{"id":13941,"date":"2013-04-04T18:04:24","date_gmt":"2013-04-04T15:04:24","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13941"},"modified":"2013-04-04T18:04:24","modified_gmt":"2013-04-04T15:04:24","slug":"jabuuti-oo-deeq-hub-ah-siisay-somalia-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/04\/jabuuti-oo-deeq-hub-ah-siisay-somalia-2\/","title":{"rendered":"Jabuuti oo deeq Hub ah siisay Somalia."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dawladda Jabuuti deeq hub ah, oo loogu talagalay tayeynta ciidamaday Soomaaliyeed.<br \/>\nRa\u2019iisal Wasaaraha oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa saaka guddoomay hubkan oo ka kooban 50 gaari oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa loo adeegsado xamuulka ciidanka.<br \/>\nMunaasabad ka dhacday xarunta ciidamada ee Sheekh Cismaan, ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar Hufane.<br \/>\n\u201cWaxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba\u201d ayuu yiri Mudane Faqi.<br \/>\nRa\u2019iisal Wasaare Saacid oo munaasabadii heshiiska ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan hub, sidoo kalena tilmaamay in hubkan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka caalamiga ah ee adeegsiga hubka.<br \/>\n\u201cHubkani guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Jabuuti,\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisal Wasaaraha. Isagoo intaasi ku daray \u201cWaxaan halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doono si mas\u2019uuliyadi ku jirto\u201d<br \/>\nUgu dambeyntiina, Ra\u2019iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xafiiskiisa kula kulmay xafiiska Ra\u2019iisal Wasaaraha Jabuuti, wuxuuna kadib soo kormeeray Dekeddaha dalka Jabuuti, isaga oo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan dekeddahan, waxayna warbixino ka dhegeysteen maamuleyaasha dekedaha Jabuuti.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dawladda Jabuuti deeq hub ah, oo loogu talagalay tayeynta ciidamaday Soomaaliyeed. Ra\u2019iisal Wasaaraha oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa saaka guddoomay hubkan oo ka kooban 50 gaari oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa loo adeegsado xamuulka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13941","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13941","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13941"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13941\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13943,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13941\/revisions\/13943"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13941"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13941"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13941"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}