{"id":14166,"date":"2013-04-13T22:35:30","date_gmt":"2013-04-13T19:35:30","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=14166"},"modified":"2013-04-13T23:54:07","modified_gmt":"2013-04-13T20:54:07","slug":"14166","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/14166\/","title":{"rendered":"Soomaaliya Iyo Somaliland Kulankoodii Dalka Turkiga Oo Qodobo Xasaasi Ka Soo Baxay."},"content":{"rendered":"<p>Xasan Sheekh Max&#8217;uud Gur-Guurte Madaxweynaha Dowladda<br \/>\nFederaaliga ah ee Soomaaliya<br \/>\niyo Madaxweynaha Somaliland<br \/>\nAxmed Maxamed Maxamuud<br \/>\n(Siilaanyo) ayaa maanta ku<br \/>\nkulmey caasimadda dalka<br \/>\nTurkiga ee Ankra, waxaana kulanka<br \/>\nku weheliyey Wasiirka Arrimaha<br \/>\nDibadda ee Turkiga Ahmed Davutogle.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa ahaa mid loo balansanaa isla markanaa qayb<br \/>\nka ahaa wadahadalka labada dhinac, waxaana uu noqonayaa<br \/>\nkulankii saddexaad oo toos ah<br \/>\noo ay isku soo horfariistaan<br \/>\nMadaxda Dowladda Federaalka<br \/>\nSoomaaliya iyo kuwa Somaliland.<\/p>\n<p>Labada Madaxweyne waxaa ka horeeyey shir hordhac ah oo loo diyaarinaayey ajandaha ay ka<br \/>\nwada hadli karaan ama la isku waafaqi karo taas oo ay<br \/>\ndiyaariyeen Wasiiro labada dhinac ka socdey, inkasta oo<br \/>\narrimaha muhimka ah ay ku kala<br \/>\naragti duwanaayeen.<\/p>\n<p>Ergada Somaliland ayaa ku adkeysanaysa in aan laga wada<br \/>\nhadli karin Midnimada ama gooni isu-taagooda ayna tahay<br \/>\nmuqaddas aan gor-gortan lahayn, waxaana ay doonayaan<br \/>\nin lagu koobnaado wada shaqeynta labada dhinac, is<br \/>\ndhaafsiga xogta, la dagaalanka<br \/>\nargagixisada iyo burcad- badeeda, isu socodka, ganacsiga,<br \/>\nqaybsiga deeqaha iyo heliada heshiisyo caalami ah.<\/p>\n<p>Ergada ka socotey Dowladda<br \/>\nFederaalka ayaa sheegtey in<br \/>\nmuhimadda meesha taala ay tahay ka hadlidda Midnimada<br \/>\nSoomaaliya, haddii aan taas laga<br \/>\nhadlina aan laga gudbi karin<br \/>\ncaqabadaha jira, maadaama<br \/>\nwaxyaabaha kale ay yihiin kuwo<br \/>\nhorey ay uga wada shaqeyn<br \/>\njireen dalkuna uu yahay mid isu<br \/>\nfuran.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa<br \/>\nshirka kadib sheegay in wada<br \/>\nhadalku ahaayeen kuwo yidi-diilo<br \/>\nxanbaarsan is afgaradna uu<br \/>\ndhaw yahay, waxaana uu ballan<br \/>\nqaadey in dhawaan war loo dhan yahay la soo saari doono.<\/p>\n<p>Haddaba qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinac qaar kamid ah qodobada<br \/>\nla isku waafaqey ee ka soo baxay<br \/>\nwarka labada dhinac u dhan yihiin ayaa sidaan u dhigan.<\/p>\n<p>1. In guddiga labada dhinac<br \/>\nisku afgarteen in wada hadalku<br \/>\nsii socdo<\/p>\n<p>2. In la taageero baaqii horey<br \/>\nuga soo baxay Shirarkii dalalka<br \/>\nIngriiska iyo Imaaraadka<br \/>\nCarabta<\/p>\n<p>3. Wada hadalku in uu u<br \/>\ndhexeeyo Dowladda<br \/>\nSoomaaliya iyo Dowladda<br \/>\nSomaliland<\/p>\n<p>4. In lagu heshiiyey in la<br \/>\ngaarsiiyo Somaliland<br \/>\nmucaawanada iyo arrimaha<br \/>\nhorumarka Caalamku<br \/>\nSoomaaliya siiyo<\/p>\n<p>5. In la wadaago arrimaha<br \/>\namaanka, is dhaafsiga<br \/>\nsirdoonka, tababarada iyo<br \/>\ndeeqaha waxbarasho, la<br \/>\ngadaalanka argagixisada,<br \/>\nburcad-badeeda iyo<br \/>\nkaluumeysiga sharci darrada ah<\/p>\n<p>6. In muddo 90 malmood ah<br \/>\ngudaheed lagu kulmo<br \/>\nmagaalada Istanbul ee dalka<br \/>\nTurkiga<\/p>\n<p>7. Waxaa lagu heshiiyey in laga<br \/>\nfogaado hadalada iyo<br \/>\ndicaayadaha dhaawici kara<br \/>\nwada-hadalka labada dhinac<br \/>\nIsaga oo ku qoran luuqada<br \/>\nIngiriisiga Akhri<br \/>\nHeshiiskan labada dhinac wada<br \/>\ngaareen waxaa u kala saxiixey<br \/>\nDowladda federaaliga ah ee<br \/>\nSoomaaliya waxaa u saxiixey<br \/>\nWasiirka Arrimaha Gudaha &#038;<br \/>\nAmniga Cabdikariim Xuseen<br \/>\nGuuleed, Somaliland waxaa u<br \/>\nsaxiixey wasiirka Arrimaha<br \/>\nDibadda Maxamed Cabdullaahi<br \/>\nCumar.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xasan Sheekh Max&#8217;uud Gur-Guurte Madaxweynaha Dowladda Federaaliga ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ku kulmey caasimadda dalka Turkiga ee Ankra, waxaana kulanka ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Ahmed Davutogle. Kulankan ayaa ahaa mid loo balansanaa isla markanaa qayb ka ahaa wadahadalka labada dhinac, waxaana uu noqonayaa kulankii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14166","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14166","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14166"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14166\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14174,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14166\/revisions\/14174"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14166"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14166"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14166"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}