{"id":13578,"date":"2013-03-21T16:20:30","date_gmt":"2013-03-21T13:20:30","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13578"},"modified":"2013-03-21T16:20:30","modified_gmt":"2013-03-21T13:20:30","slug":"amisom-oo-niyadda-u-dejisey-shacabka-baay-bakool-war-saxafadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/amisom-oo-niyadda-u-dejisey-shacabka-baay-bakool-war-saxafadeed\/","title":{"rendered":"Amisom oo niyadda u dejisey shacabka Baay &#038; Bakool +War saxafadeed."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Gen.Gutti-Taliye.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Gen.Gutti-Taliye.jpg\" alt=\"\" title=\"Gen.Gutti Taliye\" width=\"650\" height=\"408\" class=\"alignleft size-full wp-image-13585\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Gen.Gutti-Taliye.jpg 650w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/Gen.Gutti-Taliye-300x188.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 650px) 100vw, 650px\" \/><\/a>War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada AMISOM ee ka socda Midnimadda Africa ayaa lagu sheegay in AMISOM niyadda u dejineyso shacabka ku dhaqan gobolada Baay iyo Bakool marka la eego xaaladda amni.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu yiri \u201cAMISOM waxay si dhaw ula socotaa isbedelkii u danbeeyey, kadib markii ciidamada Itoobiya ka baxeen magaalada Xuddur gobolka Bakool\u201d, waxaana AMISOM sheegtey in si dhaw ay ula shaqeyn doonaan ciidamada Dowladda Federaaliga ah ee Soomaaliya, dedaalka ay wadaan si loo sugo amniga goboladaas.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta ee AMISOM General Gutti ayaa yiri:<\/p>\n<p>    \u201cWaxaan si adag u canbaareyneynaa gawricii loo geystey mid ka mid ah culimada Xuddur, kaas oo kooxda al-Qaacida u shaqeysa ee al-Shabaab ay fuliyeen, waxaan la shaqeyneynaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amniga, loona soo celiyo, dhulka ka baxay gacanta Dowladda\u201d.<\/p>\n<p>General Gutti ayaa hadalkiisa ku daray<br \/>\n-Waxaan qaadaney go\u2019aan aan ku damaanad qadayno in wax laga qabto gobolada Baay &#038; Bakool, taas oo lala wadaagayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, si xasiloonida iyo Amniga goboladaasi ay yiiin kuwo sugan, muddada ciidamada Itoobiyaanku baxayaan, waxaan wadnaa dib u eegid in Ciidamada AMISOM loo daabulo Goboladaas iyo weliba gobolka Hiiraan, anaga oo ku kalsoon in aan buuxin karno baahida jirta\u201d<\/p>\n<p>AMISOM ayaa ugu danbeyntii baaq u dirtey dhamaan Malayshiyaadka kooxaha ee hubeysan waxaana laga codsadey in ay hubka dhigaan, kuna wareejiyaan ciidanka Dowladda iyo AMISOM, kuwa sidaas sameeya waxaa loola dhaqmayaa si wanaagsan oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.<\/p>\n<p>Ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa culeys ku noqdey ciidamada AMISOM iyo Dowladda waxaana si aan laga tashan uga soo baxeen magaalada Xuddur, halkaas oo isla markiiba ay qabsadeen Xarakada al-Shabaab ee Dowladda ka soo horjeeda.<\/p>\n<p>Itoobiya ayaa sheegtey in Midowga Africa ay horey ugu wargeliyeen in ciidamadooda kala soo abxayaan Soomaaliya laakiin la keeno ciidankii beddeli lahaa, taas oo aan wax jawaab ah laga siin.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada AMISOM ee ka socda Midnimadda Africa ayaa lagu sheegay in AMISOM niyadda u dejineyso shacabka ku dhaqan gobolada Baay iyo Bakool marka la eego xaaladda amni. War-saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu yiri \u201cAMISOM waxay si dhaw ula socotaa isbedelkii u danbeeyey, kadib markii ciidamada Itoobiya ka baxeen magaalada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13578","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13578","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13578"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13578\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13586,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13578\/revisions\/13586"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13578"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13578"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13578"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}