{"id":13091,"date":"2013-03-04T02:04:32","date_gmt":"2013-03-03T23:04:32","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=13091"},"modified":"2013-03-04T02:29:56","modified_gmt":"2013-03-03T23:29:56","slug":"xisbiga-midnimada-jamhuuriga-soomaaliyeed-oo-caddaalad-darro-ku-tilmaamey-xukunka-ay-maanta-ku-ridey-maxkamada-racfaanku-wariye-ccasiis-koronto","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/03\/xisbiga-midnimada-jamhuuriga-soomaaliyeed-oo-caddaalad-darro-ku-tilmaamey-xukunka-ay-maanta-ku-ridey-maxkamada-racfaanku-wariye-ccasiis-koronto\/","title":{"rendered":"Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo caddaalad darro ku tilmaamey xukunka ay maanta ku ridey maxkamada racfaanku wariye c\/casiis koronto."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa maanta isagoo aad u careysan la hadley warbaahinta kusimaha gudomiyaha xisbiga ahna gud.kuxigenka xmjs md cali maxamed nuux timajilic,isagoo sheegey in ay nasiib darro iyo wax laga xumaado tahey in garsoorku ay garan waayaan illaalinta sharafta qaranka iyo midda muwaadinka,ayna muujinayaan dagaal iyo cabsi gelin ay ku hayaan warbaahinta.<\/p>\n<p>Gudoomiye kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic ayaa sheegey in lagu xadgudbey labadan muwaadin qarankana ay sharaftiisa garan waayeen sida loo difaaco garsoorkeenu,isagoo intaas raaciyey waa in marka hore lasoo qabtaa kuwii kufsiga u geystey luul cali cismaan,isla markaana ay magdhaw ka heshaa fadeexada lagu sameeyey ayna ku sameeyeen hey&#8217;addo isbiirsadey,waxaana uu soo qaadey codsiga ay luul u jeedisey beesha caalamka iyo hey&#8217;adaha xuquuqul insaanka u dooda uu yiri timajilic anagu ka xisbi ahaan waxaan ka geysaneyna gacan codsiga luul cali cismaan uguna baaqey cid kasta in ay gacan ka geysato sidii gabadhaas loo gafey loogu heli lahaa meel aan aheyn meeshi dhibaatadu kasoo gaartey si ay nolosheeda inta uga hartey u qaadato iyadoon dareemeyn aflagaado iyo qowl ahaan u geystaan dad aan wax garad aheyn oo warkaas maqley.<\/p>\n<p>Dhanka kale timajilic ayaa sheegey in aysan caddaalad ahey lixda bilood ee wariye c\/casiis lagu xukumey sababtoo ah wariyaha waxaa lagu heystey in uu wareystey luul oo ka beensheegeysa kufsi iyada lagula kacey taasina waa been oo luul dhibaatadu way ku dhacdey maxkamada ayaana caddeysey in luul danbi lagu waayey sidaas darteed c\/casiisna denbi malaha oo wuxuu wareystey muwaadinad la dhibaateeyey,warka ha faafiyo ama yaanu faafin,kama hareyno c\/casiis ilaa uu xoriyadiisa dib u helo ayuu yiri timajilic oo mar kasta taagnaa maxkamadeynta wariye c\/casiis koronto iyo luul cali cismaan.<\/p>\n<p>Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo ah xisbiga ugu faca weyn xisbiyada dalka ka jira ayaa ah xisbi aan hubeysneyn balse sheega dhaliil iyo amaan marba wixii la soo gudboonaada,waxeyna arrintani kusoo beegmeysaa iyadoo m\/weynaha soomaaliya xasan sheekh oo dhawaan la hadleyey garsoorayaasha maxkamadaha uu sheegey in dhaawac ay sharafta qaranka u geysatey kiiska wariye koronto iyo luul cali isagoo ka afgobaadsadey in uu si cad u tilmaamo halka qaladku ka jiro si uu isaga ilaalsho faragelin uu m\/weynuhu u geysto garsoorka soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa maanta isagoo aad u careysan la hadley warbaahinta kusimaha gudomiyaha xisbiga ahna gud.kuxigenka xmjs md cali maxamed nuux timajilic,isagoo sheegey in ay nasiib darro iyo wax laga xumaado tahey in garsoorku ay garan waayaan illaalinta sharafta qaranka iyo midda muwaadinka,ayna muujinayaan dagaal iyo cabsi gelin ay ku hayaan warbaahinta. Gudoomiye kuxigenka xmjs cali maxamed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-13091","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13091","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13091"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13091\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13099,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13091\/revisions\/13099"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13091"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13091"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13091"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}