{"id":13295,"date":"2013-03-11T15:26:52","date_gmt":"2013-03-11T12:26:52","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13295"},"modified":"2013-03-11T15:26:52","modified_gmt":"2013-03-11T12:26:52","slug":"maxaad-kala-socotaa-qodobada-ay-ku-hishiiyeen-puntland-iyo-raiisul-wasaare-dr-saacid","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/maxaad-kala-socotaa-qodobada-ay-ku-hishiiyeen-puntland-iyo-raiisul-wasaare-dr-saacid\/","title":{"rendered":"Maxaad kala Socotaa Qodobada ay ku hishiiyeen Puntland iyo Ra&#8217;iisul Wasaare Dr Saacid."},"content":{"rendered":"<p><a class=\"highslide\" onclick=\"return vz.expand(this)\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/heshiis.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/heshiis.jpg\" alt=\"\" title=\"heshiis\" width=\"525\" height=\"350\" class=\"alignleft size-full wp-image-13297\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/heshiis.jpg 525w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/03\/heshiis-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 525px) 100vw, 525px\" \/><\/a>Heshiiska ayaa ka koobaqan qodobadan:<\/p>\n<p>1. KOR UQAADISTA KALSOONIDA IYO XIRIIRKA DFS IYO DOWLADDA PUNTLAND:<\/p>\n<p>Labada dhinac waxay ku heshiiyeen:<\/p>\n<p>1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocol ka dowliga ah.<\/p>\n<p>1.2: In la dhiirigaliyo wada shaqeynta hay,adaha kala duwan ee Puntland iyo Dowladadda Federaalka.<\/p>\n<p>1.3: In la dhaqan gelliyo dhammaan heshiisyadii dhexmaray Puntland iyo dowladihii KMG ahaa wixii aan ka hor imaanayn dastuurka.<\/p>\n<p>1.4: Ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.<\/p>\n<p>1.5: In la joojiyo lagana hortago wax kasta oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac wixii tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal<\/p>\n<p>2. 0: ISKAASHIGA AMNIGA:<\/p>\n<p>2.1: Isdhaafsiga Xogta, khibradaha iyo isku xirista hayadaha Nabadgalyada.<\/p>\n<p>2.2: Waxaa la isla gartay soo dhawaynta qaadista cunaqabataynta hubka ayadoo la iska kaashanayo xaga hubka iyo saanadda ciidamada.<\/p>\n<p>2.3: Dhisidda ciidan qaran oo isu dheelitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan gobalada iyo degmooyinka dalka.<\/p>\n<p>2.4: In si wadjir ah looga wada shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedka.<\/p>\n<p>2.5: In dowladda federaalka ay dayactirto maamushana xeryaha loo aqoonsado inay yihiin xeryo heer qaran.<\/p>\n<p>2.6: Waxaa lagu heshiiyey in ciidamada Nabadgelyada Puntland laga caawiyo gunooyinka, isgaarsiinta, Gaadiidka, tababarada iyo agabka(logistics).<\/p>\n<p>3. 0: DHAQAALAHA IYO HOUMARINTA:<\/p>\n<p>3.1: Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg deg ah oo ku saabsan sidii loo helli lahaa Shillin Soomaali cusub.<\/p>\n<p>3.2: Waxaa la isku raacay baahida loo qabo jaangoynta iyo midaynta canshuuraha (Tarifs) dalka oo dhan.<\/p>\n<p>3.3: In la iska kaashado hurumarinta iyo kobcinta maamulka maaliyadeed ee dalka.<\/p>\n<p>3.4: In DFS dadajiyo shirciga maalgashiga shisheeye lagana faa,iideysto khibradda Punland.<\/p>\n<p>3.5: In Puntland saamigeeda ay ka hesho dhammaan mashaariicda horumarineed iyo banii,aadanimo ee heer qaran ayadoo DFS soo dhawaynayso una fududaynayso ciddii caawinaysa Puntland.<\/p>\n<p>3.6: In loo hawlgalo wadashaqaynta iyo midaynta hayadaha socdaalka (immigrations) .<\/p>\n<p>3.7: Waxaa la isla gartay in DFS ay saami ku yeelato dakhliga dekedaha iyo garoomada diyaaradaha si waafaqsan dastuurka.<\/p>\n<p>4. 0: SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA:<\/p>\n<p>4.1: Waxaa labada dhinac isla garteen in Dowladda Federaalku ay dardar geliso nidaamka federaaleynta dalka si waafaqsan dastuurka isla markaana ka hortagto wax kasta oo wax u dhimi kara taaba gellinta dhismaha dowlad gobaleedyada.<\/p>\n<p>5.0: HANAANKA GEEDI SOCODKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND<\/p>\n<p>5.1: Waxaa labada dhinac isla qaateen in la bogaandiyo lana dhiiro gelliyo hannaanka geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland, isla markaasna la dhowro shuruucda iyo xasiloonida Puntland.<\/p>\n<p>5.2: DFS waxay taageeraysaa lana soconaysaa geedisocodka dimuqraadiyadda Puntland.<\/p>\n<p>6.0: ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO:<\/p>\n<p>6.1: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in DFS dadajiso isu cellinta hantida gaar ahaaneed si loo hello dib u heshiisiin dhab ah, ayadoo la magacaabayo Guddi heer qaran oo madax banaaan go,aamadiisuna yeeshaan awood fulineed.<\/p>\n<p>6.2: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in DFS dadajiso dib u soo cellinta hantidii qaran gudaha iyo debada.<\/p>\n<p>7.0: SAMAYNTA AQALKA SARE EE BAARLAMANKA FEDERAALKA:<\/p>\n<p>7.1: Waxaa la isla qaatay in DFS dedejiso dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka si waafaqsan Dastuurka Federaalka.<\/p>\n<p>\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026DHAMMAAD\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026 \u2026\u2026\u2026.<\/p>\n<p>Saxiixayaasha Heshiiska:<\/p>\n<p>1. Raiisulwasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya<\/p>\n<p>Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid)<\/p>\n<p>2. Madaxweynaha Dowladda Puntlan<\/p>\n<p>Mudane Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud<\/p>\n<p>Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar uu uga socdo xarunta wasaarada arrimha dibeda ee dalka K\/Afrika<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Heshiiska ayaa ka koobaqan qodobadan: 1. KOR UQAADISTA KALSOONIDA IYO XIRIIRKA DFS IYO DOWLADDA PUNTLAND: Labada dhinac waxay ku heshiiyeen: 1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocol ka dowliga ah. 1.2: In la dhiirigaliyo wada shaqeynta hay,adaha kala duwan ee Puntland iyo Dowladadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13295","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13295","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13295"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13295\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13300,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13295\/revisions\/13300"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13295"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13295"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13295"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}