{"id":13290,"date":"2013-03-11T15:04:20","date_gmt":"2013-03-11T12:04:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13290"},"modified":"2013-03-11T15:04:20","modified_gmt":"2013-03-11T12:04:20","slug":"magaalada-kismaayo-oo-dhaq-dhaqaaq-ciidan-laga-dareemayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/magaalada-kismaayo-oo-dhaq-dhaqaaq-ciidan-laga-dareemayo\/","title":{"rendered":"Magaalada Kismaayo oo Dhaq dhaqaaq Ciidan laga dareemayo."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa labo maalin kahor magaalada Kismaayo gaaray ciidamo gaaraya 500 kuna hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka badan 10, kuwaasi oo hada kusugan nawaaxiga Airporka magaalada Kismaayo.<br \/>\nCiidamadan ayaa kamid ah ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugnaa gobalka Gedo gaar ahaan deegaanka Ceelwaaq, waxaana la sheegay in dowladu u bedashay inay tagaan dhanka magaalada Kismaayo.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa waxaa kasoo horjeestay maamulka Kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo oo ciidamada sheegay inaysan soo gelin magaalada, waxaana jiray warar ay warbaahinta isku dhaafsadeen qaar kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda gobalka Jubballand oo ciidamadan ku sheegay kuwo loo soo diray inay khal khal geliyaan shirkii dhismaha maamulka Jubbaland ee horey uga socday magaalada Kismaayo.<\/p>\n<p>Guddoomiye kuxigeenkii hore ee gobalka Gedo, hadana sheegay inuu yahay Guddoomiyaha gobalkaasi Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wareysi uu maanta VOA siiyey ku tilmaamay maamulka magaalada Kismaayo mid jabhad ah oo aan matelin deegaankaas.<\/p>\n<p>Maxamed Kaliil oo ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in ciidamada ay Gedo ka direen ay ku baxeen amarka dowlada Federaalka, isagoo sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka taliso dalka, isla markaana maamulka kumeelgaarka ah ee ka jira Kismaayo uusan horjoogsan karin amarka dowlada Federaalka.<\/p>\n<p>Maxamed Kaliil ayaa sidoo kale meesha ka saaray shirkii Kismaayo ee maamul u sameynta Juballand, isagoo wareysigiisa ku yiri:<\/p>\n<p>\u201c\u2026Koox gaar ah ama qabiil ma sameyn karaan maamul, Dowlada Federaalka ayaa ah mida dalka u talisa oo ah inay hormuud u noqoto maamul u sameynta gobalada Jubooyinka\u2026\u201d<\/p>\n<p>Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee gobalka Gedo oo isagu xiligan ku sugan Kismaayo isla markaana dhankiisa taageersan Shirka Kismaayo iyo maamulka halkaasi laga dhisayo.<\/p>\n<p>Hadalada kasoo baxay Maxamed Kaliil oo hada ku magacaaban guddoomiyaha gobalka Gedo iyo ciidamada Dowlada Federaalka u dirtay Kismaayo ayaa sare usii qaaday xiisadii kataagneyd maamul u sameynta Jubbaland.<\/p>\n<p>Xildhibaanada horey sida weyn u cambaareeyey ciidamada Gedo ka baxay ee Dowladu u dirtay Kismaayo waxaa kamid ahaa Xildhibaan Cabdirishiid Xidig oo isagu ku eedeeyey Dowlada Federaalka ciidamada ay u dirtay inay xiriir la sameeyeen kooxda Al Shabaab.<\/p>\n<p>Xildhibaan Cabdirishiid Xidig oo arrintan markii ugu horeysay ka hadlay ayaa ku eedeeyey ciidamadaasi ka yimid Gedo inay ku dhex jiraan xubno ka tirsan Al Shabaab, isagoo taasi ku micneeyey maadaama dhulka ay soo mareen ee gobalka Jubbada dhexe uu yahay dhul ay ka taliyaan Al Shabaab.<\/p>\n<p>Madaxda sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horey marar badan hadalo is burinaya uga hadlay maamulka loo sameenayo Juballand iyadoo illaa iyo hada aysan muuqan go\u2019aan wadajir ah oo ku aadan sidii loo yagleeli lahaa maamulka Jubbaland oo kamid gobalada ay qeybo kamid ah weli ku sugan yihiin xoogaga Al Shabaab.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa labo maalin kahor magaalada Kismaayo gaaray ciidamo gaaraya 500 kuna hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka badan 10, kuwaasi oo hada kusugan nawaaxiga Airporka magaalada Kismaayo. Ciidamadan ayaa kamid ah ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugnaa gobalka Gedo gaar ahaan deegaanka Ceelwaaq, waxaana la sheegay in dowladu u bedashay inay tagaan dhanka magaalada Kismaayo. Arrintan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13290","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13290","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13290"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13290\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13294,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13290\/revisions\/13294"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13290"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13290"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13290"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}