{"id":13611,"date":"2013-03-21T22:13:33","date_gmt":"2013-03-21T19:13:33","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13611"},"modified":"2013-03-22T10:31:09","modified_gmt":"2013-03-22T07:31:09","slug":"kulankii-qamiislaha-ee-golaha-wasiirada-oo-maanta-looga-hadlay-qodobo-badanwar-saxaafadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/kulankii-qamiislaha-ee-golaha-wasiirada-oo-maanta-looga-hadlay-qodobo-badanwar-saxaafadeed\/","title":{"rendered":"Kulankii Qamiislaha ee Golaha Wasiirada oo Maanta Looga hadlay Qodobo Badan+War Saxaafadeed."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Golaha-Wasiirada.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Golaha-Wasiirada.jpg\" alt=\"\" title=\"Golaha Wasiirada\" width=\"640\" height=\"401\" class=\"alignleft size-full wp-image-13616\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Golaha-Wasiirada.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Golaha-Wasiirada-300x187.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a>Khamiis, March 21, 2013\u2014-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen qorshe loogu magac daray \u201cThe New Deal\u201d, Arrimaha Amniga, iyo soo celinta hantidii dowladda gaar ahaana Warshaddihii dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C\/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in ugu horeyn golaha Wasiiradu warbixin ka dhegeysteen guddigii loo xilsaaray inay keenaan faah faahinta dilalkii todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho kaasoo lagu dilay dhalinyaro, waxaana arrintan ka warbixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka mid ah guddigii loo xil saaray dhacdadaas.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta guddiga kadib, ay Goluhu isla qaateen in dib loogu dhigo kulanka dambe ee golaha, si go\u2019aan looga gaaro. Wasiirka Warfaafinta, ayaa sidoo kale faah faahiyay warbixin golaha Wasiirada ay ka dhegeysteen khubaro ku xeel dheer barmaamijka loogu magac daray \u201cThe New Deal\u201d, kaas oo ah qorshe ballaaran oo ay dhaqangelinayaan dalalka deeqaha bixiya isla markaana dalalka deeqaha la siiyo ay ku dalbanayaan baahidooda gargaar, si looga taageero.<\/p>\n<p>Qorshahan ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta in golaha wasiiradu ay soo dhoweeyeen, ayna isla garteen in hay\u2019addaha kala duwan ee dowladdu ku dhaqmaan. Si loo helo taageero ka tarjumeysa baahida shacabka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in golaha Wasiirada ay ka doodeen qorshe ku aadan dib u soo celinta hantida dowladda, gaar ahaana Warshaddihii dalka, wuxuuna xusay in ay isla garteen in la magacaabo Guddi Qaran oo ku magacaaban Dikreeto madaxweyne, isla markaana leh awood ay ku fuliyaan howlahooda. Taasoo sahleysa in si dhameystiran dowladdu u hesho goobihii, iyo qalabkii Warshaddaha dalka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntiina, Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Golaha Wasiiradu ka hadleen codsiyo ay soo jeediyeen dad Soomaali ah kuwaasoo doonaya inay helaan Jinsiyadda Soomaaliga iyo weliba Baasaboor, maadaama aabayaashooda ay Talyaani ahaayeen hooyooyinkoodana Soomaali, wuxuuna xusay in dib loogu dhigay inta laga meel marinayo sharciga Jinsiyaddaha, kadibna laga gaari doono go\u2019aan.Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis, March 21, 2013\u2014-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen qorshe loogu magac daray \u201cThe New Deal\u201d, Arrimaha Amniga, iyo soo celinta hantidii dowladda gaar ahaana Warshaddihii dalka. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13611","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13611","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13611"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13611\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13617,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13611\/revisions\/13617"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13611"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13611"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13611"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}