{"id":13531,"date":"2013-03-20T12:58:12","date_gmt":"2013-03-20T09:58:12","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13531"},"modified":"2013-03-20T12:58:12","modified_gmt":"2013-03-20T09:58:12","slug":"rwasare-saacid-oo-sheegay-in-ay-dib-dowladda-ula-wareegi-doonto-degmada-xudur","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/rwasare-saacid-oo-sheegay-in-ay-dib-dowladda-ula-wareegi-doonto-degmada-xudur\/","title":{"rendered":"R\/Wasare Saacid oo sheegay in ay dib dowladda ula wareegi doonto Degmada Xudur."},"content":{"rendered":"<p>Ra&#8217;iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa shalay sheegay in dowladdiisu ay qorsheyneyso sidii ay si deg-deg ah dib ula wareegi lahayd magaalada Xuddur ee gobolka Bakool oo Axaddii la soo dhaafay ay qabsatay maleeshiyada al-Shabaab.<\/p>\n<p>Dhinaca kale raysul wasaaraha ayaa si kulul u cambaareeyay dil kooxda al-Shabaab ay habeen hore ugu geysatay gudaha magaalada Xuddur Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame oo ka mid ahaa culumaa\u2019uddiinka waa-weyn ee gobolka Bakool.<\/p>\n<p>\u201cFalkan wuxuushnimada ah nagama hor istaagayo inaan horey u sii soconno, waxaan kala shaqeyneynaa ciidanka xoogga Soomaaliyeed iyo saaxiibbadeen sidii aan dib ula wareegi lahayn magaalada,\u201d raysul wasaaraha ayaa sheegay. \u201cWaan guuleysan doonnaa.\u201d<\/p>\n<p>Sida ay sheegeen dadka deegaanka, rag hubaysan oo ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa Sheekh Cabdiraxmaan waxay habeen hore kala baxeen gurigiisa, iyadoo meydka Sheekha shalay lagu arkay meel u dhow gurigiisa.<\/p>\n<p>Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in muddo 40 sano ah uu Imaam ka ahaa masaajid ku yaalla magaalada Xuddur, kana aqrin jiray duruusta diiniga ah, gaar ahaan Tafsiirka Qur\u2019aanka.<\/p>\n<p>Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Axaddii dib ula wareegtay gacan ku haynta magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xuddur kaddib markii ciidankii Itoobiyaanka ee halkaas joogay tan iyo 2011 ay ka baxeen magaalada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra&#8217;iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa shalay sheegay in dowladdiisu ay qorsheyneyso sidii ay si deg-deg ah dib ula wareegi lahayd magaalada Xuddur ee gobolka Bakool oo Axaddii la soo dhaafay ay qabsatay maleeshiyada al-Shabaab. Dhinaca kale raysul wasaaraha ayaa si kulul u cambaareeyay dil kooxda al-Shabaab ay habeen hore ugu geysatay gudaha magaalada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13531","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13531","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13531"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13531\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13535,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13531\/revisions\/13535"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13531"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13531"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13531"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}