{"id":13968,"date":"2013-04-06T00:32:57","date_gmt":"2013-04-05T21:32:57","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13968"},"modified":"2013-04-06T00:32:57","modified_gmt":"2013-04-05T21:32:57","slug":"war-murtiyeed-kazoo-baxay-gabo-gabada-shirka-dib-u-eegidda-garsoorka-oo-muqdisho-maanta-lagu-soo-gabo-gabeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/war-murtiyeed-kazoo-baxay-gabo-gabada-shirka-dib-u-eegidda-garsoorka-oo-muqdisho-maanta-lagu-soo-gabo-gabeeyay\/","title":{"rendered":"War Murtiyeed kazoo baxay Gabo gabada shirka dib u eegidda Garsoorka oo Muqdisho Maanta lagu soo gabo gabeeyay."},"content":{"rendered":"<p>WAR MURTIYEEDKA,SHIRWEYNAHA QARAN EE KAWADATASHIGA DIB U HABAYNTA GARSOORKA IYO KAABAYAASHIISA.<br \/>\nMUQDISHO, SOOMAALIYA, 1-5 April 2013.<br \/>\nARAAR<br \/>\n1. Iyadoo laga duulayo baaqii madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga Soomaaliya<br \/>\nmudane Xasan Sheekh Maxamuud uu jeediyay 11kii bishii Febraayo ee sanadka 2013<br \/>\noo ugu yeeray shirweyne qaran oo looga wada tashanayo dib u habaynta garsoorka iyo<br \/>\nkaabayashiisa, kaasoo ka tarjumayay tiirka labaad ee tiirarka lixda ah (Six Pillar Policy)<br \/>\nee ay ku qotonto aragtida siyaasadeed oo uu madaxweynuhu ku dhawaaqay 16kii<br \/>\nSeptembar 2012;<br \/>\n2. Iyadoo la hirgalinayo himilada shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaanka hay\u2019adaha kala<br \/>\nduwan ee cadaaladda lana daboolayo baahida uu u qabo in la helo cadaalad waarta oo u<br \/>\nsahasha muwaadinka Soomaaliyeed helitaanka cadaalad uu isku halayn karo;<br \/>\n3. Iyadoo maalinimadii Isniinta oo taariikhdu ahayd 1da April 2013 ay isugu yimaadeen<br \/>\nergooyinka ka qaybgalayaasha shirweynahaas oo tiradooda gaarayso in ka badan laba<br \/>\nboqol (200) oo qof oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa . Kuwaas oo isugu jiray<br \/>\nwakiilo metelayay wasaaraddaha kala duwan, xubnaha baaralamaanka, sharciyaqaano<br \/>\nka kala yimid gudaha iyo dibada dalka, xubnaha garsoorka iyo kaabayaashiisa,<br \/>\nciidamada bileyska Soomaaliyeed, ciidanka asluubta, ururarada bulshada rayidka,<br \/>\nururada haweenka, Jaamacadaha, culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka;<br \/>\n4. Iyadoo shirweynuhu uu si rasmi ah u furay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka<br \/>\nSoomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud, soona dhoweeyay ergada shirka,<br \/>\nmahad celin balaaran ugu jeediyay sida wanaagsan ee loo aqbalay baaqa shirka, kuna<br \/>\ndhiiri geliyay ergada inay soo saaraan talooyin wax ku ool ah oo loo bedeli karo qodobo<br \/>\nla hirgelin karo oo aasaas u noqda dib u qaabaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa iyo<br \/>\ndhisidda garsoor tayaysan oo la jaanqaadi kara dastuurka cusub ee dalka iyo<br \/>\nmarxaladda cusub ee dalku galay;<br \/>\n5. Iyadoo shirku socday 1da &#8211; 5ta bisha April ayaa waxa looga dooday xaalada guud ee<br \/>\ngarsoorka iyo kaabayaashiisa ka jira dalka iyo baahiyada sharci ee kala duwan ee<br \/>\nhaysata. Waxaana laga soo saaray talooyin xal u noqon kara taabagelinta garsoor<br \/>\ntayaysan oo ilaaliya saraynta sharciga xaqiijiyana himilooyinka cadaalad doonka ah ee<br \/>\numadda Soomaaliyeed;Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 3<br \/>\n6. Iyadoo khuburada sharciga iyo aqoonyahanada kala duwan waqti dheer iyo dood<br \/>\ncilmiyeedyo badan ka yeesheen sida hadda u dhisan yahay garsoorka iyo qaabka la rabo<br \/>\ninuu ugu adeego shacabka Soomaaliyeed;<br \/>\n7. Iyadoo la tixgelinaayo burburka gaaray hay\u2019adaha garsoorrka tan iyo markii dagaalka<br \/>\nsokeeye dalka ka bilowday, arintaas oo keentay baahi loo qabo in dib u habayn lagu<br \/>\nsameeyo nidaamka garsoor ee hadda jira, isla markaana ay lagama maarmaan tahay,<br \/>\ndastuurka dalkuna farayo, in la adkeeyo madaxbanaanida garsoorka;<br \/>\n8. Iyadoo ka qeyb galayaasha shirweynuhu booqdeen qeybo ka mid ah maxkamadaha iyo<br \/>\nxabsiga dhexe ee gobolka banaadir;Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 4<br \/>\nTALOOYINKA LASOO JEEDIYAY<br \/>\nKhuburadii iyo dhamaan dadkii ka qayb galay shirweynaha qaran ee dib u habaynta<br \/>\ngarsoorka iyo kaabayaashiisa waxay soo jeediyeen talaabooyinka hoos ku xusan inay yihiin<br \/>\nkuwo leh mudnaanta koowaad, islamarkaana ay ku baaqeen in loo dhaqan geliyaa sida ugu<br \/>\ndhakhsiyaha badan.<br \/>\nKadib markii ergada shirweynuhu dhagaysteen talooyinka kala duwanaa ee ku saabsan dib<br \/>\nu habaynta garsoorka iyo kaabayaashiisa ee ay soo bandhigeen guddi howleedyadii kala<br \/>\nduwanaa.<br \/>\nShirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa talooyinka soo socda:<br \/>\n1. In si deg deg ah dib uhabayn loogu sameeyo hay\u2019adaha garsoorka iyo kaabayaashiisa<br \/>\nsi waafaqsan distuurka federaalka iyo xaalada kajirta dalka;<br \/>\n2. In si dhaqso ah loo sameeyo gudiga adeegga garsoorka si waafqasan dastuurka;<br \/>\n3. In si dhaqso ah loo soo dhiso maxkamadda dastuuriga si waafaqsan dastuurka;<br \/>\n4. In la dhiso maxkamadaha federaalka si waafaqsan dastuurka, laguna baahiyo<br \/>\nqaybaha dalka oo dhan muddo ku haboon;<br \/>\n5. In la tayeeyo maxkamadda ciidanka qalabka sida si ay u fuliyaan howlahooda, dib u<br \/>\neegisna lagu sameeyo xeerarkooda.<br \/>\n6. In dayactir iyo dib u dhis lagu sameeyo dhismayaasha maxkamadaha loona<br \/>\nqalabeeyo si waafaqsan halbeegga caalamiga ah ee dhismayaasha maxkamadaha;<br \/>\n7. Si loo helo madaxbanaanida garsoorka in lakala xadeeyo howlaha hay\u2019adaha fulinta<br \/>\niyo kuwa garsoorka;<br \/>\n8. In howlwadeenada garsoorka la siiyo mushaaro iyo agab ku filan si ay u gutaan<br \/>\nhowlaha loo igmaday<br \/>\n9. In kor loo qaado tayada howlwadeenada garsoorka iyo kaabayaashiisa;<br \/>\n10. In dib u habayn lagu sameeyo xafiiska xeer ilaalinta si waafaqsan dastuurka<br \/>\nislamarkaana la tayeeyo howlwadeenada xafiiska xeer ilaalinta; Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 5<br \/>\n11. In dib u habayn lagu sameeyo dhamaan shuruucda dalka si waafaqsan dastuurka iyo<br \/>\nshareecada Islaamka, lana dhiso guddi ka shaqeeya howlahaas aqoon xeeldheerna u<br \/>\nleh<br \/>\n12. In baarlamaanku si dhaqso ah u meel mariyo samaynta iyo dhismaha shuruucda iyo<br \/>\nhay\u2019adaha lagu dhisayo garsoorka dalka iyo xeerarkiisa si waafaqsan dastuurka;<br \/>\n13.Si ay howshoodu ugu gutaan si hufan oo dhowreysa xuquuqda muwaadiniinta waa<br \/>\nin dib u habayn lagu sameeyo hay\u2019adaha boliiska, ciidanka asluubta iyo kuwa<br \/>\nnabadsugidda laguna tababbaro dhowrista xuquuqda aadanaha, anshaxa iyo<br \/>\nmabaadi\u2019da Islaamka;<br \/>\n14. In dib u dhis lagu sameeyo xabsiyada dalka oo la waafijiyo halbeega xabsiyada<br \/>\ncasriga ah, islamarkaana la dhowro xuquuqda aasaasiga ee maxbuuska.<br \/>\n15. In lasoo saaro xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka<br \/>\nnaafada ah; loona dhiso maxkamado gaar u ah caruurta iyo da\u2019yarta islamarkaana si<br \/>\nbuuxda looga hortago tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda haweenka,<br \/>\n16. In haweenka loo suurta geliyo inay ka qayb qaataan dhamaan hay\u2019adaha cadaaladda<br \/>\nsi waafaqsan dastuurka;<br \/>\n17. In la dhiiri geliyo kaalinta hay\u2019adaha bulshada rayidka ay ku leeyihiin wacyigelinta<br \/>\narrimaha sharciga iyo cadaaladda;<br \/>\n18. In muwaadinka loo fududeeyo helitaanka cadaaladda, islamarkaana tixgelin gaar ah<br \/>\nla siiyo dadka danta yar;<br \/>\n19. In si dhaqso ah loo sameeyo gudiga la-dagaalanka musuqmaasuqa lana xoojiyo<br \/>\nkaalintiisa sharci; Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 6<br \/>\nDHAQAN GELIN<br \/>\nHaddaba si loo dhaqan geliyo talooyinka wax ku oolka ah ee kor ku xusan, loona helo<br \/>\nfarsamadii sharciyeed iyo talaabooyinka bilowga ah ee lagu hirgelin lahaa talooyinkaas,<br \/>\nshirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa talaabooyinka hoos ku xusan oo khuseeya dib u<br \/>\nhabayn lagu sameeyo garsoorka iyo kaabayaashiisa.<br \/>\nGarsoorka<br \/>\nQeybta 1aad<br \/>\nIyadoo la cuskanayo qodobada 109 A, 109 B, 111 B, 111C, 111 J, 112 iyo qodobka 114 ee<br \/>\ndustuurka Federaalka ah, shirwaynuhu wuxuu ugu baaqayaa xukuumada in muddo saddex<br \/>\nbilood gudahood ay baarlamaanka ugu soo gudbiso xeerarka hoos kuqaran:<br \/>\n1. Xeerka guddiga adeega garsoorka<br \/>\n2. Xeerka maxkamada dastuuriga<br \/>\n3. Xeerka gudiga xuquuqda aadanaha<br \/>\n4. Xeerka gudiga dib u habaynta shuruucda<br \/>\n5. Xeerka xafiiska madaxa banaan ee xeer ilaaliyaha guud (Attorney General)<br \/>\n6. Xeerka gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa<br \/>\n7. Xeerka xafiiska gardoonka qaranka<br \/>\nSidoo kale shirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in muddo shan bilood gudahooda:<br \/>\n1. Lagu soo dhiso maxkamadda dastuuriga<br \/>\n2. Lagu soo magacaabo gudiga adeega garsoorka<br \/>\n3. lagu soo magacaabo gudiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha<br \/>\n4. Lagu magacaabo gudiga la dagaalanka musuqmaaquqa.<br \/>\n5. Lagu soo magacaabo gardoonka qaranka (Ombudsman) Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 7<br \/>\nQeybta 2aad<br \/>\nShirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in gudiga adeega garsoorku ay muddo seddex bilood ah ku<br \/>\nsoo magacaabaan guddiga kala saarista ( Judicial Vetting Committee), gudigaas oo ay<br \/>\nhawshoodu noqon doonta in si dhaqso ah uga baaraan degto, qiimeyna ku samayso tayada<br \/>\naqooneed, waaya aragnimada, wax qabadka, hufnaanta iyo daacadnimada dhaamaan<br \/>\nhawlwadeenada garsoorka hada shaqeeya ee ay kamid yihiin:<br \/>\n1. Garsoorayaasha<br \/>\n2. Hawlwadeenada maxkamadaha<br \/>\n3. Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud iyo dacwad oogayaasha<br \/>\n4. Dhamaan hawlwadeenada<br \/>\nQeybta 3aad<br \/>\nShirweynuhu wuxu ku baaqayaa in la aasaaso machad qaran ((National Judicial Training<br \/>\nInstitute), oo si joogto ah loogu tababaro hawladeenada garsoorka iyo kaabayaashiisa,<br \/>\nkaas oo hoos tagi doona wasaaradda cadaaladda.<br \/>\nQeybta 4aad<br \/>\nShirwaynuhu wuxu ku baaqayaa in khubaro aqoon u leh ay si dhakhso ah sahamo ku soo<br \/>\nsameeyaan dhismayaasha maxkamadaha hadda jira si ay uga soo talo bixiyaan kuwa baaba\u2019san<br \/>\noo u baahan dhismo cusub iyo kuwa la dayactirayo, si loo waafajiyo halbeega caalamiga ee<br \/>\ndhismayaasha maxkamadaha. Sidoo kale wuxuu shir weynuhu ku baaqay in dhismayaal<br \/>\nmaxkamado oo cusub lagu baahiyo dhamaanba goobaha dadku ku badanyahay.<br \/>\nQeybta 5aad<br \/>\nIn la dhiso agaasin maamul (Court Administration System) oo hoos taga gudiga adeega<br \/>\ngarsoorka kaas oo masuul ka ah dhamaanba arrimaha maamul iyo maaliyadeed ee ay u<br \/>\nbaahan yihiin hay\u2019adaha garsoorka iyo maareyntooduba. Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 8<br \/>\n2. SHURUUCDA DALKA<br \/>\nQaybta 1aad<br \/>\nShirweynuhu wuxu ugu baaqayaa xukuumada in mudo hal bil gudeheed ay ku soo<br \/>\nmagacawdo gudiga qaran ee dib u habeynta shuruucda (National Law Reform Commission)<br \/>\noo shaqadeedu tahay dib u eegista dhamaan shuruucda dalka si loo ogaado shuruucda u<br \/>\nbaahan in wax laga badalo ama dib u habeyn lagu sameeyo, iyo ka tala bixin xeerarka cusub<br \/>\nee loo baahan yahay si loo waafajiyo dastuurka federaalka ee dalka.<br \/>\nQaybta 2aad<br \/>\nShirweynuhu wuxu ku baaqayaa in gudiga dib u habeynta shuruucda lagu daro culumo<br \/>\nsoomaaliyeed oo ku xeel dheer shareecada islaamka oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda<br \/>\nsi ay gudiga ugu fududeeyaan in shuruucda dalka la waafajiyo shareeecada islaamka.<br \/>\nGudigaas oo mudnaanta koowaad siin doonta soo diyaarinta xeerarka kala ah:<br \/>\n1. Xeerarka nidaamka garsoorka<br \/>\n2. Xeerka Ciqaabta<br \/>\n3. Xeerka habka ciqaabta<br \/>\n4. Xeerarka habka madaniga iyo<br \/>\n5. Xeerka la dagaalanka burcad badeedka iyo argagixisada<br \/>\n6. Dhamaan xeerarka kale oo dhan iyada oo gudigu uu eegi doono marba sida<br \/>\nloogu kala baahi badanyahay.<br \/>\nQeybta 3aad<br \/>\nShirweynuhu wuxuu ku baaqayaa in si dhakhso ah dib u habayn loogu sameeyo faafinta<br \/>\nrasmiga ah (Official Gazette) si loogu faafiyo dhammaan shuruucda dalka iyo arimaha kale<br \/>\nee rasmiga ah, islamarkaana dadka loogu wacyi geliyo shuruucda dalka.Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 9<br \/>\n3. BOOLISKA<br \/>\nShirwaynuhu wuxu hoosta ka xariiqay in boolisku ahmiyad wayn ugu fadhiyo dhaqan<br \/>\ngelinta nidaamka cadaaladda ee suuban, sidaas darteed, waxa uu xukuumada ugu<br \/>\nbaaqayaa:<br \/>\n1. In tababarada akadeemiyaasha booliska lagu daro duruus ku saabsan xuquuqda<br \/>\naadanaha si waafaqsan dastuurka iyo shareecada islaamka;<br \/>\n2. In si gaar ah booliska loogu tababaro ixtiraamka xuquuqda dastuuriga ah ee uu<br \/>\nleeyahay muwaadinka soomaaliyeed;<br \/>\n3. In ciidanka booliska lagu tababaro hannaanka dambi barista ee casriga ah, isla<br \/>\nmarkaana xarumaha dambi baarista lagu qalabeeyo tiknoolajiyada cusub ee<br \/>\nfududeyn karta baarista danbiyada;<br \/>\n4. In la abuuro guddi kormeer oo rayid ah (Civilian Oversight Committee) kaas oo kala<br \/>\nxsibaatami doonta ciidanka bileyska hawlaha uu u hayo bulshada si waafaqsan<br \/>\ndastuurka.<br \/>\n4. XABSIYADA<br \/>\nShirweynuhu wuxu ku baaqayaa:<br \/>\n1. In la dhiso xabsiyo leh dhamaan adeegyada aasaasiga u ah maxaabiista, isla<br \/>\nmarkaana tababarka ciidanka asluubta lagu daro duruus ku saabsan xuquuqda<br \/>\naadanaha si waafaqsan dastuurka iyo shareecada islaamka;<br \/>\n2. In dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo xeerka xabsiyada, lana dhaqan galiyo hab<br \/>\nraac damaanad qaadi kara ilaalinta xuquuqda maxbuuska si waafaqsan dastuurka,<br \/>\nshuruucda caalamiga ah iyo mabaadi\u2019da shareecada islaamka;<br \/>\n5. XUKUUMADDA<br \/>\nShirwaynuhu waxa uu xukuumada ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan usoo<br \/>\nmagacawdo gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka (Review and<br \/>\nImplementation Commision) sida ku xusan qodobka 134 B ee Dustuurka.Warmurtiyeedka Shirweynaha Qaran ee dib-u-Habaynta Garsoorka Jimce April 5, 2013 | 10<br \/>\n6. GUNAANAD IYO MAHADNAQ<br \/>\nHaddaba marka la dhaqan geliyo talooyinka shirka, waxaa aan ku han weynahy in la helo<br \/>\nNidaam cadaaladeed oo ku salaysan:<br \/>\n1. Nidaam cadaaladeed oo hagaya dowladda lana xisaabtamaya<br \/>\n2. Nidaam garsoor oo shacabku isku halayn karo, ku kalsoonaan karo, loona siman<br \/>\nyahay<br \/>\n3. Nidaam cadaaladeed oo keenaya sarraynta iyo u hogaansanka sharciga<br \/>\n4. Helitaanka nidaam cadaaladeed oo hufan oo dhowraya xuquuqda aadanaha,<br \/>\nmuwaadin kastana si sahlan u heli karo.<br \/>\nShirwaynuhu waxa uu xusuusineynaa xukuumadda iyo dhinacyada ay khuseyso in<br \/>\nhirgalinta talooyinkan, diyaarinta qawaaniinta iyo hay\u2019adaha ka dhalan doona ay u baahan<br \/>\nyihiin miisaaniyad, shaqaale leh tababar iyo dhismooyin lagu hirgeliyo howshaas, taas oo<br \/>\nay lagama maarmaan tahay in loo qorsheeyo si ku haboon.<br \/>\nGabagabadii Shirweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad celinayaa dhamaan ka<br \/>\nqeybgalayaasha, si gaar ah wuxu shirweynuhu ugu mahad celinyaa waftiga balaaran ee ka<br \/>\nsocda dawlad goboleedka Puntland oo isugu jiray wasiiro, garsoorayaal iyo aqoonyahan si<br \/>\nfir fircoona u soo bandhigay waaya aragnimadooda xaga garsoorka. Sidoo kale waxa mudan<br \/>\nmahadnaq gaar ah aqoonyahanada ka kala yimid daafaha adunka.<br \/>\nUgu dambayntii shirku wuxuu u mahad celinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda<br \/>\nFederaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxanuud.<br \/>\nAllaa Mahad Leh!<br \/>\nShirwaynaha Qaran ee Dib u Habeynta Garsoorka<br \/>\nMogadishu April 5, 2013<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAR MURTIYEEDKA,SHIRWEYNAHA QARAN EE KAWADATASHIGA DIB U HABAYNTA GARSOORKA IYO KAABAYAASHIISA. MUQDISHO, SOOMAALIYA, 1-5 April 2013. ARAAR 1. Iyadoo laga duulayo baaqii madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu jeediyay 11kii bishii Febraayo ee sanadka 2013 oo ugu yeeray shirweyne qaran oo looga wada tashanayo dib u habaynta garsoorka iyo kaabayashiisa, kaasoo ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13968","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13968","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13968"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13968\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13969,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13968\/revisions\/13969"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13968"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13968"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13968"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}