{"id":14296,"date":"2013-04-18T18:50:19","date_gmt":"2013-04-18T15:50:19","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14296"},"modified":"2013-04-18T19:08:57","modified_gmt":"2013-04-18T16:08:57","slug":"xisbiga-pdp-oo-maanta-u-dabaal-degay-sanad-guuradii-2-aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/xisbiga-pdp-oo-maanta-u-dabaal-degay-sanad-guuradii-2-aad\/","title":{"rendered":"Xisbiga PDP oo Maanta u dabaal degay Sanad Guuradii 2-aad."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/PDP-Xisbi.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/PDP-Xisbi.jpg\" alt=\"\" title=\"PDP Xisbi\" width=\"260\" height=\"194\" class=\"alignleft size-full wp-image-14307\" \/><\/a>Munasibadani loogu debaal degayay sanad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagaya xisbiga nabada iyo horumarka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PDP oo lagu qabtay Hotel Sunrise ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaano, siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ah, waxaana heeso iyo ruwaayado ka turjumeysa waxqabadka xibiga ka soo jeediyay hobolada Deegaan.<br \/>\nInta badan mas\u2019uuliyiintii hadalada ka jeediyay munaasibadaasi waxaa ay aad ugu dheeraadeen xisbiga iyo hamigiisa siyaasadeed iyo himolooyinka  uu higsanayo xiliga mustaqbalka.<br \/>\nGuddoomiyaha haweenka xisbiga nabada iyo horumarka Marwo Dahabo Sheekh Maxamuud   oo munasibadaasi ka hadashay ayaa aad ugu dheeraatay  in xisbiga PDP la\u2019aansiitsa uusan madaweynaha Jamhuuriyada gaareen xilka uu hada hayo.<br \/>\nSidoo kale Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya  isla markaana ka mid ah golaha fulinta ee Xisbiga ayaa ka sheegay in xisbiga DPD uu soo maray marxalado kala duwan maantane uu yahay xisbiga ugu weyn dalka Soomaaliya.<br \/>\nMarwo Duniyo oo ka mid ah ururada Bulshada Rayidka ayaa tilmaamtay in xisbigaan uu yahay xisbi 100%90 uu yahay xisbi dhalinyaro ah. iyadoona intasi ku dartay in xisbigan uu yahay xisbi ka yimid ururada bulshada<br \/>\nXog\u2019hayaha guud ee xisbiga nabada iyo horumarka Mudane Xamsa Cabdi Aar waxaana isagoo ku hadlayay ayaa goobta ka sheegay in uu hambalyo ka wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda<br \/>\n\u201cmarka hore waxaan rabaa in aan idiin soo gaarsiiyo hambalyo aan ka wado Madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha Xisbiga waxaana idiin cadeynaa in Xisbiga PDP uusan aheyn Xisbi gaar ah  Waxaa rabaa in aan halkan ka cadeeyo in xisbiga uusan aheyn Xisbi gaar ah ama ururada noocyada kala duwan leh, maahan noocyada Dhiigga marka loo fiiriyo maahan A, AB ama O  hadii dhiigba ku jiro PDP waxaa la yiraah Soomaaliya\u201d ayuu yiri xog\u2019hayaha Xisbiga Xamsa Cabdi Aar.<br \/>\nWaa sanadkii 2-aad ee uu xisbiga nabada iyo horumarka ugu debaal dego aas aaskooda magaalada Muqdisho, waxaana munaasibado sidan oo kale ah ay ka dhacayeen xarumaha uu xisbiga ku leeyahay wadamada Aduunka qaarkood, waxaana xisbigani dhanka siyaasada uga soo galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Fderalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munasibadani loogu debaal degayay sanad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagaya xisbiga nabada iyo horumarka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PDP oo lagu qabtay Hotel Sunrise ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaano, siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ah, waxaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14296","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14296","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14296"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14296\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14310,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14296\/revisions\/14310"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14296"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14296"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14296"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}