{"id":14397,"date":"2013-04-22T18:08:47","date_gmt":"2013-04-22T15:08:47","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14397"},"modified":"2013-04-24T02:08:45","modified_gmt":"2013-04-23T23:08:45","slug":"wasiirka-gaashandhigga-oo-barlamanka-hortagay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/wasiirka-gaashandhigga-oo-barlamanka-hortagay\/","title":{"rendered":"Wasiirka Gaashandhigga oo Barlamanka Hortagay."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/Fiqi-Barl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/Fiqi-Barl.jpg\" alt=\"\" title=\"Fiqi Barl\" width=\"640\" height=\"480\" class=\"alignleft size-full wp-image-14401\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/Fiqi-Barl.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/Fiqi-Barl-300x225.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a>Waxaa Maanta kulankii Mudanayaasha Baarlamanka Somalia ay ku lahaayeen Xaruntooda hortagay oo Su\u2019aallo ay ku weydiiyeen Wasiirga Gaashandhigga Somalia C\/kariin Xaaji Fiqi.<br \/>\nKalfadhigii 2-aad kulankiiisa 20-aad ay maanta Mudaneyaasha baarlamanka ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho islamarkaasna ay soo Xaadireen 175 Mudane,oo uu Shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa Ajandaha kulankaan uu ahaa in Mudanayasha Baarlamanka uu hor yimaado Wasiirga Gaashandhigga isla markaasna ay su\u2019qaallo weydiiyeen.<br \/>\nWasiirka Gaashandhigga Fiqi ayaa la waydiiyay ilaa shan su\u2019aaladood<br \/>\n1-in Baarlamanka warbixin laga siiyo xaaladda guud ee difaaca Qaranka madaama ciidamada ay la wareegeen deegaanno badan.<br \/>\n2-in warbixin laga siiyo hubka lagala baxay Bakhaar ay leeyihiin ciidanka Milatariga oo ku yaalo Madaxtooyada.<br \/>\n3-Sababta keentay in Tuutaha ama Labiska Cusub ee ciidamada Milatariga lagu soo Weeraro Maxkamadda Gobolka Banaadir.<br \/>\n4-Cabasho ay dad weynaha ka cabanayaan rag ku labisan dharka ciidanka.<br \/>\n5-Waxa uga qorsheysan Agoonta ay ka Tageen Ciidamadii ama Askaritii Geriyoodaay.<br \/>\nWasiirka Wasaaradda Gaashandhigga C\/kariin Xaaji Fiqi ayaa ka jawaabay Su\u2019aalaha la weydiiyay.<br \/>\nWasiirka ayaa Beeniyay in uu jiro Hub ay Ciidamada Militaarka leeyihiin oo lagala baxay Bakhaar ku yaallo Madaxtooyada.<br \/>\n \u201c Majiraan wax hub ah oo laga baxay Bakhaarka madaxtooyada waxaa jiray in leysku dayay in lala baxo rasaas waana la qabtay dhamaan dadkii lagu helay falkaas halmid maahane\u201d.<br \/>\nWuxuu kaloo ka jawaabay Wasiirka Gaashandhigga Cabashada Bulshada ee ku aadan in Ciidamada Dowladda goobaha ay la wareegaan ay ku dhibaateeyaan Shacabka rag ku labisan dareeska ciidanka.<br \/>\nWasiirka Gaashandhigga ayaa sheegay in ay ciidamada qalabka sida loo Sameeyay Maxkamad gaar ah oo qaado Dacwadaha ciidamada isla markaasna askarigii lagu arko isagoo dhibaateenaya bulshada laga qaado Tallaabo sharciga ku haboon.<br \/>\nWaxaa Kaloo la weydiiyay Wasiirka Gaashandhiga Qorshaha Wasaaraddiisa kaga aadan Ciidamada Geeriyooda xuquuqda ay lahaan karaan Eheladooda ama uu la siinayo kadib dhimashada.<br \/>\n\u201cQorshaha wasaaradda waa inay isku xuquuq yihiin askariga Dhaawacmay, kan  Geeriyooda iyo askariga shaqeenaya isla markaasna lacagta iyo xuquuqaha ay u soconayso Carruta Agoonta uu ka geeriyoodo Askarigaas.<br \/>\nTodobaadkaan ayay Baarlamanka Su\u2019aalo weydiiyeen Ra\u2019iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon,Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C\/kariin Xuseen Guuleed iyo maanta oo Wasiirka Gaashandhigga C\/kariin Xaaji Fiqi hor yimaaday isla markaasna ka jawaabay su\u2019aalihii la waydiiyay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa Maanta kulankii Mudanayaasha Baarlamanka Somalia ay ku lahaayeen Xaruntooda hortagay oo Su\u2019aallo ay ku weydiiyeen Wasiirga Gaashandhigga Somalia C\/kariin Xaaji Fiqi. Kalfadhigii 2-aad kulankiiisa 20-aad ay maanta Mudaneyaasha baarlamanka ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho islamarkaasna ay soo Xaadireen 175 Mudane,oo uu Shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14397","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14397","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14397"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14397\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14456,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14397\/revisions\/14456"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14397"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14397"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14397"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}