{"id":13670,"date":"2013-03-24T15:28:41","date_gmt":"2013-03-24T12:28:41","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13670"},"modified":"2013-03-24T19:59:20","modified_gmt":"2013-03-24T16:59:20","slug":"wafdi-heer-wasiir-oo-ka-socda-dowladda-oo-kismaayo-gaaray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/wafdi-heer-wasiir-oo-ka-socda-dowladda-oo-kismaayo-gaaray\/","title":{"rendered":"Wafdi Heer Wasiir oo ka socda Dowladda oo Kismaayo gaaray."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira ay maanta gaareen magaaladaas, iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay.<br \/>\nWafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C\/kariin Xuseen Guuleed oo uu wehliyo Wasiirka gaashaandhiga iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay horu dhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo Ra\u2019iisul Wasaaraha oo goor dhow ku wajahan Kismaayo. Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka iyo wasiirka Gashandhigga ayaa kulamo la qaatay Maamulka Kumeel gaarka ah isla markaasna la sheegay inay horudhac u yihiin Ra\u2019iisul Wasaare Saacid oo lagu wado inuu gaaro Magalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.<br \/>\nGuddoomiye ku xigeenka maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo Yaasiin Raadeer ayaa Kulanka kadib warbaahinta u sheegay in ay mas\u2019uuliyiinta ka wada hadleen arrimo la xiriira ammaanka, isagoo intaas ku daray in wafdiga dowladda uu horudhac u yahay booqasho raysul wasaaraha soomaaliya  uu ku tagayo magaalada Kismaayo.<br \/>\nMagaalada Kismaayo ayaa la sheegaya inay ka socoto qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Ra\u2019iisul Wasaaraha, waxaana hakad ku jira guud ahaan dhaq dhaqaaqii magaalada sida ganacsiga iyo isku socodka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira ay maanta gaareen magaaladaas, iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay. Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C\/kariin Xuseen Guuleed oo uu wehliyo Wasiirka gaashaandhiga iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay horu dhac u yihiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13670","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13670","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13670"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13670\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13674,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13670\/revisions\/13674"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13670"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13670"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13670"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}