{"id":13352,"date":"2013-03-13T14:21:52","date_gmt":"2013-03-13T11:21:52","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13352"},"modified":"2013-03-13T14:21:52","modified_gmt":"2013-03-13T11:21:52","slug":"kooxo-ku-sugan-ruushka-oo-jabsaday-xogta-xasaasiga-ah-ee-qaar-kamid-ah-madaxda-sare-ee-dalka-maraykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/kooxo-ku-sugan-ruushka-oo-jabsaday-xogta-xasaasiga-ah-ee-qaar-kamid-ah-madaxda-sare-ee-dalka-maraykanka\/","title":{"rendered":"Kooxo ku sugan Ruushka oo jabsaday Xogta xasaasiga ah ee qaar kamid ah Madaxda sare ee dalka Maraykanka"},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/burcad-Computerada.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/burcad-Computerada.jpg\" alt=\"\" title=\"burcad Computerada\" width=\"279\" height=\"330\" class=\"alignleft size-full wp-image-13362\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/burcad-Computerada.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/burcad-Computerada-253x300.jpg 253w\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" \/><\/a>Koox kamid ah burcada Internetka ee (Hackers) loo yaqaan ayaa jabsaday xogtii xasaasiga ahayd ee shaqsiyaad kamid ah Madaxda sare ee dowlada Maraykanka iyo waliba dadka sida weyn looga yaqaan dalkaasi.<\/p>\n<p>Dadka Xogtooda internetka laga dhacay waxaa kamid ah Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Joe Bidan, Xaaska Madaxweynaha Maraykanka Michelle Obama iyo waliba Xoghayihii Hore ee Arrimaha Dibada Hillary Clinton.<\/p>\n<p>Kooxdan la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin dalka Ruushka oo ah wadanka ugu horeeya caalamka isaga iyo Shiinaha dhanka kooxaha faro ba\u2019an ku haya xogta Internetka sida khaaska ah ugu keydsadaan shirkadaha waaweyn ee Maraykanka sida kuwa Bangiyada iyo Caymiska.<\/p>\n<p>Kooxdan ayaa internetka shalay (Salaasa) ku shaaciyey xogta shaqsiyadeed oo ay ku jiraan lacagta Bangiga u taal iyo kharashaadkii ay bixiyeen, xogta gaarka ah ee Caymiska, taleefonadooda sida gaarka ah ay u isticmaalaan madaxda sare ee Maraykanka iyo waliba ciwaanka guryaha ay sida gaarka ah u leeyihiin.<\/p>\n<p>Xogtan ayaa laga xaday in gaaraya 18 qof oo kamid ah dadka ugu caansan dalka Maraykanka oo xataa ay kamid yihiin Atoorayaal iyo Fanaaniinta caanka ah ee Maraykanka.<\/p>\n<p>Sidoo kale hay\u2019adaha danbi baarista ee Maraykanka ayaan laftooda ka badbaadin weerarkan dhanka internetka ah oo waxaa kamid ahaa dadka xogtooda laga xaday Madaxa Hay\u2019ada Danbi Baarista Maraykanka (FBI) Robert Mueller, Xeer illaaliyaha Guud ee Maraykanka Eric Holder iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska magaalada Los Angeles Chief Charlie Beck. Waxaa sidoo kale kamid ah dadka xogtooda la xaday Labada fanaan ee caanka ka ah dalkaasi Maraykanka ee Beyonce iyo Jay-Z oo ah lamaane isqaba iyo qaar kale oo kamid ah Atoorayaasha ugu caansan dalka Maraykanka.<\/p>\n<p>Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay arrintan baaritaan ku wado, sidoo kale shirkadaha Caymiska iyo Bangiyada ayaa sheegay inay baaritaan kuwadaan qaabkii xogtan looga xaday.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Koox kamid ah burcada Internetka ee (Hackers) loo yaqaan ayaa jabsaday xogtii xasaasiga ahayd ee shaqsiyaad kamid ah Madaxda sare ee dowlada Maraykanka iyo waliba dadka sida weyn looga yaqaan dalkaasi. Dadka Xogtooda internetka laga dhacay waxaa kamid ah Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Joe Bidan, Xaaska Madaxweynaha Maraykanka Michelle Obama iyo waliba Xoghayihii Hore ee Arrimaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13352","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13352","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13352"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13352\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13363,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13352\/revisions\/13363"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13352"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13352"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13352"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}