{"id":14570,"date":"2013-04-28T23:20:03","date_gmt":"2013-04-28T20:20:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14570"},"modified":"2013-04-29T01:22:06","modified_gmt":"2013-04-28T22:22:06","slug":"wafdi-uu-hogaaminayo-gudoomiyaha-baarlamaanka-oo-gaaray-magaalada-istanbul-ee-dalka-turkiga-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/wafdi-uu-hogaaminayo-gudoomiyaha-baarlamaanka-oo-gaaray-magaalada-istanbul-ee-dalka-turkiga-2\/","title":{"rendered":"Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga."},"content":{"rendered":"<p>Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayadoo wafdiga Gudoomiyahana ay caawa ku wajahan yihiin magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.<br \/>\nMudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ataturk Airport ee magaalada Istanbul kusoo dhaweeyey mas\u2019uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga oo uu ka mid yahay Duqa magaalada Istanbul ayadoo Gudoomiyaha iyo Duqa magaaladana ay wadahadal kooban ku yeeshan qeybta nasashada (VIP) ee garoonka diyaaradaha.<br \/>\nWafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mid ah Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka qaarkood iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha waxaana ay wafdiga caawa u ambabixi doonaan magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga.<br \/>\nMaalinnimada berri ah waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu wadahadallo gaar gaar ah Ankara kula qaadan doonaa mas\u2019uuliyiin ka tirsan dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga,Ra\u2019isulwasaare Recep Tayip Erdogan,Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul iyo mas\u2019uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha hay\u2019adda hormarinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA.<br \/>\nSocdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah adkeynta iyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo mudooyinkan aad usii xoogeysanayey ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaankana uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Dalkan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayadoo wafdiga Gudoomiyahana ay caawa ku wajahan yihiin magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ataturk Airport ee magaalada Istanbul kusoo dhaweeyey mas\u2019uuliyiin ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14570","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14570","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14570"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14570\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14582,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14570\/revisions\/14582"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14570"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14570"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14570"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}