{"id":14884,"date":"2013-05-17T19:24:20","date_gmt":"2013-05-17T16:24:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14884"},"modified":"2013-05-17T19:30:12","modified_gmt":"2013-05-17T16:30:12","slug":"14884","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/05\/14884\/","title":{"rendered":"Sh.Xasan Daahir&#8221;Axmed Godane Waa Kaligii Taliye Mana Ka Aqbaleyno Arintaas."},"content":{"rendered":"<p>Sh.Xasan Daahir Aweys Oo Sheegay In Uu doonayo maanta inuu<br \/>\nka hadlo xaalada dadkeena iyo<br \/>\ndalkeena oo meel adag oo<br \/>\nxasaasi ah mareysa, waxyaabaha<br \/>\naan ka hadlayana waxa ugu<br \/>\nwayn laba arimod oo kala ah<br \/>\nArimaha dibada iyo kuwa<br \/>\ngudaha.<\/p>\n<p>Xaga gudaha waxaan si weyn<br \/>\ndiirada u saari doonaa arrimaha<br \/>\ndhexdeena ah, Sida ad ogtihiinba<br \/>\ndalkeena Soomaaliya waxa uu<br \/>\nleeyahay ahmiyad gaar ah oo ah<br \/>\nhalka uu dhaco Juqraafi ahaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaan nahay<br \/>\nmuslimiin ahlu suna ah oo ah<br \/>\ndifaaca koowaad xagga<br \/>\nkoonfureed ee Xarameynka,<br \/>\nmusliminta dagta geeska Africa<br \/>\noo boqolkiba 80% ku dhow<br \/>\nwaxaan u nahay garab ay<br \/>\ndugsadaan.<\/p>\n<p>Arimahas iyo kuwa kale oo<br \/>\nleysku geeyey ayaa waxay<br \/>\nsababeen inuu cadowga na<br \/>\nbeegsado oo nagula soo qaado<br \/>\nduulaamo isdaba joog ah Marka<br \/>\nwa inaan isweydiinaa yaa cadow<br \/>\nu ah ummadan yaase gacal u ah?<\/p>\n<p>Waxa la wada ogyahay in<br \/>\numadda cadowgeedu yahay<br \/>\nYahuuda iyo nasaarada sida uu<br \/>\nALLAH kitaabkiisa Qur\u2019aanka<br \/>\nnoogu sheegay, iyadoo<br \/>\ncadowgaas maanta ay<br \/>\nhorkacayaan wadamada<br \/>\nMareykanka iyo Ingiriiska<br \/>\nkuwaasoo ah kuwa kala<br \/>\ngoogooynaya horayne u kala<br \/>\ngoogooyey wadamada islaamka<br \/>\nSida Somalia o ay u qeybiyeen<br \/>\nshan qeybood, Falastiin, Keshmiir,<br \/>\nSuudan iyo Miyannaar oo<br \/>\ndhamaantoodba dad muslimiin<br \/>\nah ku dhibateynayaan gaaladu.<\/p>\n<p>Waxaa ugu dambeeyey<br \/>\ndhibaatooyinka ay nagu hayaan<br \/>\nshirqoolkii shir ku sheega aha ee<br \/>\ndhawaan lagu qabtay dalka<br \/>\nIngiriiska tan kale dhaqaalaha ay<br \/>\nSoomaaliya ugu yaboohayan<br \/>\nwaxaad ogatan in yabooha ay<br \/>\ndhaafsanayaan mawaaqif iyo<br \/>\nmasaalix ay ugu adeegayaan<br \/>\ndanahooda gaarka ah kamana<br \/>\nrun sheegaan, wax yar ee ka<br \/>\ndhaboobana waxay dib ugu<br \/>\nlaabtaan jeebkooda si<br \/>\nxirfadeysan.<\/p>\n<p>Runtiina umaddana waan uga<br \/>\ndigeynaa inaysan ku kadsoomin<br \/>\nshirqolkaas uu cadowga<br \/>\nmaleegayo.<\/p>\n<p>Waxaan raba inaan adkeeyo in<br \/>\nerayada ay isticmalayaan ee ah<br \/>\naqoonsiga dib u dhiska iyo wixii<br \/>\nla mid ah inayan waxba ka jirin<br \/>\noo ay tahay wax ay ku tala galeen<br \/>\ninay ku baneystaan kheyraadka<br \/>\ndalka.<\/p>\n<p>Waxaan kaloo codowga umadda<br \/>\nka mid ah kuwa daba dhilifyada<br \/>\nah oo dowladdda federaalka ah<br \/>\noo anaga aan u naqano inay<br \/>\ntahay dowlad ridda ah, waxaana<br \/>\numadda waajib ku ah inay ridaan<br \/>\ndowladaas badalkeeda ay<br \/>\ndhistaan dowlad islaami ah oo<br \/>\numada ku dhaqda shareecada<br \/>\nislaamka isla markaana shuura<br \/>\nleh oo ay ku mideysan yihin<br \/>\ndadka muslimiinta ah ee<br \/>\nSoomaaliyeed.<\/p>\n<p>Intaas kadib umadda mar haddi<br \/>\nay ogaatay cadowgeeda dhanka<br \/>\nkale wa inay gartaan cidda u<br \/>\ngacalka ah oo ah culimada oo ay<br \/>\nugu horeeyaan Mujaahidinta.<br \/>\nMujahidinta runtii ahmiyad gaar<br \/>\nah ayey leeyihiin iyagana waxay<br \/>\nka dhasheen dacwadii mudada la<br \/>\nsoo waday ee ay horkacayeen<br \/>\nXarakaadka Islaamiga ah, marka<br \/>\naan ka soo gudubno<br \/>\nmaxkamidihii Islaamiga oo runtii<br \/>\nahaa waxaa ugu wayn oo isu<br \/>\nkeenaya mirahaas dacwada<br \/>\nwaxaa xigay oo la is dhihi karo<br \/>\nwaa dhameystirtay isu keenidii<br \/>\nmirahaas arin weyn oo aheyd<br \/>\nMidowgii Xarakada Al-shabaab<br \/>\niyo xisbul islaami oo ay umaddu<br \/>\naad ugu faraxday lagana filayey<br \/>\ninay ka soo baxdo awood<br \/>\nmideysan oo cadowga lagala<br \/>\nhortago.<\/p>\n<p>Balse natiijadii ay noqotay taa<br \/>\nmid aan aheyn, arintaasina<br \/>\nsababteeda waxaa iska laha hal<br \/>\nruux oo la kali noqday masiirkii<br \/>\numadda, taasoo keentay inay<br \/>\nmujaahidintu daciifaan,<br \/>\ncadowgiina uu ku soo dhiirado<br \/>\nkana saaro dhulka intii badneyd<br \/>\nee muslimiinta gacanta ugu jiray,<br \/>\nwaxa kaloo ka dhashay la kali<br \/>\nnoqoshadas laba arimood oo<br \/>\nwaaweyn oo kala ah.<br \/>\n1) Shareecadi umaddu ay ku<br \/>\nmideysned oo hoos loo dhigay<br \/>\nwaxaana arinkaas micnihiisu<br \/>\nyahay in markii leys qabto oo la<br \/>\nyiraahdo shareecada ha loo<br \/>\nnoqdo ay ka madax adeegto<br \/>\ncidda la kali noqotay masiirka<br \/>\numadda iyo in leysku qalday<br \/>\nmanhajkii rasuulka scw iyo<br \/>\nsiyaasadii Miikaaderiyada (Al-<br \/>\nQaayatu Tubarirul Wasiila)<br \/>\nmanhajka ama dariiqa rasuulka<br \/>\nwaa inaad waxaa wanaagsan ee<br \/>\naad dooneyso u martaa dariiq<br \/>\nwanagsan, halka<br \/>\nMIIKAADERIYADA ay qabto waxaa<br \/>\naad dooneyso u mar dariiqa aad<br \/>\ndoonto (Al-daruuratu tubiixul<br \/>\nmaxduuraat) Marka ay taasi<br \/>\ndhacday oo laga madax adeygay<br \/>\nin loo laabto kitaabka ALLAAH<br \/>\nwaxaa bilaabatay in leyska hor<br \/>\nyimaado halkaana uu ka dhaco in<br \/>\nla daadiyo dhiig aan banaaneyn<br \/>\nwax lagu daadiyey oo la<br \/>\ngaranayana aanay jirin, dhanka<br \/>\nkalana ciddi ka hadasha<br \/>\narrimaha dhacaya laga dhigo mid<br \/>\nla eryo, mid la dilo, mid xabsi la<br \/>\ndhigo iyo mid la tuhmo oo la<br \/>\nsuurad xumeeyo, arintaa oo<br \/>\nkeentay in dad badan ay dib uga<br \/>\nbaxaan qadiyadii oo markaas<br \/>\nkoox yar la kali noqoto masiirka<br \/>\nummada Soomaliyeed, Waxaa<br \/>\nkaloo aan ummada u cadeynaya<br \/>\narinta dadka mujaahidnta lagu<br \/>\nbaacsanayo Bay iyo Bakool oo<br \/>\ndhiigooda la baneysanayo inay<br \/>\ntahay arimaha Qatarta ah ee jira<br \/>\noo xitaa fatwadi ay culimadu ka<br \/>\nsoo saareen aysan jirin cid<br \/>\nmaqashay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sh.Xasan Daahir Aweys Oo Sheegay In Uu doonayo maanta inuu ka hadlo xaalada dadkeena iyo dalkeena oo meel adag oo xasaasi ah mareysa, waxyaabaha aan ka hadlayana waxa ugu wayn laba arimod oo kala ah Arimaha dibada iyo kuwa gudaha. Xaga gudaha waxaan si weyn diirada u saari doonaa arrimaha dhexdeena ah, Sida ad ogtihiinba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14884","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14884","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14884"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14884\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14917,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14884\/revisions\/14917"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14884"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14884"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14884"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}