{"id":14298,"date":"2013-04-18T18:50:42","date_gmt":"2013-04-18T15:50:42","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14298"},"modified":"2013-04-18T19:06:28","modified_gmt":"2013-04-18T16:06:28","slug":"amisom-oo-ciidamo-dheeri-ah-geeyay-baydhabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/amisom-oo-ciidamo-dheeri-ah-geeyay-baydhabo\/","title":{"rendered":"Amisom oo Ciidamo dheeri ah geeyay Baydhabo."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/amisom-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/amisom-1.jpg\" alt=\"\" title=\"amisom-1\" width=\"750\" height=\"492\" class=\"alignleft size-full wp-image-14304\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/amisom-1.jpg 750w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/amisom-1-300x196.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 750px) 100vw, 750px\" \/><\/a>Ciidamada Amsiom ayaa  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ay u direen  ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ay diyaarado ku dajiyeen, iyadoo sidoo kale ay halkaasi gaareen ciidamo kale oo iyana ka tirsan isla AMISOM oo dhinacA dhulka ka galay magaaladaas.<br \/>\nIlaa iyo hadda ma cadda tirada ciidamadaasi waxaase la xaqiijiyey inay wateen gaadiid dagaal oo ay ku jiraan taangiyo iyo qaar kale oo gaashaaman, waxaana gaadiidka watay kuwii dhinaca dhulka ka galay magaalada Baydhabo.<br \/>\nCiidamadan iyo kuwo kale oo horey u joogay magaaladaas ayaa saraakiisha AMISOM waxay dhowaan sheegeen iney la wareegi doonaan goobaha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya ee ku yaala gobolada Bay iyo Bakool si aysan Al-shabaab ugu gacan gelin, iyadoo maanka lagu hayo wixii ka dhacay magaalada Xudur oo markii ay ka baxeen ciidanka Itoobiya mar kale u gacan gashay Al-shabaab.<br \/>\nDhinaca kale wararka ka imaanaya degaanka Toora-toorow ee gobolka Sh\/hoose ayaa waxay sheegayaan in cabsi xoogan ay ka jirto deegaankaasi ka dib markii ay u jiheysteen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si ay ugala wareegaan ciidamada Al-shabaab oo muddo ka badan 4-sano halkaasi ka arriminayey.<br \/>\nSidoo kale, Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa shalay la wareegay gacan ku heynta degaano ka tirsan gobolka Bay, ka dib dagaalo ay la galeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.<br \/>\nSida warku sheegayo dagaal aan sidaasi u buurneyn oo ka dhacay degaano hoostaga magaalada Baydhabo oo ay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab ayaa waxaa shalay la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya, waxayna saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay sii wadi doonaan dagaalada inta ay gobolka oo dhan la wareegayaan.<br \/>\nTaliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolada Bay iyo Bakool oo lagu magacaabo Xasan Baydhabo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sii wajahan yihiin degmada Ufurow ee gobolka bay halkaasoo todobaadkii hore ay labada dhinac ku dagaalameen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Amsiom ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ay u direen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ay diyaarado ku dajiyeen, iyadoo sidoo kale ay halkaasi gaareen ciidamo kale oo iyana ka tirsan isla AMISOM oo dhinacA dhulka ka galay magaaladaas. Ilaa iyo hadda ma cadda tirada ciidamadaasi waxaase la xaqiijiyey inay wateen gaadiid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14298","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14298","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14298"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14298\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14306,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14298\/revisions\/14306"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14298"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14298"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14298"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}