaad iyo<br \/>\nwax jecleysi, ayaa lagu yiri qeybta<br \/>\ndambe ee bayaanka manta kasoo<br \/>\nbaxay qeybta warfaafinta u<br \/>\nqaabilsan Al-Shabab.<br \/>\nDhawaan xubno sar sare oo<br \/>\nkatirsan hogaanka Al-Shabab oo<br \/>\nay ka mid yihiin nin loo yaqaano<br \/>\nmagacyo ay ka mid yihiin<br \/>\nIbraahim Afghan Sh, Xasan<br \/>\nDaahir Aweys iyo xubno kale oo<br \/>\najaanib ah ayaa warqad ay uga<br \/>\ndacwoonayaan hogaamiyahooda<br \/>\nAxmed Cabdi Godane u diray<br \/>\nhogaammiyaha ugu sareeya<br \/>\nururka Al-Qacida kadib markii ay<br \/>\nku eedeeyeen inuu awood<br \/>\nmaroorsi sameeyay.<\/p>\n<p>Dhawaan Ayaa Sh, Xasan Daahir Aweys oo warbaahinta qaar la hadlayna waxaa uu sheegay in hogaamiyaha Al-Shabab uu dhibaato ku hayo Xarakadda<br \/>\ndhexdeeda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bayaan ka soo baxay maanta qeybta warfaafinta u qaabilsan Xarakadda Al-Shabab ayaa laguna baahiyay warbaahinta Shabab ayaa waxaa lagu sheegay in maalmahaan ay Shababka dhexdiisa kasoo baxayaan dad lagu sheega Bayaan ka soo baxay maanta qeybta warfaafinta u qaabilsan Xarakadda Al-Shabab ayaa laguna baahiyay warbaahinta Shabab ayaa waxaa lagu sheegay in maalmahaan ay Shababka dhexdiisa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14957","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14957","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14957"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14957\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14966,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14957\/revisions\/14966"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14957"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14957"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14957"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}