{"id":14460,"date":"2013-04-24T18:24:08","date_gmt":"2013-04-24T15:24:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14460"},"modified":"2013-04-24T18:24:08","modified_gmt":"2013-04-24T15:24:08","slug":"raiisul-wasare-saacid-oo-booqday-xarumaha-ciidanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/raiisul-wasare-saacid-oo-booqday-xarumaha-ciidanka\/","title":{"rendered":"Raiisul Wasare Saacid oo Booqday Xarumaha ciidanka."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiirada ayaa maanta booqday xarumaha ciidanka militariga ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho isla markaasna ay u kuur galayeen nolosha ciidanka.<br \/>\nWafdiga Dr Saacid ayaa booqashadooda waxay ka bilaabeen xarunta wasaaradda gaashandhigga dalka Somalia oo dhawaan dib loo dayactiray waxaana halkaas ay ku arkeen ciidamo ka tirsan militariga dalka Somalia oo ku sugnaa xarunta.<br \/>\nRa\u2019iisul wasaaraha ayaa waxaa uu salaan ka qaatay ciidamo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda isla markaasna dalka soo gaaray kuwaas oo haatan ku xaraysan xarunta wasaaradda gaashandhigga.<br \/>\nTaliyaha ciidanka Militariga Generaal Daahir Aadan Cilmi ayaa warbixin siiyay Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashandhigga Xaaladda guud ee ciidammada, isagoo sheegay in ciidammadan ay   qeyb ka yihiin qeybbaha ciidammada Xoogga ee loo diyaariyey dib u dhiskooda.<br \/>\nC\/kariin Xaaji Fiqi oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ciidammadan in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka qaranka ee Difaaca dalka iyo dadka.<br \/>\nDr Saacid ayaa Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay si dhab ah uga diyaar garobaan la dagaallanka argagixisada, dowladda Soomaaliyana ay ku dadaalleyso.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiirada ayaa maanta booqday xarumaha ciidanka militariga ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho isla markaasna ay u kuur galayeen nolosha ciidanka. Wafdiga Dr Saacid ayaa booqashadooda waxay ka bilaabeen xarunta wasaaradda gaashandhigga dalka Somalia oo dhawaan dib loo dayactiray waxaana halkaas ay ku arkeen ciidamo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14460","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14460","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14460"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14460\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14461,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14460\/revisions\/14461"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14460"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14460"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14460"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}