{"id":13479,"date":"2013-03-18T22:42:47","date_gmt":"2013-03-18T19:42:47","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13479"},"modified":"2013-03-18T22:42:47","modified_gmt":"2013-03-18T19:42:47","slug":"madaxweynaha-soomaaliyaafhayeenka-barlamaanka-iyo-rwasaaraha-soomaaliya-oo-cambaareeyey-qarax-lala-beegsadey-taliyaha-nabadsugida-qaranka-gobolka-banaadir-khalif-axmed-ereg","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/madaxweynaha-soomaaliyaafhayeenka-barlamaanka-iyo-rwasaaraha-soomaaliya-oo-cambaareeyey-qarax-lala-beegsadey-taliyaha-nabadsugida-qaranka-gobolka-banaadir-khalif-axmed-ereg\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha soomaaliya,afhayeenka barlamaanka iyo r\/wasaaraha soomaaliya oo cambaareeyey qarax lala beegsadey taliyaha nabadsugida qaranka gobolka banaadir khalif axmed ereg."},"content":{"rendered":"<p>Madaxda dalka soomaaliya ugu sareysa sida madaxweynaha xasan sheekh maxamuud,afhayeenka barlamaanka maxamed shekh cusmaan jawaari iyo r\/wasaaraha dalka cabdi faarax shirdoon ayaa maanta si wadajir ah u cambaareeyey fal qarax ismiidaamin ah oo lala beegsadey taliyaha ciidamada nabadsugida qaranka gobolka banaadir khaliif axmed ereg.<\/p>\n<p>Qaraxan oo ka dhacey iridda hore ee ex-fiyoore oo xarun u ah fanaaniinti waaberi ee qaranka soomaaliya,wuxuuna sababey in madaxdani ay si isku mid ah cambaareyn u soo jeediyaan,iyadoo hore loo arki jirey in ay si kala gooni gooni ah,waxeyna sheegeen in ay la dagaalami doonaan kooxaha ka danbeeya dhagarahan waa sida ay hadalka u dhaheene.<\/p>\n<p>Qaraxan ayaa ka dhacey meel aad ugu dhaw madaxtooyada looga arimiyo dalka soomaaliya,waxa uuna kusoo beegmayaa iyadoo beryahan la hadalhayo hub la sheegey in madaxtooyada laga rartey dad badana ay u xiranyihiin tuhunka hubka madaxtooyada laga rartey.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxda dalka soomaaliya ugu sareysa sida madaxweynaha xasan sheekh maxamuud,afhayeenka barlamaanka maxamed shekh cusmaan jawaari iyo r\/wasaaraha dalka cabdi faarax shirdoon ayaa maanta si wadajir ah u cambaareeyey fal qarax ismiidaamin ah oo lala beegsadey taliyaha ciidamada nabadsugida qaranka gobolka banaadir khaliif axmed ereg. Qaraxan oo ka dhacey iridda hore ee ex-fiyoore oo xarun u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13479","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13479","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13479"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13479\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13486,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13479\/revisions\/13486"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13479"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13479"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13479"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}