{"id":13658,"date":"2013-03-23T23:25:38","date_gmt":"2013-03-23T20:25:38","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13658"},"modified":"2013-03-23T23:25:38","modified_gmt":"2013-03-23T20:25:38","slug":"arday-uu-qarax-ku-dilay-xeraale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/arday-uu-qarax-ku-dilay-xeraale\/","title":{"rendered":"Arday uu qarax ku dilay Xeraale"},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Mines.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Mines.jpg\" alt=\"\" title=\"Mines\" width=\"135\" height=\"101\" class=\"alignleft size-full wp-image-13659\" \/><\/a>Labo arday ayaa caawa ku dhimatay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud saddex kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay walxo qarxa oo ay garaaceen.<br \/>\nSida uu Warbaahinta u Sheegay Guddoomiyaha deegaanka Xeraale, Bashiir Daahir Yuusuf ardayda dhimatay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen dugsiiley, waxayna gudaha dugsigii ay dhiganayeen ee Qur\u2019aanka ay ku garaaceen waxyaabaha ku qarxay oo loo maleynayo inay miino ahayd.<br \/>\nLabo ka tirsan saddexda arday ee dhaawacantay oo xaaladdoodu ay daran tahay ayaa loo qaaday magaalada Gaalkacyo si adeeg caafimaad oo ka wanaagsan kan Xeraalle ay u helaan.<br \/>\nBashiir Daahir ayaa ka dalbaday hay\u2019adaha ku shaqada leh baaridda waxyaabaha qarxa iyo dowladda Soomaaliya inay deegaanka ka howl-galaan, halkaas oo la rumeysan yahay inay weli ku aasan yihiin waxyaabo qarxa oo la geliyay intii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ee sanadkii 1977.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Labo arday ayaa caawa ku dhimatay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud saddex kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay walxo qarxa oo ay garaaceen. Sida uu Warbaahinta u Sheegay Guddoomiyaha deegaanka Xeraale, Bashiir Daahir Yuusuf ardayda dhimatay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen dugsiiley, waxayna gudaha dugsigii ay dhiganayeen ee Qur\u2019aanka ay ku garaaceen waxyaabaha ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13658","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13658","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13658"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13658\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13660,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13658\/revisions\/13660"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13658"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13658"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13658"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}