{"id":14252,"date":"2013-04-17T20:55:36","date_gmt":"2013-04-17T17:55:36","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14252"},"modified":"2013-04-18T01:17:41","modified_gmt":"2013-04-17T22:17:41","slug":"wafdi-ka-socda-qaramada-midoobay-oo-kulan-la-qaatay-madaxda-dowladda-somalia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/wafdi-ka-socda-qaramada-midoobay-oo-kulan-la-qaatay-madaxda-dowladda-somalia\/","title":{"rendered":"Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo kulan la qaatay Madaxda dowladda Somalia."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/Xasan-Shekh-Dhir-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/Xasan-Shekh-Dhir-2.jpg\" alt=\"\" title=\"Xasan Shekh Dhir 2\" width=\"640\" height=\"427\" class=\"alignleft size-full wp-image-14268\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/Xasan-Shekh-Dhir-2.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/04\/Xasan-Shekh-Dhir-2-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a>Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo kulan la qaatay Madaxda dowladda Somalia.<br \/>\nXasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa kulan dheer  la qaatay madaxda hey\u2019addaha Qaramada Midoobey sida WFP, FAO, iyo madax kale, waxaana kula sugnaa wasiirka Kheyraadka dalka Soomaaliya, mudane C\/risaaq Cumar Maxamuud maadaama ay maanta ku began tahay maalinta Dhirta adduunka.<br \/>\nIyadoo  diirradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay Bay\u2019ada iyo sida looga hortagi karo xaalufinta dhirta Soomaaliya, waxaana kulanka inta uu socday dowladda  ay heshiis kala saxiixdeen Qaramada midoobay Kaasi oo ay malaayiin Dollar ku baxeyso si loo joojiyo dhoofinta Dhuxusha.<br \/>\nKulanka marka uu soo dhammaaday Luca Alinova oo ah madaxa hay\u2019adda Beeraha ee FAO u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay  in ay muhiim tahay taageerada beerista dhirta, isla markaana kheyraadka dalkan lagama maarmaan ay tahay in laga faa\u2019ideysto nacfiga ku jira, dowladda Soomaaliyana ay qaadatay go\u2019aan lagu hakinayo dhoofinta Dhuxusha.<br \/>\nSidoo kale wasiirka Kheyraadka dalka mudane C\/risaaq Cumar Maxamuud ayaa isagana tilmaamay in haddii aysan dadku ka qeyb qaadan beerista dhirta ay ka dhallan karto dhibaatooyin isagoo sheegay in sannadkii 2011 dhuxusha dalka laga dhoofiyey in afar lab ay ka badan tahay midda dalka laga isticmaalay.<br \/>\nMadaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalleyso  sameynta qorshe lagu kobcinayo dhirta, Waxa uuna madaxweynaha Jamhuuriyaddan Soomaaliya uu shacabiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si wadajir ah uga qeyb-qaataan beerista dhirta, gaar ahaan kuwa ay Bulshadu ka faa\u2019ideysan karto.<br \/>\nMuddooyinkii dambe meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayey si weyn uga socdeen xaalufinta Dhirta, iyadoo war-bixintii ay dowladda ka soo saartay isticlaamka dhuxusha ay ku laba jibaaran tahay midda gudaha wadanka lagu isticmaalay taasi ayaana muujineysa heerka xaalufinta dhirta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo kulan la qaatay Madaxda dowladda Somalia. Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan dheer la qaatay madaxda hey\u2019addaha Qaramada Midoobey sida WFP, FAO, iyo madax kale, waxaana kula sugnaa wasiirka Kheyraadka dalka Soomaaliya, mudane C\/risaaq Cumar Maxamuud maadaama ay maanta ku began tahay maalinta Dhirta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14252","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14252","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14252"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14252\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14286,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14252\/revisions\/14286"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14252"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14252"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14252"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}